Degmada Gubta

Degmada Gubta Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Degmada Gubta, Social Media Agency, gubta, Mogadishu.

  Waxaa lagu hayaa wiil Anbad ah oo dhagool ah, kaas oo aan weli la garan cidda uu ka yimid.Qofkii gara yaqaan, aqoon u ...
16/10/2025


Waxaa lagu hayaa wiil Anbad ah oo dhagool ah, kaas oo aan weli la garan cidda uu ka yimid.
Qofkii gara yaqaan, aqoon u leh ama garan kara qoyska wiilkan, fadlan ha ka labalabeyn, la soo xiriir:
📞 613667547
📞 612684092
Wiilka waxaa lagu hayaa Xaafadda Barwaaqo, Degmada Gubta gaar ahaan Aqalgubow.

Fadlan share gareey.

10/10/2025

:
In bulshada ku dhaqan iyo kuwa kasoo jeeda Gubta lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay in ay si buuxda ugu yeeran magaca Degmada Gubta,
ayna ka takhalusaan sheegashada degmo kale.
:
Bulshada ku dhaqan Gubta ama kasoo jeeda waxaa marka h**e laga codsanayaa:
1.In ay carabkooda baraan, una bartaan in ay had iyo jeer ku dhawaaqaan Degmada Gubta.
2.In ay kasaraan maskaxda iyo carrabka magaca degmo kale.
3.In ay ku faanaan deegaanka ay ku dhashay oo ay dhisaan sumcadda Gubta.
4.In ay si joogto ah u isticmaalaan magacyada rasmiga ah ee xaafadahooda sida:

Barwaaqo Gubta
Ciise Cabdi Gubta
Boqolsoon Gubta
Aadan Saloog Gubta
Iaxijiwaaq Gubta
Xaashi Wehliye Gubta

:
“Kasaar in aad dhaxdid degmo kale! Adiga iyo deegaankaaga ha kala fogaanina.
Gubta waa gurigaaga, waa sharafkaaga, waa magaca aad ku faani doonto.

Haddaba carabka la qabsada Gubta, oo hal cod ku dhaha — GUBTA DEGMO AYEY TAHAY!”
:
Bulsho aan is-aqoon ma dhisanto; Gubta ha ogaato in codkeedu yahay astaanta jiritaankeeda.
Si daa kugu aoo diray — maanta waa maalintii aad codkaaga u adeegsan lahayd dhismaha Degmada Gubta!

Ka qeyb qaado qaaran Dhismaha Degmada Gubta.

Qof walba 3&9 Ama Gubta Dagan Ama taageersan
Degmanimadeda Fadlan Fariinta Ha share gareyo.

09/10/2025

Dunji nasabaa iyo dabiibkeygiyow Inaan dadab galno barwaaqo dagnaa Daa’in kaga baryey.
Degmada Gubta Meel loo xiiso.

 .إنا لله وإنا إليه راجعونBulshada Degmada Gubta waxay murugada la qaybsanayaan una tacsiyaynayaan  Hussein A Talabadan ...
24/09/2025

.
إنا لله وإنا إليه راجعون

Bulshada Degmada Gubta waxay murugada la qaybsanayaan una tacsiyaynayaan Hussein A Talabadan ,
oo gabar adeer u yahay galabta dagaalkii ka dhacay Wardhiigley wiifto ka timid ku dishay gudaha Iskuulka oo ku yaalo xaafadda Barwaaqo, Gubta.

Dhammaan ehelka iyo qoyska marxuumadda waan uga tacsiyeynaynaa.

Allaah samir iyo iimaan ha idinka siiyo, Jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo.

Cambaareyn Rasmi ahMaamulka Degmada Gubta Ee Gobolka Benaadir, waxaa uu si adag u cambaareynayaa ficilka Agaasinka Waxba...
12/09/2025

Cambaareyn Rasmi ah
Maamulka Degmada Gubta Ee Gobolka Benaadir, waxaa uu si adag u cambaareynayaa ficilka Agaasinka Waxbarashada gobolka Banaadir ee ku aaddan ee ku yaalla waaxda Boqolsoon, ee Gubta.

Waxaa aad looga xumaaday in maamulka gobolka Banaadir uu ku xadgudbo xaqiiqada deegaanka, islamarkaana uu iskuulka Boqolsoon si qaldan ugu tilmaamo inuu ka tirsan yahay degmada Daarusalaam.

