Shuraar Eedéng

Shuraar Eedéng “WARAABÉ II LIBEE, MARBÉ SIDO ING WEEROW, MÉLI WIDAAYAAW.
“AUN’ ABWAAN SAHAL MACLIN IISÉ.

01/06/2025

Is laangké koo koré sug. Sheeké eed yaab ing lewu.

Wasiir: Abdi Adam Hoosow

01/06/2025

“May lénis ankaare,
Owaad maabé jheraa,
Aboow ii Obooyowbaa enaa,
Oboow ii Obooyowbaa enaa.

Ilaahey iléleey iing saara.

Abwaan: Sahal Maclin Iisé.

Kuwii Taariikhdu hilmaantay. Waxaa jiro Dad ahaa wadaniyiin, jeclaa in wadankoodu horuumaro, kuna shaqeynayay Somalinimo...
17/10/2024

Kuwii Taariikhdu hilmaantay.

Waxaa jiro Dad ahaa wadaniyiin, jeclaa in wadankoodu horuumaro, kuna shaqeynayay Somalinimo. Laakin, Caadada somalida ayaa noqotay in la xuso kuwa wax dilo, waxna dulmiyo Dantii ay doonaan haka lahaadaanee. Dhinaca kale fursad lama siiyo kuwa wanaaga jecel waxaa lagu caburiyaa Qabyaalad isla qabiilka dhaxdiisa ama heer Qaran. Maxaad u maleeynee Hadda oo aan Federal qabiileysan qaadanay sida loo caburi karo fursadaha kuwa wanaagga jecel.

1. Sh. Cabdi Abiikar Cusman ( Bariire) AUN, waxa uu ku Barbaaray Deegaana k/Galbeed. Waxa uuna jeclaa in uu ka qeyb qaato horuumarinta Dalka xuriyadda kadib. Wakhtigaa Qabyaalad wax laguma qeybsaneyn ee waxaa wax lagu qeybsanayay, yaa wax qaban karo.

Sanadkii 1956 waxa uu noqday Gudoomiyihii Labaad ee Gobalkii loo yaqiin Majeerteenya oo maanta loo yaqaan Gobalka Bari. Waxaa uga h**eeyay Md. Cali Cumar Sheegow oo isaga laftiisu ka yimid K/Galbeed. Labadaba waxaa lagu soo xulay aqoontooda. Sh. Cabdi waxa uu salka u dhigay maamulkii Gobalka xuriyadda ka hor.

Markii laga soo bedelay, waxaa isku qabsaday Maamulkii Jubada sare iyo Hiiran kii uu Gudoomiye ka noqon lahaa. Baydhabo iyo Baladweyne.waxaa isku qabsaday Md. Cabdulqadir Soobe iyo Sh. Cali Jimcaale. Markii Dambe odayaal Adeeradii ahaa ayaa soo dhaxgalay, waxa ayna go'aamiyeen Baladweyn iyaga oo ku sharfayo codsiga walaalahood, si uu Gobalka maamulkiisa salka ugu dhigo.
Xuriyadii kadibna waxa uu noqday Gudoomiyihii Bangiga dhexe.

Maamuladii Gobanima doonkii ay salka u dhigeen waxaa helay Maafiyo, Maal iyo mansab doon ahaa. Taariikhduna waa hilmaantay Sh. Cabdi Abiikar iyo kuwii la midka ahaa. ( F.S:1aad)

