WarSo

WarSo halkan kala soco warar sugan iyo barnaamijyo ku xiisa galiya.

10/03/2024

Ganacsatada oo loo gubay hantidooda baad bixiya.

Sidan oo kale magaalada ayaa loo gubay dhawr jeer goobo ganacsi in ay bixin waayeen hanti baad ah oola weydiistay.

01/03/2024

Madaxweynihi h**e ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay.

20/02/2024

Maraykanka oo wiil soomaaliyeed xabsiga ku dhex dilay, sida ay sheegeen ehellada wiilka.

20/02/2024

Cabdimaalik muuse coldoon oo hadlay kadib sii deeyntiisii maanta.

17/02/2024

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kasoo dagay Muqdisho, ka dib markii uu kasoo carooday shirarkii Addis Ababa, ee uu maalmo kahor kusheegay kuwa muhiim ah, markii loo diiday in uu kabaxo hotelka Addis Ababa.

Goor dhaw ayaa labaahin doonaa shir jaraa’id oo Madaxweynuhu kusoo qabtay xarunta Midowga Afrika, oo uu arrimahan kaga hadlayo.

Madaxweyne Xassan ayaa cadeyeey in wafdi Itoobiyaan ah oo sare ay Hargeysa tageen, oo ay kashaqeynayaan ficilo ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya.

Maalmo kahor, Madaxweynaha JFS ayaa Itoobiya kusheegay cadow Soomaaliyeed, laakiin u socdaalkiisii shalay ayaa ahayd dhacdo layaab ku ahayd dadka darsaya arrimaha labada dal u dhaxeeya ama lasocda.

DEG DEG: Soomaaliya ayaa hadda qirtay bahdilaadii ay Itoobiya maanta kusamaysay Madaxweynaha JFS, waxayna shaacisay wasa...
17/02/2024

DEG DEG: Soomaaliya ayaa hadda qirtay bahdilaadii ay Itoobiya maanta kusamaysay Madaxweynaha JFS, waxayna shaacisay wasaaradda aan wasiirka laheyn ee arrimaha dibadu, in ay xadgudub sameysay Itoobiya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa bilowgii todobaadkan markii uu tagay Addis Ababa, la bahdilay, hayeeshee uu qarsaday.

MW Soomaaliya uu hadda 50 daqiiqo kudhawaad fadhiyo qeybta VIP-da ee garoonka Addis Ababa, isagoo careysan.

17/02/2024

DEG DEG: Magaalada Addis Ababa, Itoobiya ayaa si foolxun u bahdishay wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qeybgalaya shirka Midowga Afrika.

Markii ay fashilmeen isku dayada dhinacyadu kudoonayeen Is aragyo gaar ah oo Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmara, ayaa wafdiga DF diideen in ay aqbalaan Habmaamuuska amni sugida Itoobiyaanka, taas oo iyana kaliftay in MW Xassan ay Ilaalada loo xilsaaray ee Itoobiya diidaan in kaligiis aado xarunta Midowga Africa, taas oo kaliftay in hub ay iskula baxaan dhinacyadu.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa xarunta AU ku yimi, baabuurka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhinacyada soo kala dhexgalay.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in Itoobiya ay wafdi sare u dirtay Hargeysa oo ay hadda joogaan, Soomaaliyana aysan gacmaha laaban doonin.

Diyaarad ay dib ugu laabanayaan wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya hogaaminaya ayaa hadda taagan garoonka Bolle, wuxuu shir jaraa’id kuqabtay xarunta Midowga Afrika, isagoo ka cadeeyey waxa dhacay.

Isha Warka: Gaylan Media

WAR DEG DEG AH: Diyaarada dawlada Maraykanka ayaa duqayn ku dilay labo maxbuus oo u dhashay wadanka Kuuba kuwaas oo gaca...
17/02/2024

WAR DEG DEG AH: Diyaarada dawlada Maraykanka ayaa duqayn ku dilay labo maxbuus oo u dhashay wadanka Kuuba kuwaas oo gacanta ugu jiray Kooxda AS.

War Saxaafadeed kasoo baxay As ayaa lagu yiri:

"Taariikhdu markii ay ahayd 5tii Shacbaan, 1445, oo waafaqsaneyd 15 kii Febraayo, 2024, Saliibiyiinta Mareykanka ayaa duqeymo loo adeegsday diyaradaha daroonka ka geystay magaalada Jilib ee wilaayada Jubooyinka, iyagoo halkaas ku dilay laba maxbuus oo kasoo jeeda wadanka Kuuba oo ay gacanta ku hayeen Mujaahidiinta"

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri: "Duqeynta oo dhacday xilli ay saacadu ku beegneyd 6 saac oo saqdhexe ah ayaa beegsaday dhisme ku yaalla degmada Jilib oo lagu hayey maxaabiista kala ah Assel Harrera iyo Landy Rodriguez oo ay Mujaahidiintu gacanta kusoo dhigeen 12 kii April ee sanadkii 2019, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Mandheera ee kamid ah dhulalka Muslimiinta ee kuhoos jira gumeysiga Kenya."

Wafti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa la kulmay ra'iisal wasaaraha Itoobiya  , iyagoo kala hadlay x...
14/02/2024

Wafti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa la kulmay ra'iisal wasaaraha Itoobiya , iyagoo kala hadlay xiisadda la dhalatay badda Siomaaliya ee ay Itoobiya doonayso inay qaadato.

Maraykanka ayaa wada dhexdhexaadin la doonayo in lagu baajiyo qalqal ka dhasha xiisadda badda oo laga yaabo inay carqalad ku noqoto dedaallada Maraykanku kaga jiro Geeska Africa ee la dagaallanka kooxaha mintidiinta soomaaliya.

Waftigan ayaa kal h**e la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyagoo kala hadlay isla arrimahaas, balse dawladda Soomaaliya ayaan weli faahfaahin wixi dhex maray iyaga iyo wftiga Maraykanka ee ay kula kulmeen Addis Abab.

11/02/2024

: AS ayaa hadda xaqiijisay in "Mustafe Mukhtaar Aadan" oo 27 jir ah ka soo jeeday magaalada uu fuliyay weerarkii lagu laayay saraakiishii Imaaraatka ee xalay ka dhacay Muqdisho.

11/02/2024
10/02/2024

Dhimashada ayaa ka dhalatay weerarkii Jen, Gordan ee xerada Imaaraatka Carabta, ayaa gaartay 20 Askari oo iskugu jira Ajnabi iyo Soomaali, dhaawacuna 30 Askari in ka badan.

Madaxda DFS qaarkood ayaa tagay Isbitaalka Digfeer oo lageeyey Dhaawacyada Imaaraatka iyo ajaaniibta kale.

Address

Wadada Makah Al-Mukarramah
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when WarSo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share