28/09/2025
Baydhabo, Soomaaliya – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay Madasha Wadatashiga Aasaaska iyo Xoojinta Wadashaqeynta Ganacsatada iyo Hay’adaha Maaliyadeed.
Madashan muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada, maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo, ganacsato, bankiyo iyo marti sharaf kale oo ka kala socday qaybaha bulshada.
Ujeeddada madashu waxay ahayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa ganacsatada iyo hay’adaha maaliyadeed, iyadoo la abuurayo jawi suuq ganacsi oo dhiirrigeliya horumar dhaqaale iyo maalgashi joogto ah.
Intii kulanka uu socday, masuuliyiin heer gobol iyo heer wasiir ah ayaa ka hadlay, iyagoo ku bogaadiyay muhiimadda shirkan iyo kaalinta uu ku leeyahay horumarinta dhaqaalaha.
Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa carrabka ku adkeysay in haweenka mudnaan gaar ah la siiyo dhiirrigelinta maalgelinta ganacsiga, si ay ugu biiraan tartanka suuqa isla markaana ay door muuqda uga qaataan koboca dhaqaalaha.
Dhankiisa, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Abdullahi Abdi Mohamed, oo si rasmi ah u furay madasha, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee ganacsatada iyo hay’adaha maaliyadeed ay ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka. Wuxuu intaa ku daray in dowladdu ka go’an tahay inay fududeyso adeegyada sharci iyo maamul ee ganacsatada iyo maal-gashadayaasha, si loo helo jawi maalgashi oo hufan.