01/09/2026
Wasiirka Amniga Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirweynaha Qaran ee Amniga Soomaaliya, i
sagoo ka hadlay xaaladda amni ee Hirshabeelle, dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga iyo muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga.
Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, lana mideeyo dadaallada Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.