2. Sh. Ibrahim Adan Cabdiyow, oo loo yaqiin "Sh. Yarow Cabdiyow". Waxa uu ku dhashay Magaaladda Buur hakabo sanadkii 1934. Markii uu halkaa ku dhameeystay Dugsiga Hoose waxaa uu u soo wareegay Deegaanka Ceel Muunye ee Magaaladda Marka 1950kii, halkaa oo uu ku dhameystay Barashada Culuumta Beeraha 1954, kadibna waxa uu ku biiray " Xisbi Dastuur Al Mustaqbal Al somal- HDMS" . Dilkii siyaasadeed ee Gudoomiyihii Xisbiga Ustaad Osman kadib, waxaa loo doortay Xoghayihii Xisbiga si loo helo dhalinyaro daacad ah oo xisbiga iyo Dalkaba horuumarin karto. Daakhikiyadii waxa uu ku jiray Dadkii isku soo sharaxay Ra'isul wasaare ee looga guuleystay.
Isaga oo sii wato Howlihiisii siyaasadda, sanadkii 1959kii waxa uu tagay Magaaladda New York si uu uga qeyb galo kalfadhigii 24aad ee Golaha UN halkaa oo uu ka jeediyay khudbad taariikhi ah.
Xuriyadda kadib waxaa uu la kulmay culeeys siyaasadeed iyo mid qabiil laakin uma hakan. Wakhtigii Kacaanka waxa uu noqday wakiil Xisbi, sanadkii 1969 waxaa uu wax barasho "Political Science" u aaday Ruushka, Sanadkii 1971-72 waxa uu noqday Madixii wakaladda Horuumarinta Beeraha ADC- ee Deeganja Awdheegle sanadihii 1974-76 waxa uu noqday Gudoomiyihii Degmada Baardheere, Sanadkii 1977-78 waxa uu noqday Gudoomiyihii Degmada Cadale. Kadib isaga oo sii dadaalayo oo aqoontiisi sii wato waxa uu ka qalin jabiyay kuliyadii Culuunta Siyaasadda ee Jaamacadii Ummmadda. Waxa uu safar shaqo iyo siyaasadba u tagay Mareykanka, Ruushka, Talyaaniga, Bulgaria, Masar, Sucuudi, Yaman, Jabuti, Ethiopia, Kenya iyo wadama kale.
Burburkii Dowladii kacaanka kadib, waxa uu ku biiray Siyaasiyiintii Reer K/Galbeed iyo Asaaskii Xisbigii SDM, marna k**a daalin Halgankiisii uu soo bilabay Xuriyadda ka h**e ee Raadinta Maamul wanaag iyo Raadinta Xuquuqda Dadka dulman. Sh. Cabdi Abiikar AUN waxa uu ku geeriyooday Magaalada Afgoi Sanadkii 2000.(F.S:2aad).

Wadaniyiintii Taariikhdu hilmaantay intaad ka xasuusato nala wadaag.

Allaah ha u naxariisto wadaniyiintii Taariikhdu hilmaantay.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar

Qore: Yahya Amir

Murtidii duqdal.Burmaami telefissan on laga duubayay islaan duq ah oo kula seo neolayd odaygreda badhaadhe muddo 50 ah, ...
06/09/2024

Murtidii duqdal.

Burmaami telefissan on laga duubayay islaan duq ah oo kula seo neolayd odaygreda badhaadhe muddo 50 ah, zyaa la weydilyay sirta iyo sababta ay farmeddoodaasi ka shidaal qaadanayso.

Tolow ma cunto karinta oo ay xirfad u lahayd ayaa? Ma quruxdeedaa?

Ma raasweynnimadeedaa¹?

Waxa ay ku war celisay:

Badhaadhaha qoysku Ilaahay ka sokow waxa uu ku jiraa gacanta marwada. Iyada ayaa gabadhu awoodda in ay gurigeeda ka dhigto janno, iyo in ay ka dhigto jahannamaba.

Hanti kuma hanato farxaddaas, oo dumar badan oo hodan ah ayaaba raggooda hadh iyo habeenba ka firdhanaya.

Qurux kuma hanato, oo gabdho badan oo qurux iyo bilicba buux ka ah ayaa la soo furaa.

Cunto wacnaan kuma hanato, oo durnar badan oo udugga oontooda iyo dhadhanka dhuunigooda aan la iska qabanayn, ayaanay haddana raggoodu la noolaan karaynin.

Ubad kuma hantaan, oo haween door ah ayaa dadna dhala, dareen farxadeedna aan aqoonin.

Weriyihii waraysanaysay ayaa yaabtay oo tidhi: "haddaa waa maxay sirta badhaadhahaagu?!"

