LAAS TV

LAAS TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from LAAS TV, TV Channel, buurta sayidka, Mogadishu.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka:Jawaabaha Ruushka ee weerarrada Ukraine ay ku fuliso hubka Ingiriiska waxaa ka mid n...
27/08/2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka:
Jawaabaha Ruushka ee weerarrada Ukraine ay ku fuliso hubka Ingiriiska waxaa ka mid noqon kara in la bartilmaameedsado xarumaha milatari ee Britain, kuwa ku yaalla gudaha Ukraine ama dibadda xuduudaheeda.
https://t.me/LAASTvg

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay xogta safarka aan horey loo shaacin oo toddobaadkan uu madaxa hay’adda sirdoonka Ma...
27/08/2026

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay xogta safarka aan horey loo shaacin oo toddobaadkan uu madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, John Ratcliffe ku tagay caasimadda Ruushka ee Moscow, iyagoo hadda sheegay in booqashadan ay la xiriirtay xog ay heshay CIA-da oo lagu oggaaday Ruushka inuu iskudayayo weerar uu ku qaado dal ka tirsan NATO.

Warbixinnadu waxay sheegeen in sirdoonka Mareykanku uu ka walaacsanyahay xaalado kala duwan, kuwaas oo ka bilaaban kara weerar dhanka internet-ka ah ilaa ciidamo yar dhulka ah oo Ruushka uu geliyo dal NATO ah. Waxaa si gaar ah looga cabsi qabaa dalalka Baltiga.

Waxa kale oo walaac laga muujinayaa in keydka hubka ee dalalka reer Galbeedku uu hoos u dhacay, ka dib sannado hub badan loo dirayay Ukraine iyo dagaalladii dhowaan ka dhacay Iiraan. Maraykanku wuxuu ka cabsi qabaa in xaaladdan ay saameyn ku yeelan karto sida Putin u qiimeeyo fursadda uu haysato oo lagu tijaabin karo NATO.
https://t.me/LAASTvg

Iiraan iyo Cumaan ayaa maanta heshiis ku gaaray inay qaybsadaan maamulka iyo dhaqaalaha ka soo xaroonaya marin-biyoodka ...
26/08/2026

Iiraan iyo Cumaan ayaa maanta heshiis ku gaaray inay qaybsadaan maamulka iyo dhaqaalaha ka soo xaroonaya marin-biyoodka Hormuz, sida ay werisey Reuters oo xiganaysa sarkaal u hadlay ciidanka Iiraan.

Lama soo bandhigin faahfaahinta heshiiska, sidoo kale dhinaca Cumaan k**a soo bixin wax falcelin ah oo la xiriirta heshiiska la sheegay in laga gaaray marinka Hormuz , oo dhigaya maraakiibta adeegsanayana in laga qaadayo lacag ay qaybsanayaan Iiraan iyo Cumaan.
https://t.me/LAASTvg

Agaasimaha sirdoonka Mareykanka ayaa si qarsoodi ah u booqday Moscow, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin Ruush ah. I...
25/08/2026

Agaasimaha sirdoonka Mareykanka ayaa si qarsoodi ah u booqday Moscow, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin Ruush ah. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee booqashada, waxaana la sheegay inuu ku yimid diyaarad nooca C-17 ah.
https://t.me/LAASTvg

Trump: Waxaa hadda la ii sheegay in Ciidanka Badda Mareykanka ay ka saareen ama qarxiyeen dhammaan miinooyinka ku jiray ...
25/08/2026

Trump: Waxaa hadda la ii sheegay in Ciidanka Badda Mareykanka ay ka saareen ama qarxiyeen dhammaan miinooyinka ku jiray biyaha caalamiga ah ee Gacanka Hurmuz.

Iran waxaa loo sheegay in markab ama doon kasta oo isku dayda inay miinooyin cusub dhigto isla markiiba oo si nidaamsan loo burburin doono.

Trump wuxuu intaas ku daray in Ciidanka Hawada Sare ee Mareykanka ay si dhow ula socdaan meel kasta oo ka mid ah Gacanka Hurmuz, sidoo kalena ay kormeerayaan Buurta faas (Jabal al-Fath) iyo saddexda goobood ee kale ee nukliyeerka ah ee horay loo burburiyay.
https://t.me/LAASTvg

Muuqaal ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka kacaya saldhig ciidan oo Sacuudi ah oo ku yaalla Al-Wadiica, Yemen, kadib ...
24/08/2026

Muuqaal ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka kacaya saldhig ciidan oo Sacuudi ah oo ku yaalla Al-Wadiica, Yemen, kadib markii saldhigga lagu bartilmaameedsaday gantaal ballistic ah oo ay Xuutiyiintu rideen telegram soodhigya video
https://t.me/LAASTvg

🇺🇸 WAR DEGDEG AH: Maamulka Trump ayaa qorsheynaya inuu $725 milyan siiyo Qaramada Midoobay, taas oo qayb ka ah bixinta l...
24/08/2026

🇺🇸 WAR DEGDEG AH: Maamulka Trump ayaa qorsheynaya inuu $725 milyan siiyo Qaramada Midoobay, taas oo qayb ka ah bixinta lacagaha Mareykanku ku leeyahay UN-ka.

Lacagtan waxay dabooli doontaa oo keliya qayb ka mid ah balaayiin doollar oo UN-ku sheegayo in Washington lagu leeyahay. Maamulka Trump ayaa sidoo kale sheegay in lacag-bixinno dheeraad ah lagu xiri doono dib-u-habeyn lagu sameeyo Qaramada Midoobay.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ilaa 21-ka Agoosto aan weli wax lacag ah la wareejin.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la filayo in Madaxweyne Donald Trump uu bisha soo socota khudbad ka jeediyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.
https://t.me/LAASTvg

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka: Waaberiga maanta waxaan bilaabi doonaa weerar dhaqaale oo ka dhan ah Iran, kaas oo noqon...
24/08/2026

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka: Waaberiga maanta waxaan bilaabi doonaa weerar dhaqaale oo ka dhan ah Iran, kaas oo noqon doona kii ugu ballaarnaa abid.

HALKAN WAXAA KA HELI KARTAA WAXYAABAHA ADDUUNKA KA DHACA

Caadi maaha Ninkan: Wuxuu  Iiraan u soo hooyay guul lama filaan ah, waxaa yaabban Erdogan iyo Sacuudigi! Waxaa la soo sh...
23/08/2026

Caadi maaha Ninkan: Wuxuu Iiraan u soo hooyay guul lama filaan ah, waxaa yaabban Erdogan iyo Sacuudigi!

Waxaa la soo sheegayaa inuu madaxda Iraan ka dhaadhiciyay inay deg deg ugu biiraan Heshiiska Maka ee difaaca wadajirka ah, kaas oo u dhexeeya Sacuudiga, Pakistan iyo Turkey.

Suurta gal ma noqon kartaa?
https://t.me/LAASTvg

Address

Buurta Sayidka
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when LAAS TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category