ADAL News

ADAL News Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from ADAL News, Media, Jaalle siyaad, Mogadishu.

Adal news agency (ANA)Waa page aad si maalinle ah uga helayso wararka iyo Barnaamijyada ku saabsan dhinacyada siyaasadda, Sirdoonka, Dhaqaalaha, Ammaanka, taariikhda iyo Arimaha Bulshada.

Ubax " Nin cadaan ah ayaan 10sano la noolaa waxaana u dhalay 4 ciyaala, markii danbe wuu inacay wuxuuna gurigeena keensa...
21/06/2025

Ubax " Nin cadaan ah ayaan 10sano la noolaa waxaana u dhalay 4 ciyaala, markii danbe wuu inacay wuxuuna gurigeena keensaday naag cadaan ah wuxuuna dhahay waa xaaskayga cusub, Aniga waan u dulqaatay murugadaas si caruurtayda u ilaaliyo, ugu danbayntii murugadii iyo cadaadiska maskaxeed waa ay ku xanuusantahay, hada waxaa laga baryayaa inuu furo waliba ayadoo la isku dayayo in lacag lagun siiyo si uu u furo dalqadana looga qaado.

Sababta Uu udiiday inuu furo waa inuu diidan yahay inay hesho nolol nabdoon Oo ay caruurteeda kula noolaato farxad.

Maxay kula tahay Qisada ubax

Jabhadda hubeysan ee Amxaarada ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay’adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Eth...
03/03/2024

Jabhadda hubeysan ee Amxaarada ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay’adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines, kuwaas oo ciidanka Ethiopia u isticmaalaya duubulidda ciidamada. Fano oo qoraal ku baahisay baraheeda warbaahinta ayaa sheegatay in ay qabsadeen gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas, waxana ayna xuseen in ay haystaan gantaalo gaaraya 40,000 feet.

Sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah, Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimaadyada ee hawadaha gudaha dalkaas sababa la xiriira khatarta ka timid dhanka Jabhadda Fano. Duulimaadkeedii ka imaanayeyey Europe, Woqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar h**e khadadkooda dib u jihayn looga sameeyey.

Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah, kadib markii Jabhadaha mucaaradka Itoobiya ay dib isu soo abaabuleen, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah uga soo adkaadeen Ciidanka maamulka Abiy. Si kastaba ha ahaate khatarta duulimaadyada ganacsi ayaa waxay khatar kale gelinaysaa dhaqaalaha dhamaan goballada dalkaasi.

Xaaladda Geeska Africa oo Karkaraysa.Dagaaladda Ruushka iyo UkraineDagaalkii TPLF iyo Ethiopia.Dagaalka Somaliland iyo S...
19/01/2024

Xaaladda Geeska Africa oo Karkaraysa.

Dagaaladda Ruushka iyo Ukraine
Dagaalkii TPLF iyo Ethiopia.
Dagaalka Somaliland iyo SSC.
Intuba Sanad iyo Dheeraad ayuu Socday.
Ethiopia Xiisadda Badda Ee hadda ay Soo Tuurtay Murankiisa Mudo Sanad iyo Dheeraad ayuu Socon Doonaa Haday Gacan Ka Hadal Noqotana Xaaladu Way Ka sii Daraysaa.

Soomaalidda Aqoonyahnkooda,Diplomasiyiintooda.Siyaasiyiintooda,Warbaahintooda iyo Falanqeeyaashuba Waxaa la Gudboon inaysan Ka Seexan Hawshaan Ethiopia Way u Diyaar Garoowday Mudana Waa uu Jiitamyaa Hawshaan Caga Jiid Badana Wuu Yeelan Doonaa Sidda ay Hadda Ku Tala Gashay Ethiopia.

F:G Dhammaan Warbaahinta Ethiopia,Siyaasiyintoda,Aqoonyahankoda iyo Xita Diplomasiyintoda Hawshaan Aad ayeey u Falanqeynyaan oo Dhagaha Bulshadda Ayeey La Qabadsiinyaan Si aysan u Raja Dhigin.

