16/08/2026
Guddoomiyaha Waaxda Ciise Cabdi ee Deegaanka Gubta, Mudane Abdifitah Mohamed Hussein (Shiilow), ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo xirayay Duruusta Imaamka Qurtuubiga โ Fasalka Koowaad, taas oo diiradda lagu saaray barashada Qurโaanka Kariimka ah iyo cilmiga diinta.
Guddoomiye Shiilow ayaa munaasabadda ku bogaadiyay dadaalka culimada, macallimiinta iyo ardayda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada lagu dhiirrigeliyo waxbarashada, akhlaaqda wanaagsan iyo tarbiyadda Islaamiga ah.
Waxbarashadu waa iftiinka bulshada, jiilasha maanta la barbaariyana waa hoggaamiyeyaasha berri.