Ilaala Qaran Media

Ilaala  Qaran Media Waa boga rasmiga ah ee Ciidanka Ilaalo Qaran nagu soobiir fadlan

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY ISBITAALKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEEDMuqdisho, 8 Sebtembar 2026: Taliyaha Ciida...
08/09/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY ISBITAALKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho iyo kormeer ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah askarta ku dhaawacantay howlgallada iyo furimaha dagaalka.

Taliyaha ayaa si gaar ah u booqday askarta dhaawacantay, isagoo waraystay xaaladdooda caafimaad, baahiyahooda iyo adeegyada daryeel ee ay helayaan. Waxa uu ciidamada dhaawacmay u muujiyay garab istaag, dhiirrigelin iyo walaaltinimo, isaga oo u rajeeyay caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho buuxda.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka, oo looga warbixiyay habka uu u shaqeeyo isbitaalku, adeegyada caafimaad ee uu bixiyo iyo dadaallada lagu horumarinayo daryeelka askarta iyo bukaannada kale.

Booqashadan waxay muujinaysaa muhiimadda uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed siinayo daryeelka iyo caafimaadka askarta, gaar ahaan geesiyaasha ku dhaawacma gudashada waajibaadka qaran iyo difaaca dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar 'Gen Khaalid' oo uu wehliyo Tal...
06/09/2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar 'Gen Khaalid' oo uu wehliyo Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktriinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Axmed Ciise Axmed, Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Technology-ga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Faarax Cali Cartan iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Guutada 36-aad, Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ku soo dhaweeyay Taliyaha iyo saraakiisha Socdaalka ku wehlinayay

Intii ay socotay soo dhaweynta Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Soo dhaweynta kaddib Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha amniga degmada isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga iyo howlgalada ay ciidamada ka wadaan Degmada iyo Deegaanada k

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa salka ku haya u kuurgelidda xaaladda amni ee gobolka, kormeerka howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale oo muhiim u ah howlaha ciidanka

Su’aal: Yaa garanaya Oo Shegi kara magaca qorigan? 🤔A) RPG-7B) SPG-9C) Qori kaleJawaabta saxda ah yaa haya?.
02/09/2026

Su’aal: Yaa garanaya Oo Shegi kara magaca qorigan? 🤔
A) RPG-7
B) SPG-9
C) Qori kale
Jawaabta saxda ah yaa haya?.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED S/GUUTO IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD OO BOOQASHO KU TAGAY TALISKA XERADA MASLAX...
02/09/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED S/GUUTO IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD OO BOOQASHO KU TAGAY TALISKA XERADA MASLAX EE CXDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay Taliska Xerada Maslax ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka, isaga oo ka duulaya howlaha mudnaanta u leh ciidanka iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada taakulaynta, ayaa indha-indheeyay xarumaha iyo goobaha loogu talagalay taageerada iyo taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha Taliska Taakulaynta, oo uu ugu horreeyo Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Garabay, ayaa Taliyaha warbixin ka siiyay howlaha ugu dambeeyay ee taliska, qorshayaasha casriyeynta iyo horumarinta adeegyada taakulaynta, iyo qorshaha lagu soo kordhinayo xarumo cusub oo casri ah si loo xoojiyo waxqabadka Taliska Taakulaynta.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Ciidanka Badda 🇸🇴Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto...
26/08/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Ciidanka Badda 🇸🇴
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Badda Soomaaliyeed.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Ciidanka Badda, dardargelinta howlaha, tayeynta shaqada iyo xoojinta diyaar-garowga ciidanka.
Taliyaha ayaa saraakiisha kula dardaarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta, anshaxa iyo gudashada waajibaadka qaran, si loo horumariyo howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu kormeeray Xarunta Horseed Club Sports, isagoo qiimeeyay doorka ciyaaruhu ku leeyihiin horumarinta dhalinyarada iyo isdhexgalka bulshada

iyo Waajib Qaran

24/08/2026

Maalinku siiriga waa ku raaxesty wlhi Ciidankana Aadbey utaba baranyihiin guul baan idiin rajeyneyna dhamaantiin

  🇸🇴🫡Maalmo adag ayaa dhisa rag adag waa Oraah Xaqiiq ah runti  Tababarkii, dulqaadkii iyo walaaltinimadii aan soo wadaa...
22/08/2026

🇸🇴🫡
Maalmo adag ayaa dhisa rag adag waa Oraah Xaqiiq ah runti
Tababarkii, dulqaadkii iyo walaaltinimadii aan soo wadaagnay weligood ma tirmayaan
Maanta meel kasta oo aan joogno, hal shay ayaan xusuusannaa waxaana ahey rag lagu dhisay dadaal, adkaysi iyo waddaniyad
Allha nawada garsiiyo Soomalia oo mid ah Oo isracsan

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi “Gen. Khaalid” ayaa gaaray aagga deeg...
18/08/2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi “Gen. Khaalid” ayaa gaaray aagga deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan, isagoo booqday difaacyada h**e ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Taliyaha waxaa Socdaalka ku wehliyay Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doctrine-ka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Axmed Ciise Axmed, iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Col Cali Cageey, ayaa Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ku soo dhaweeyay difaacyada h**e ee Ciidamada isagoo warbixin ka siiyay xaaladda guud iyo howlgalada ka dhanka Khawaarijta

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi ayaa ciidamada ku ammaanay naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujinayaan iyo sida ey mar waliba ugu foojigan yihiin dharagaha Cadowga iyo casharada ey ugu dhigayaan furumaha dagaalka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka X...
18/08/2026

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, magaalada Gaalkacyo.

Booqashada ayaa qayb ka ahayd kormeerka iyo qiimeynta howlaha ciidanka, iyadoo mas’uuliyiintu ay indha-indheyn ku sameeyeen xaaladda xarunta, diyaar-garowga ciidamada iyo howlaha ay ka wadaan deegaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa saraakiisha iyo ciidamada kala hadlay muhiimadda ay leedahay diyaar-garowga joogtada ah, adkeynta isku-xirka ciidamada iyo gudashada waajibaadka qaran, gaar ahaan sugidda amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa sidoo kale fursad u ahayd madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka inay si dhow ula socdaan xaaladda iyo baahiyaha ciidamada ka howlgala deegaanka.

Saraakiisha Ururka 163-aad ayaa dhankooda soo bandhigay howlaha iyo waajibaadka ay ciidamadu ka wadaan deegaanka, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran.

16/08/2026

Maanta waxa lagu soobadhigay Ciidan Tiro iyo tayaba leh

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ilaala Qaran Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share