
01/12/2022
Haadyahow andaaleyn
Adigaan daruuriyo
Dabeyluhu ku celinoo
Halkaad doonto gaaree
Degdeg ugu aqbaaroo
Midkaan doortey gaarsii
Fariimaha ansoo diray
Si dabuuble ugu sheeg
Farxad iigu deeqsii
Inuuyahay haldoorkii
Dunidaba mar lagu sugay
Diilimaha waraaqdan
Degelkeeda ku hariiq
Inaan daahsadow iman
Daraadiina aadmigu
Inaan doorsanuu qabo
Dayaxeygi u aqbaar
Oraahdiisa dabacsani
Durba ha iigu maansee
Jmca feylan
Qaraabo
Curiso /Hal-abuurad Idman Cali
Dhaqan billa