Fadhiga Halaga Kaco Soomaaliyeey.

12/04/2022

Guuleysta geesh-kayagoow

02/03/2022

Reporters Shook by War in “Relatively Civilized, European” Country

*Ninkii Putin ahaa bad buu ku jiraa, Ukraine oo dhan wuu burburiyay, Ciidamadii difaaca Ukraine iyaga iyo qalabkoodii ci...
27/02/2022

*Ninkii Putin ahaa bad buu ku jiraa, Ukraine oo dhan wuu burburiyay, Ciidamadii difaaca Ukraine iyaga iyo qalabkoodii ciidduu ku daray, Lkn siduu moodayay wax uma noqon oo iska caabin buu meesha kala kulmay, kadib markii ay shacabku hubkii qaateen, isaga waxaa u qorsheysneyd in 48 saac kadib ay Ukraine isku dhiibi doonto, ama in marka uu Caasimada isku hareereeyo ay Ciidamada Ukraine qaadan doonaan taladiisa ah iney dowladda afgambiyaan dabadeedna uu iyaga wadahadal la furo, Laakiin waxaas oo dhan waa shaqeyn waayeen, Inkastoo uu dagaalka guulo ka gaaray gacantana ku dhigay magaalooyin muhiim ah, hadana uu caasimaddii gacmaha kula jiro, misna waxey wararku sheegayaan in isagana ay soo gaartay qasaare balaaran oo uusan meesha ka filaneyn, tiro ciidamo ah oo maxaabiis ahna laga qabtay, dagaalkiina sida muuqata hada waa ku sii dabo dheeraaday, oo meel uu ka laabto ma joogo.

*Mareykan iyo xulufadiisu cunaqabateynta caalamiga ah marka laga soo tago, waxey ruushka ku qaadeen dagaal dhanka dhaqaalaha, Internetka iyo Isgaarsiinta ah, waxaa durba laga saaray nidaamka ay bangiyadu lacagaha isugu diraan ee SWIFT, waxaa la xanibay dhaqaalihii iiyo company-adii ganacsatada Ruushku ku lahaayeen dalka dibaddiisa, waxa ay hub iyo sahay ciidan gaarsiiyaan Kiev, goor dhowna waxey u dirayaan ciidamo iyo qalab malatari oo NATO ah sida ay sheegeen, taas oo dagaalka ka dhigi doonta mid yeesha waji cusub.

* Ciidamada,madaxda, Warbaahinta, dadka caanka ah iyo shacabka Ruushka 🇷🇺 ee platform ka fiican heysta ee ka xoogsada YouTube, Facebook iyo aaladaha kale oo dhan ee sociaal media ayaa laga jaray lacagihii ay ka sameyn jireen. tanina waa dagaal kale oo dhaqaale cuuryaamin ah.

*SPORTS:- dhamaan ciyaarihii wadamada Yurub ay lalahaayeen Kooxaha Ruushka ayaa dhamaantood la baajiyay,waxaa la baajiyay FORMULA ONE 2022 oo Ruushka lagu qaban lahaa , xitaa Finalka Champions League In lagu qabto waa laga baajiyay, Manchester United waxey joojisay Sponsor Aeroflot, boqolaal xayeysiin ah oo Shirkadaha Ruushka ah ayaa la dhigay, Sidoo kale Naadiga Shalka O4 ayaa funaanadiisa ka tiray GAZPROM, sidoo kale maamulihii shirkadan wuxuu ka tagay Gudiga kooxda oo uu ka tirsanaa, tanina waa dagaal kale.

*dhamaan diyaaradaha Ruushka Yurub iyo Mareykanka waa laga mabnuucay, Sidoo kale in isagana duulimaadyadu tagaana waa laga mabnuucay.
tanina waa dagaal kale oo dhaqaale.

*Halkaas markeey taagan tahay, Odayga meel walba wey ka qaniineen, wuxuuse ku qasban yahay in uu Ukraine 🇺🇦 gacanta ku dhigo waxkasta haku qaadatee, ama inuu dagaalka waji kale u yeelo oo uu ka soo qeybgeliyo dalalka isaga xulufada la ah si ay xabaddu meel walba u gaarto,, hadii uusan tilaabooyinkaa degdeg ula imaan waxey u muuqataa marka khasaaraha ciidamada soo gaaraya uu ku bato, cuuryaaminta dhaqaalahana laga dareemo wadanka, in isaga iyo shacabkiisu iska hor imaan doonaan, maadaama ay hadaba inbadan oo ka mid ah ay ka soo horjeedaan weerarka uu Ukraine ku qaaday.

Sheekada CasiriyahaDoolli ama Jiir  ayaa xaafaddii Uu ku noolaa markii loo dulqaadan waayay dhibaatadiisa waxaa la keena...
26/02/2022

Sheekada Casiriyaha

Doolli ama Jiir ayaa xaafaddii Uu ku noolaa markii loo dulqaadan waayay dhibaatadiisa waxaa la keenay Birta Doolliga dabta.

Arrintaasi aad ayuu uga wal walay jiifkiina waa ladi waayay. Cabashadiisa waxa uu hordhigay neef ida’ ah oo xaafadda lagu xannaaneynayay si markii uu jar noqdo qoyska u iibiyaan lacag fiicanna ay uga helaan

Wankii ayaa ku yiri maxaa iga quseeya Birta jiirka oo aniga jiir miyaan ahay, saaxiib cabashadaada aniga ima quseeyso ee meel kale la’aad.

jiirkii oo ka niyad jabsan war celinta uu kala kulmay Wanka ayaa u dhaqaaqay dhanka Dibi’ reerka u xirnaa isagana waxa uu gaarsiiyay in guriga dhibaato ku soo korortay oo birtii doolliga la keenay una baahan yahay in ay iska kaashadaan sidii arrintaasi xal loogu heli lahaa?

Dibigii ayaa ugu jawaabay Doolligii in howshaasi aysan khuseyn.

Waxa uu eegay dhanka kale saa waxaa jooga Diiq , isagiina farriinta ayuu la wadaagay laakin sidii oo kale wax natiijo ah k**a helin

Jiirkii ayaa dib isaga laabtay, islaantii guriga habeenkaasi waxa ay dallacday birtii Doolliga oo Basal la dulsaaray!

Habeen barkii ayaa mar qura la maqlay Shanqar “Qabac” waxaa soo toosay xaajiyaddii guriga oo is leh caawa ayay u dhammaatay Doolli oo waa kaa ku dhacay birtii , laakin malaheeda sidaasi ma noqon ee waxa Birta ku dhacay waa Mas seenta dambe ka qabatay Birta , hayeeshee afka ku weeraray Xaajiyadda qaniinyana kala helay lugta.

Xajiyaddii waxaa loola cararay Isbitaal, saacado ka dib na waxaa lagu soo celiyay guriga taladii takhtarka uu soo siiyay waxaa ka mid ahayd in Maraq Digaag la siiyo.

Diiqii sidaasi ayaa maraqiisa lagu cabay.

Taladii labaad waxa ay ahayd in ido lagu daaweeyo qaniinyada Xammaaratada, wankii ayaa isna sidasi lagu shiilay

Xaajiyadda oo ahayd qof aad looga yaqaanno xaafadda ay ku nooleyd martida soo booqaneysana badan yihiin waxaa tala lagu soo jeediyay in Dibiga lagu quraan saaro martidana ka hilibeystaan

Xikmadda marka wadajir aan loo wajihin dhibaatada timaada qofna kaligiis ma bad baado .

Khayraadka lumay ee soomaalida, Sababta wadamada kale uga daad gurayaan soomaalida dhulkooda.KHayraatka ugu qaalisan ee ...
29/12/2021

Khayraadka lumay ee soomaalida, Sababta wadamada kale uga daad gurayaan soomaalida dhulkooda.

