01/08/2026
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SI RASMI AH U FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA LABADIISA AQAL.
Muqdisho, Soomaaliya- 01 Agoosto, 2026: Kulanka furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal, waxaa shir guddoomineysay Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan kusimaha Guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye kuxigaanka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare.
Ugu horrey, Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka furtay ayaa faahfaahin ka bixisay shuruucdii uu golaha meelmariyey kalfadhigii 7-aad iyo sidoo kale shuruucda kale ee hortaala golaha Shacabka kalfadhiga 8-aad.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal ayaa golaha warbixin ka siiyey dhinacyada kala duwan ee xaaladda dalka iyo horumarada ay dowladda ka gaartay siyaasadeeda gudaha iyo tan dibadda,
Sidoo kale, kulanka furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal waxaa ka qeyb galay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka iyo sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho.