Xogta Abaarahasw

Xogta Abaarahasw Xog & Xuuraansi Abaaraha Dalkeena Soomaaliya

01/07/2022

Waa maalintii 7aad dhallinta deegaanka ay biyo dhaamin kawadaan

Biyo la aan baahsan ayaa kajirta deegaano badan oo kamid ah Bakool.

Waa maalin jimco ah haloo duceeyo dadka in uu ilaahay roob u keeno. Culayskana ka dul qaado. 🤲

Omar Atuu Huddurian Icon Muna Yusuf Sakiin iyo asxaabta kale ee hawshaas barakaysan u istaagtayna allaha ajar siiyo.

28/06/2022



Omar Atuu...

   Dhallinyaro isxilqaantay ayaa maalintii 4aad biyo dhaamin iyo waraabin kawada Magaalada  . Waxaan ilaahay uga baryaya...
28/06/2022





Dhallinyaro isxilqaantay ayaa maalintii 4aad biyo dhaamin iyo waraabin kawada Magaalada .

Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu raxmadiisa usoo dedejiyo roob khayrkiisa kuwaraabiyo🤲🤲🤲

Muna Yusuf Sakiin, Omar Atuu, Abdisalaan, Abdinur iyo dhamaan inta ka qaybdaanaysa allaha ajar iyo xasanaad badan haka siiyo.

Intii karaankaaga ah ka qaybqaado, mahadsanid.

26/06/2022

Aragtidaada hanaga bakhiilin..............
Iyadoo umada soomaaliyeed Gaajo u dhimanayaan xaqmiyaa in laqabto xaflado xuriyad iyo gobanimo loogu sheekeysanayo.

26/06/2022

Abaarta iyo barakacayaasha

Abaaraha waa cilado bulsho oo keeni kara barakac, rafaad iyo dan daro oo sii dhaxali kara gaajo, cuduro iyo macluul taas oo ku soo dhamaata inay dhintaan oo la’daan dhamaan inta tabarta yar sida caruurta, waayeelada iyo naagaha uurka leh.

Inay abaar dhacdo waa caadi, waxaana sababi kara cimilado rabaani ah iyo kuwo bani’aadamku keeno. Waxaana abaarta ka daran qorsha xumida ka jirta min qoys ilaa dowlad.

Waxyaabaha uu qoyska qorsheyn karo si aysan u saameyn abaarta waxaa ka mid ah; tacbashada dalagga ugu fiican isla markaana ugu badan xiliyada ay wax baxaayaan, keydsashada cunada, dhaqashada xoolaha abaarta u adkeysta, ka taxadarka deegaanka iyo biyaha iyo in ilmaha qoyska wax la baro si nolasha miiga keliya aan loogu tiirsanaan✅

Dowladana waa in ay qorsheysaa; biyo xireeno waaweyn oo lagu keydinaayo biyaha si loogu isticmaalo wax soo saarka beeraha. Inta badan dalkii ama deegaankii biyo xireen leh k**a dhaceyso biyo la’aan, waxaa kaloo dowlada laga rabaa inay ilaaliso deegaan, dhirta iyo daaqa xoolaha, dhiira gelinta tacbashada beeraha gaar ahaan kuwa joogtada ah ee ku yaala webiyada iyo biyo xireenada jiinkooda, qorsheynta xaaladaha deg dega ah sida; fatahaada iyo duufaanada marka ay dhacaan sidii looga jawaabi lahaa ka dowlad ahaan. Mareykanka iyo dowladaha waaweynba dhowr jeer baa masiibooyin rabaani ah ka dhaceen, meel ay barakacyaal deganyihiina lama arag👀

Dowlad way dhisi kartaa gudi ku meel gaar ah oo gurmad, shacabka iyo shaqaalaha dowladana si iskood ah way isku abaabuli karaan laakiin dowladda ma ahan inay xaaladaan oo kale uga fariisato keliya shacabka iyo hay’adaha maxaliga ah ee mararka qaar laga yaabo inay dano gaar ah leeyihiin.

Dowladda waa inay mar walba hogaanka qaadataa hadii howsha ay dowli tahay iyo hadii ay is xilqaan bulsho tahayba.

Waxa la soo aruriyey oo sida is xilqaanka lagu soo qaraamay, cidda lagu aaminaayo oo loo dhiibaayo waa su’aal mar walba iska taagan laakiin sida loo kala baxsanaayo xitaa sheegisteeda waa inay ku timaadaa hogaaminta dowladda.

Way mahadsanyihiin guud ahaan intii dadka abaarta saameysey ku biirisey fikirkooda, xoogooda, maalkooda iyo maskaxdooda, gaar ahaan waxaan rabaa inaan halkaan ka dhiirageliyo wiilka da’da yar ee is xilqaamay saaxiibkey Mohamed Abdiaziz oo maalmahan waxa ka jira gudaha xorooyinka dadka u soo bandhigaaya.

Aan u gurmano walaalaha maanta noo baahan, si aan beri ugu baxsano🙏

H.E. Mohamed Hussein John.

25/06/2022

...

Xildhibaan Nuura Mustaf.

25/06/2022

...

Aynu u gurmano dadkeena dhiban...

25/06/2022



Tebinta: Mohamed Hassan Awgooni

25/06/2022

...

Mahadsanid Mohamed Hassan Awgooni

In ka badan 6.1 Milion oo Soomaali ah ayaa wajahaya Xaalado Abaareed iyadoo ay badankood qarka u saaranyihiin Macluul......
25/06/2022

In ka badan 6.1 Milion oo Soomaali ah ayaa wajahaya Xaalado Abaareed iyadoo ay badankood qarka u saaranyihiin Macluul...

Dadkeenu wuxuu inooga baahanyahay...

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta Abaarahasw posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogta Abaarahasw:

Share