KHayraatka ugu qaalisan ee uu dal yeesho waa dadkiisa (Human Resource). Dal walba inta uu kaa dad badanyahay ayuu kaa cudud iyo tamar-gacan badanyahay. Shiinaha oo ah dalka ugu dadka badan dunida, waxa ay ku qaadatay 40 sano oo dib u qaabayn dhaqaale ah in uu ku noqdo cududda labaad dunida ee xagga dhaqaalaha. In badani arintan waxaa ka caawiyay tamarta ballaaran ee uu haystay oo ah dadkiisa kuwaas oo qeyb lixaad leh ka qaatay dhaqaajinta mashiinka dhaqaalaha ee dalkaasi iyo dardargelinta xawaaraha lacagta.

Hindiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan dunida ayaa asaga oo ka faa’iidaysana cududda dadkiisa waxa uu dunida ka iibiyaa xirfadda dadkiisa, waana dalka ugu h**eeya dunida marka ay noqoto xirfadlayaasha ka shaqeeya dal aysan u dhalan. Sidoo kale, Hindiya waxa ay soo jiidatay warshadaha ugu waaweyn dunida sida Microsoft, IBM (International Business Machines Corporation), Nestlé, Sony Corporation, Hewlett Packard (HP), Apple Inc, iyo qaar kaloo badan. Hindiya iyo dal walba oo dadkiisu badanyahay waxa ay ku naaloonayaan suuq aad u ballaaran suuranagelin kara dhaqaale baaxad sare leh oo uu dalkaasi yeesho in ay kusoo hirtaan shirkadaha waaweyn ee caalamka ka jira.

Maraykanka oo laftigiisu ah dalka seddexaad ee ugu dadka badan dunida, kuna baraarugsanaa ahmiyadda dadku u leeyihiin dalkaasi, ayaa ku dadaala in uusan ka harin wadamada ka horreeya isaga xagga dadka oo kala ah Shiinaha iyo Hindiya. Ayaga oo ka duulaya cududda ay doonayaan in ay ku hayso ama kasii dhaqaajiso dhaqaalaha Maraykanka halka uu joogo, ayuu Maraykanku ku dadaalaa in uu ku koriyo dadkiisa hab aanan dabiici ahayn oo ah in uu si miisaaman uga soo qaato dadyowga kale ee dunida.

Marka aynu u nimaano Afrika seddexda dal ee ugu dadka badan waa Nayjeeriya, Itoobiya iyo Masar e, ayaa dhamaantood ku naaloonaya in ay cudud dhaqaale oo koraysa leeyihiin sidoo kalena ka horreeyaan xattaa wadamada ka aqoonta badan balse ka bulshada yar ee Qaaradda. Nayjeeriya waxaa lagu tilmaamaa camaaliqada Afrika, waxa ayna ka h**eeyaan xagga dhaqaalaha wadamada sida Koonfur Afrika oo kale.

Soomaalida oo lagu qiyaaso dhamaanteed 15 milyan ayaa haddana isi sii kala qobqobaysa oo u kala hoobanaysa dalal yar yar. Intaas oo kali ah kuma eka e, waxaa usii dheer in aynu iska dilno maskaxda wax baratay oo aan isi sii afjarno. Dadkii u suurtageliyay Maraykanka qunbuladdii atoomikada ahayd, dhammaantood waxa ay ahaayeen dad ajaanib ah oo dhalasho laga siiyay Maraykanka, ujeedkana waxa uu ahaa in ay maskaxdooda ku kabaan dalka, halka Soomaaliduna ay dilaan midkoodii waxbartay iskaba daa in ay ka faa’iidaystaan maskaxdiisa e. Kanada ayaa sanadkii 2017-da guddoonsiiyay jinsiyad sharafeed Kaneediyaan ah gabadhii yarayd ee u ololayn jirtay waxbarashada hablaha ee u dhalatay dalka Paakistaan waa Malala Yousafzai e, ujeedkana waa in magaceeda iyo maskaxdeeda laga faa’iidaysto.

