Somali News

Somali News Somali News – Warar cusub iyo xog sugan maalin kasta.

Kadib iska hor imaad dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF ayaa labada dhinac waxay soo saareen hadalo ku aadan ...
22/07/2026

Kadib iska hor imaad dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF ayaa labada dhinac waxay soo saareen hadalo ku aadan dagaalkii dhexmaray, iyaga oo sidoo kale eedo isku jeediyay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso.

"Wuxuu ahaa hawlgal amni, mana ahayn hawlgal dagaal," ayuu yiri Cabdikhaaliq Awil.

Sida uu sheegay, ciidamadu waxay isku dayeen inay la xiriiraan saraakiisha dhinaca kale, balse taa beddelkeeda waxaa bilowday rasaas socotay ilaa salaaddii subax.

Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay "inaanay jirin askar ama dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay iska horimaadka", inta uu isagu og yahay,

Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay inay ku ekaanayso war saxaafadeed ay h**e u soo saartay .

War saxaafadeedkaas ayay Puntland ku sheegtay in ciidamadeedu ay "hawlgal amni oo qorshaysan" ka fuliyeen deegaanka Laag, isla markaana ay muddooyinkii dambe halkaas ka socdeen "falal amni darro iyo qalqal gelin."

20/07/2026

"Xalay muuqaalkii Muqdisho soo bandhigtay wuxuu ahaa mid cajiib ah, Ciidamada Qaranka, Shacabka Caasimadda, Maamulka Gobolka, guddoomiyaasha degmooyinka iyo shirkadihii shaashadaha ku xiray fagaarayaashii laga daawanayey ciyaaraha waan ku amaaneynaa isku duubnida iyo wacdaraha ay dhigeen," Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi.

Duqa magaalada New York, Zahran Mamdani, ayaa sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra'iisul Wasaarah...
19/07/2026

Duqa magaalada New York, Zahran Mamdani, ayaa sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu marka uu yimaado New York si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.

Isagoo Sabtidii ka hadlayay barnaamijka 'podcast'-gaa ee wargeyska The New York Times, Mamdani wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu eegayo tallaabooyin suurtagal ah oo lagu xiri karo "dambiilaha dagaalka" marka uu yimaado magaalada New York bisha Sebtembar.

Mamdani wuxuu ballan-qaadkan sameeyay xilligii ololihiisa doorashada.

Mamdani wuxuu raaciyay, "Waxaan aaminsanahay in Ra'iisul Wasaare Netanyahu uu mudan yahay in la geeyo maxkamadda The Hague. Waa dambiile dagaal oo ay eedeymo ka gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC). Dad badan ayaa qaba aragtidan, iyadoo la eegayo xaaladaha ka dhashay falalkiisa sannadihii la soo dhaafay."

Markii la weydiiyay waxa sharcigu u oggol yahay inuu sameeyo ee arrintan la xiriirta, Mamdani wuxuu ku jawaabay: "Tani waa arrin aan hadda kala hadlayno waaxdeena sharciyada. Laakiin marar badan ayaan heer qaran ku aragnay dad isku dayaya inay dejiyaan sharciyo u gaar ah ama ay ka baxaan qaab-dhismeedka sharciga. Annagu ma lihin ujeedo aan sidaas ku sameyno."

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa sannadkii 2024-kii soo saartay amarro lagu soo xirayo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyeyaal kale oo Israa'iiliyiin ah. Waxaa lagu eedeeyay inay galeen dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza ka dib weerarkii Xamaas ay qaadday 7-dii Oktoobar, 2023.

MamdaniXigashada Sawirka,Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynihii h**e Joe Biden ayaa labaduba dhaleeceeyay amarka lagu soo xirayo ICC.

Dhanka kale waxaa baraha bulshada ka dhacay dood ku saabsan hadalka Mamdani. Dad badan ayaa arrintan ku tilmaamay in uu iska hadlay Mamdani

19/07/2026

Guddoomiyaha Ururka Towfiiq Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Cabudwaaq kaga codsaday kumannaan shacab ah inay codkooda ku taageeraan doorashada.

19/07/2026

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka,ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.