Arrintani waa ku takri-fal sharci iyo maamul, waana mid dhaawacaysa xuquuqda deegaanka Gubta iyo maamulka dhabbada u haya horumarka waxbarashada ee deegaanka.

Maamulka deegaanka Gubta wuxuu ku baaqayaa:
In si degdeg ah loo saxo qaladkaas maamulka.
In maamulka gobolka Banaadir uu ka raali geliyo bulshada deegaanka Gubta.

In la dhowro xuduudaha iyo xaqa deegaanka Gubta ee uu leeyahay dhul ahaan iyo maamul ahaanba.
Ugu dambayn, maamulka Gubta wuxuu ku adkaysanayaa in iskuulka Boqolsoon uu si buuxda uga tirsan yahay deegaanka Gubta, isla markaana aan loo dulqaadan doonin in lagu tilmaamo deegaan kale.

Furitaanka Aqal guboow CupGalabta ayaa koobka laga furay Degmada Gubta waaxda Barwaaqo, gaar ahaan laanta Aqalgubow.Furi...
29/08/2025

Furitaanka Aqal guboow Cup

Galabta ayaa koobka laga furay Degmada Gubta waaxda Barwaaqo, gaar ahaan laanta Aqalgubow.

Furitaanka koobka ayaa waxaa ka soo qeyb Galay Gudoomiyaha Gubta Mudane Ibrahim Baage iyo gudoomiyaha waaxda barwaaqo Maxames Qaarware, taliyaha waaxda Cabdullahi dheere iyo Masuuliyiin kale iyo Dhalinyarada gubta.

04/08/2025

Markasta waxaan dirnaa baaq kaas oo ku aadan in aan Helno Degmo Gudoomiye muungaab waxaan kaga fadhinaa hadaan nahay Shacabka Degan Gubta Degmo."
Zakaria Abdullaahi Tuuryare

04/08/2025

Yaasiin Fiidshe Ayaa furay Munaasabadda taageerida Gudomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Dr Xasan Muungaab iyo
Codsi Degmeynta Degmada Gubta .

04/08/2025

Shuceyb dalabey Oo Si weyn Uga hadlay Degmeynta Degmada Gubta

04/08/2025

Dr. Cabdirisaaq Salaad Tobanle: "Gubta waa Degmo u qalanta, balse Cadaalad-darro ayaa hor istaagtay"

Dr. Cabdirisaaq Salaad Tobanle, oo kamid ah horjoogayaasha iyo dhakhaatiirta ka shaqeysa arrimaha bulshada iyo horumarka deegaanka Gubta, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda degmeynta deegaanka Gubta.

Isagoo ka hadlay munaasabad lagu taageerayay degmeynta Gubta, waxa uu sheegay in:

> "Gubta waa deegaan taariikhi ah oo si buuxda u dhammeystiran dhammaan astaamaha ay degmo ku noqon karto – laga bilaabo tirada dadka, goobaha adeegyada bulshada, ganacsiga, iskuullada, xarumaha caafimaadka iyo isku xirka waddooyinka. Waxaase nasiib darro ah in ay cadaalad darro siyaasadeed hor istaagtay xaqii ay degmadaasi lahayd muddo dheer."

Dr. Tobanle ayaa intaa ku daray in shacabka deegaanka Gubta ay muujiyeen waxqabad muuqda, isla markaana ay yihiin dad dadaal badan oo mudan in codkooda la maqlo. Waxa uu xusay in ay jiraan dad tiro badan oo muddo sanado ah ku howlanaa sidii deegaankaasi degmo rasmi ah u noqon lahaa, balse weli la’isku dayayo in codkooda la hoos dhigo.

"Ma aha dalab siyaasadeed oo qabiil ku saleysan – waa xaq muwaadiniin Soomaaliyeed u leeyihiin helidda adeegyo rasmi ah iyo matalaad dowladeed."

Ugu dambeyn, Dr. Cabdirisaaq waxa uu ugu baaqay dowladda hoose ee gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka in ay si dhab ah u eegaan codsiga deegaanka Gubta, oo ay si cadaalad ah uga fiirsadaan baahida dhabta ah ee ka jirta.

03/08/2025

Gubta waxay u baahan tahay oggolaanshahaaga, hogaamintaada iyo dhiirrigelintaada si ay rasmi ugu noqoto degmo dhameystiran oo qeyb ka ah horumarka Gobolka Banaadir.

26/07/2025

Dagmada dalxiiska iyo Nabada Gubta

Address

Gubta
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Degmada Gubta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share