03/09/2026
AKHRISO:-Beelaha Digil iyo Mirifle oo iminka ku baraarugey hadal uu h**ey wax badan ugu celceliyay Madaxweyne Lafta-gareen
Dad badan oo ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle oo siyaasiyiin iyo shacabba leh ayuu Madaxweyne Lafta-gareen h**ey ugu sheegay, inaan asaga loo socon ee loo socdo, sidii loo dhaxal wareejin lahaa deeganadooda.
Waxaa hubaal ah, in dad badan oo Digil iyo Mirifle ah ay hadda aad ugu baraarugeen, hadalkii uu h**ey u yiri Madaxweyne Lafta-gareen, kadib markii ay indhahooda ku arkeen, in xataa Madaxweyne ku xigeenka Koonfur-Galbeed loo wado Yuusuf Indhacadde oo kasoo jeeda gobalada dhexe, taasoo ah dhaxal wareejin aad u foolxun oo ku dhisan musuq iyo qabyaalad cad.
Dagaalka lagu qaadey Madaxweyne Lafta-gareen, wuxuu ahaa, mid leh 3 ujeedo oo waaweyn, kuwaasoo kala ah:-
1). In Koonfur-Galbeed loo sameeyo Madaxweyne fuliya danaha gurrucan ee Xasan Sheekh, kaasoo qabta doorasho ku sheeg qof iyo cod ah oo ay kasoo baxaan Xildhibaano Xasan Sheekh dib u doorta.
2). In Koonfur-Galbeed maamulkeeda la dhalanrogo oo awood-qeybsiga iyo dhulkaba ay wax ku yeeshaan beesha Hawiye oo aan wax deegaan ah ku lahayn Koonfur-Galbeed.
3). In markii hoggaanka maamulka Koonfur-Galbeed loo dhiibo Aadan Madoobe, sidii caadiga ahayd ay deegaanada Koonfur-Galbeed ay ka bilawdaan dhulboob la mid ah kii Muqdisho, kaasoo ay ku shirkoobaan Xasan-Xaraash iyo Aadan-Ansax.
Haddaba, Shacabka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle, mar hadday yaqiinsadeen, in waxa loo socday aanu Lafta-gareen ahayn ee uu ahaa masiirkooda guud iyo dhaxal wareejinta deegaanadooda iyo awood-qeybsiga maamulkooda, waxaa la gudboon, inay u midoobaan shaqsiyaadka kooban ee mashruucaan wada, isla markaana si wadar ah u taageeraan Madaxweyne Lafta-gareen.
....................
Daahir F. Afdheere