11/07/2026

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS iyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa magaalada Laascaanood ka xarig jaray bixinta qandaraas Koronto, kaas oo la-siinayo xarumo dowladeed oo lagu bixinayo adeeg dadweyne oo lacag la'aan ah.

07/07/2026

"Laba duufaan oo nooca tornado ah, kuwaas oo dabaylahoodu gaareen ilaa 93 mayl saacaddii (qiyaastii 150 km/saacaddii), ayaa ku dhuftay bartamaha Shiinaha, gaar ahaan gobolka Hubei. Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay, halka hal qofna weli la la'yahay," sida ay baahiyeen warbaahinta dowladda Shiinaha.

Si kooban:
Laba tornado ayaa dhacay.
Xawaaraha dabayshu wuxuu gaaray ilaa 93 mph (150 km/saacaddii).
Waxay ka dhaceen gobolka Hubei ee bartamaha China.
Ugu yaraan 5 qof ayaa geeriyooday.
Hal qof ayaa weli la la'yahay.

Macnaha warkaan waa sidan:Waxaa ka dhacay laba qarax meel u dhow Wasaaradda Dalxiiska ee Dimishiq (Damascus), Suuriya.Qa...
07/07/2026

Macnaha warkaan waa sidan:

Waxaa ka dhacay laba qarax meel u dhow Wasaaradda Dalxiiska ee Dimishiq (Damascus), Suuriya.

Qaraxyadu waxay ka dhaceen agagaarka halka uu deganaa Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kaas oo booqasho rasmi ah ku joogay Suuriya. Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne ka socda dal weyn oo reer Galbeed ah uu ku tago Suuriya muddo dheer.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SANA, waxaa ku dhaawacmay 18 qof, oo ay ku jiraan 4 askari oo boolis ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay heleen laba walxood oo qarxa (miinooyin/qaraxyo la aasay), waxayna isku dayayeen inay kala furfuraan, balse way qarxeen intii lagu guda jiray hawshaas.

Kadib qaraxyada, ciidamada ammaanku waxay xireen aagga si loo ilaaliyo shacabka, waxayna bilaabeen baaritaan iyo hubin dheeraad ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Suuriya, Anas Khattab, ayaa booqday goobta uu qaraxu ka dhacay.

Si kooban: Laba qarax ayaa ka dhacay meel u dhow Wasaaradda Dalxiiska ee Dimishiq xilli uu Madaxweyne Macron booqasho ku joogay Suuriya, waxaana ku dhaawacmay 18 qof.

07/07/2026

Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Maxamed Maxamuud Garabey "

Geesiyaasha Kumaandooska Gorgor waxaa lagu xasuustaa casharada lama ilaawaanka ah ee ay u dhigaan Khawaarijta."

Magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay lagu qabtay munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur...
07/07/2026

Magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay lagu qabtay munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo dhowaan loo doortay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Munsaabaddas ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotay dowladda federaalka ah oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Soonmaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwsaare Xamse Cabdi Barre.

Sheekh Adan Maxamed Nuur ayaa bishii h**e ay baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed u doorteen xilka hoggaamiyaha dowlad goboleedkaas ayaa shalay lagu caleema-saaray magaalada Baydhabo.

Cod qarsoodi ah oo ay dhiibteen xubnaha baarlamaanka 10-kii June ayuu Aadan ku helay 88 cod, kaa oo uu ku noqday hoggaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Guddoonku waxa uu sheegay in hal cod uu qasaaray.

Musharraxa la tartamayay Aadan Madoobe ayaa afhayeenka goluhu ku dhawaaqay in uu helay 1 cod oo kaliya.

Waxaa kula tartamayay xilka musharrax Cabdicasiis Maxamed Cismaan Jawaari, oo uu dhalay guddoomiyihii h**e ee baarlamaanka Soomaaliya ee geeriyooday. Halka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna musharrax ahaa uu ku dhawaaqay in uu ka haray tartanka sababo la xiriira "heshiisyo lagu xadgudbay".

Waxa uu sheegay in la jebiyay heshiis ay la galeen guddiga doorashada iyo huggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed kaa oo ahaa sida uu sheegay 'in aan xildhibaanadu aysan la galin taleefanada gacanta goobta codbixinta'.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share