 🇪🇹Ciidanka Itoobiya ee Milateriga iyo Cafarta ayaa la wareegay magaalada Chifra oo u dhaw magaalada Waldiya oo ah aaga ...
28/11/2021

🇪🇹
Ciidanka Itoobiya ee Milateriga iyo Cafarta ayaa la wareegay magaalada Chifra oo u dhaw magaalada Waldiya oo ah aaga ay TPLF kasoo gashay Dessie iyo Kolmobcha, Aljazeera ayaa tabisay in dagaalo qaraar oo TPLF looga qabsaday aagan.

Waldiya waa marinkii ay kusoo galeen Tigrey, 76KM ayay caawa u jidhaan ciidanka Itoobiya, haddii ay gasho gacanta Abiy Axmed, waxay ka dhigan tahay in ay go’odoon noqonayaan ciidanka TPLF ee jooga Dessie ilaa Kombolcha.

Dhinaca kale Dagaal culus ayaa maanta iyo shalay ka dhacay Buuralayda deegaanada Bati, Milateriga Itoobiya ayaa ka gudbay deegaanka Gebra oo masaafo dhan 32KM ujidha magaalada muhiimka ah ee Kombolcha, waa guluf labo dhinac ah.

Hogaamiyaha gulufkan cusub waa Col, Abiy Axmed, haddii uu guulaha sii adkaysto ayay ka dhignan doontaa Is difaacid xoogan.

07/11/2021

Ibnu Siiriin ayaa mar khasaaray oo waayay Hantida uu haystay oo dhan. ! Dabadeed, dadkii ayaa ku yiri “Musiibada iyo Khasaarada ku soo gaartay waa mid wayn”

Ibnu Siiriin ayaa ku jawaabay; “Waa Ciqaab aan sugaaayay Dambi aan galay mudo Afartan sano ka hor”

Dadkii ayaa waydiiyay; “Waa maxay Dambiga kaa dhacay.”?

Ibnu siiriin ayaa ku jawaabay “Afartan sano ka hor ayaan iska waynaysiiyay una gafay nin Faqiir ah, aniga oo ku iri Miskiin yahow”

Cuqubada xaqiraadda iyo ku jees-jeesida dadka Masaakiinta ah waa mid halis ah, waxaana suuro gal ah in qaarkood Ducadooda si toos ah Allah u aqbalo.

Hussein Sahnuni

31/10/2021

Hodanimada Dadka Iyo Dalkeena Soomaliyeed Waxaa sharaxaya Abwaan Cismaan Cabdinuur Xaashi

07/10/2021

Qaar ka mida ilbaxnimada qaldan ayaa ah in aad dharkaaga jeexjeexdo, jeegada xiirato, jidka dhexdiisa is jajabiso oo aad is mooddo in aad adiga ugu sidato dadka.😭
In aad caaytanto oo aad mooddo kaftan, in aad maryaha dhigato, in aad is dhaawacdo adiga oo raadinaya qurux bacramis ah.😭
Intaa iyo ina kalaba waxa ay luminayaan dadnimadaada iyo shaqsiyaddaadii saxda ahayd, waxaana laguugu qiimayn doonaa qaabka aad muuqaal iyo dhaqan ahaan u soo muuqato.

Wiilkasta waxa uu isku diyaarinaa aabbenimo, halka gabar walibana u hanwayn tahay hooyanimo, taasina waxaa asal u ah dhaqan wanaagsan iyo isku dheellitirnaan habboon. Ha sababsanina owlaadiinna mustaqbalka, si aysan sawir qaldan ugu gudbin dunidaan aan ceebaha la asturin. Haddii Eebbe qaddarana quruxsada noloshiinna, si aad u heshaan khayrka iyo qiimaha qoysnimo.❣

Ugu yaraan ixtiraama sharafka nwaalidkiin, walaalihiin, nafihiinna iyo kuwa wanaaggiinna jecel.

Alle dambigeenna iyo kan waalidkeenaba ha dhaafo.🤲

Address

Jaalle Siyaad
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ADAL News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category