30/05/2024
W/Q (Maxamed Axmed daahir “buraale”
Soomaaliya weli ma heshay maxk**ad Dustuurri ah ?
Dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyey 2012 ayaa dhigaya Maxk**adda Dastuuriga[1]. Dastuurku wuxuu Maxk**addan awood u siinayaa inay go’aan k**a dambays ah ka gaadho dhammaan khilaafyada Dastuuriga ah, sida khilaafyada ka dhasha xilalka, awooddaha iyo shaqooyinka u dhexeeya hay’addaha Dastuuriga ah ee dawladda federaalka iyo kuwa dawlad gobolleedyadda. Sidoo kale waxaa awoodda Maxk**adda Dastuuriga Soomaaliya ka mida inay fasiraad ka bixiso qodobada dastuurka haddii uu khilaaf ka dhasho, iyada ayaana dhaqangelinaysa saraynta sharciga, kala madaxbannaanida hay’addaha dastuuriga ah heerkastoo ay yihiin[2].
Xubnaha Maxk**adda Dastuuriga ee Soomaaliya waxay ka koobanyihiin shan garsoore oo ay ku jiraan Garsooraha sare iyo ku xigeenka Garsooraha sare[3], mudda xiloodkooduna waa shan (5) sanno.
Weli Soomaliya ma helin Maxk**ad Dastuuri ah, maqnaanshaheeda ayaana sabab u noqday is qaqabsiga siyaasiyiinta sida madaxda dawladda federaalka dhexdooda iyo sidoo kale kuwa dawlad gobolleedyada. Tira malaha inta jeer ee madaxda sare ee dalku ay isku qabsadeen arrimo la xiriira Dastuurka, sidaas daraadeed haddii aanan dalka loo dhisin garsoor madaxbanaann iyo maxk**ad Dastuutri ah, khilaafka Dastuuriga ah iyo fawdada dhinaca sharciga laga dhammaan maayo inta laga heleyo Maxk**adda Dastuuriga.
Dhanka Soomaaliland Maxk**adda Dastuuriga waxay ka koobantahay Guddoomiyaha Maxk**adda sare iyo dhammaan Garsoorayaasha Maxk**adda sare[4]. Awooddeedana waxaa kamida fasiraada iyo macnaynta Dastuurka iyo xeerarka kale ee Soomaliland lagaga dhaqmo, marka laysku qabto nuxurka u jeedadooda, iyo sidoo kale fasiraada iyo wax ka bedelka xukumadda garsoorka ee Dastuurka khilaafsan[5].