Islaantaas oo hawraarteedii sii anbaqaadaysaana waxa ay tidhi:

Marka uu ninkaygu xanaaqo ee uu gadoodsan yahay, afkayga ayaan laba liire saartaa oo waan aamusaa aniga oo aayar isaga ururinaya. Madaxaygana hoos ayaan uga foororiyaa aniga oo u muujinaya in aan ka xumahay waxa dhibaya.

Waan iska jiraa in aamusnaantaydaas uu ka dareemo ku-jeesjees iyo dhayalsi aan quudhsanayo cadhadiisa ama waxa uu la ciillan yahay, oo haddii aad ciddi uskaggeed oo quudhsi ah u muujiso, dhanka ficiltanka wuu u fiiro badan yahay ninku oo wuu ku fahmayaa, ka dibna waa cirkaa dab kaa raac oo adiga ayaa ku dhib qaba.

Weriyihii: "oo haddii aad qolkaba uga baxdid ka warran?!"

Islaantii: iska jir taasna; waxa uu u malaynayaa in aadan doonayn dhegaysigiisa oo wuu sii xanaaqayaaye.

Waa in aad ka aamustaa, wax kasta oo uu ku yidhaahdana aad ku raacdaa inta ay cadhadu ka kala

degayso ee uu xasilayo. Intaas ka dib ayaan ku idhaahdaa, dhammaysatay?! ma

Markaasaan ka baxaa qolka, oo waxa uu doonayaa in uu nasto, shaqadaydii gurigana si deggan ayaan u qabsadaa.

Weriyihii: "intaas dabadeed maxaad fashaa? Muddo ilaa toddobaad ama ka badan ah maka gaagaabsaraa oo agtiisa ma ka fogaataa?"

Islaantii: iska jir sidaasna in aad samayso, habdhaqankaasina waa mindi laba af leh.

Marka aad ka gaagaabsato ninkaaga isaga oo u baahan hadalkaaga iyo wehelkaaga, waxa uu la qabsanayaa in uu kaa maarmo oo uu kaa durko, wuuna kugu madax adkaanayaa oo uu kaa hiyi kacayaa, gacantaadana wuu ka baxayaa.

Weriyihii: "dabadeed maxaad samaysaa?"

Islaantii: saacad ka dib waxa aan u keenaa koob cabbitaan ah ama shaah ah, waxana aan ku idhaahdaa: hoo oo cab.

Markaasuu i weydiiyaa: "miyaad xanaaqsan tahay?!" Markaasaan ugu war celiyaa: "maya!"

Kolkaasuu isagu bilaabaa in uu ii cudur daarto, hadallo wanwanaagsanna aan ka maqlaa.

Weriyihii: "ma ka rumaysataa waxaas uu kuu sheegayo?"

Islaantii: dabcan. Maxaan uga rumaysan waayay waxa uu ii sheegayo isaga oo xasillan, aniga oo ka rumaysanayay xanaaqsanba?! waxa uu ii sheegayay isaga 00

Weriyihii: "oo karaamadaaduna?!"

Islaantii: karaamadaydu waxa ay ku jirtaa raalli gelinta lammaanahayga iyo ilaashiga gurigeyga, aniga iyo isagana karaamo la kala ilaashadaa nagama dhexayso, oo hortiisa ayaanba ku dhar dhigtay.

Buuga: Casariye.

“Siyaasada soomaaliya ereyada aan ka bartay sanadihii dembe Hibil Shaar iga la eg ayuu toshtay.Sow uma eka hada sawirkan...
09/05/2024

“Siyaasada soomaaliya ereyada aan ka bartay sanadihii dembe Hibil Shaar iga la eg ayuu toshtay.

Sow uma eka hada sawirkan?

Wala Lafta-gareen ku dhahale doongne ya ku mid ey’y oo wenaage eh, Abtughaaly Afky Maayke.Nov/23/2032. Belidky Baydhowi.
23/11/2023

Wala Lafta-gareen ku dhahale doongne ya ku mid ey’y oo wenaage eh, Abtughaaly Afky Maayke.

Nov/23/2032. Belidky Baydhowi.

Address

Wadnaha
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shuraar Eedéng posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Shuraar Eedéng:

Share