Adam haykal page

Adam haykal page Public Health Professional | Learner | Nutrition & Community Awareness | Community Health Promoter | Media Activist | Open to Job Opportunities.

Jimca Wanaagsan Saaxiibayaal. Maalinta Jimcaha Ku Dadaal Sadex Arimood:---1_ Inaad Badiso Saliga Nabiga ﷺ : Malinta Jimc...
28/11/2025

Jimca Wanaagsan Saaxiibayaal.

Maalinta Jimcaha Ku Dadaal Sadex Arimood:---

1_ Inaad Badiso Saliga Nabiga ﷺ : Malinta Jimcaha Iyo Habeenkeeda Oo aad Ku Salido Nabiga Way Kafadli Badantahay Malmaha kale
اللهم صل وسلم وبارك علي نبينا محمد ﷺ

2_ Aqrinta Suratul-Kahf: Rasuulka ﷺ Wuxuu Inoo Sheegay Ruuxii Akhriya Suurat Al-Kahf Maalinta Jimcaha Inuu Yeelandoono Iftiin Ilaa Laga Gaaro Jimcaha Kale Oo Soo Socda

3_ Ducada: Maalinta Jimcaha Waxaa Ku Jirta Saacad Ducada Uu Alle Ajiibo Badso Ducada Laga Yaabee Inuu Alle Saacadas Ku Waafajiyo

Jumca Mubarak.

Adan Mohamed Mohamud
Adam haykal page

𝐀𝐥𝐡𝐚𝐦𝐝𝐮𝐥𝐢𝐥𝐥𝐚𝐡, 𝐀𝐥𝐡𝐚𝐦𝐝𝐮𝐥𝐢𝐥𝐥𝐚𝐡🤲.I'm grateful for reaching 𝟮𝗞 𝗳𝗼𝗹𝗹𝗼𝘄𝗲𝗿𝘀 𝗼𝗻 𝗟𝗶𝗻𝗸𝗲𝗱𝗜𝗻!Thank you all for the meaningful connec...
26/11/2025

𝐀𝐥𝐡𝐚𝐦𝐝𝐮𝐥𝐢𝐥𝐥𝐚𝐡, 𝐀𝐥𝐡𝐚𝐦𝐝𝐮𝐥𝐢𝐥𝐥𝐚𝐡🤲.

I'm grateful for reaching 𝟮𝗞 𝗳𝗼𝗹𝗹𝗼𝘄𝗲𝗿𝘀 𝗼𝗻 𝗟𝗶𝗻𝗸𝗲𝗱𝗜𝗻!

Thank you all for the meaningful connections, shared knowledge, and inspiring conversations.

Let's continue to learn from one another, collaborate, and grow together in our respective fields.



21/Nov/2025.Anigoo ah Adan Mohamed Mohamud  waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan macaliminta soomaaliyeed meel walbo oo aa...
21/11/2025

21/Nov/2025.
Anigoo ah Adan Mohamed Mohamud waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan macaliminta soomaaliyeed meel walbo oo aay dunida ka jogaan munasabadaa maalinta macalimiinta soomaaliyeed ee 21 nofeember awgeed.

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed ee ku sugan daafaha dunida munaasabadda Maalinta Macalinka Soomaaliyeed awgeed. Waa maalin loo asteeyey in lagu xuso dadaalka iyo halganka macalimiinta Soomaaliyeed oo ah laf-dhabarta horumarinta bulshada iyo dhisidda jiilal aqoon leh.

𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗿𝘅𝗮𝗹𝗮𝗱𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗱𝘂𝘄𝗮𝗻:-

Ka hor intaan la helin nidaam waxbarasho rasmi ah, macalimiinta Soomaaliyeed waxay ahaayeen culimada diinta oo carruurta iyo dadka waaweyn ku barayey masaajidda iyo dugsi-yada Qur'aanka.

Nidaamka waxbarashada ee gumeysigu keenay wuxuu xadiday fursadaha waxbarasho, iyada oo macalimiinta badankood ay ahaayeen kuwo ku shaqeeya duruufo adag.

Kadib xorriyadda, dowladdii Soomaaliyeed waxay mudnaanta siisay horumarinta waxbarashada. Macalimiinta Soomaaliyeed waxay door weyn ka ciyaareen hirgelinta af-Soomaaliga iyo kor u qaadista aqoonta bulshada.

Intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, macalimiinta ayaa noqday tiir-taagnaanshaha waxbarashada, iyagoo u adeegaya bulshada xitaa marka aysan jirin nidaam dowladeed. Xilligii dib-u-dhiska, macalimiinta waxay ahaayeen horseedka waxbarashada ummada soomaaliyeed.

𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻𝗸𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝘂𝗱𝘂𝗯-𝗱𝗵𝗲𝘅𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗻𝗶𝗱𝗮𝗮𝗺𝗸𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼. 𝗗𝗼𝗼𝗿𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝗺𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻𝗸𝘂 𝗸𝘂 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵:

1. Macalimiintu waxay u adeegaan sidii hage, tababare, iyo dhiirrigeliye jiilalka cusub.

2. Macalimiinta ayaa door muhiim ah ka qaatay baridda iyo qoridda af-Soomaaliga, gaar ahaan markii la hirgeliyey farta Soomaaliga 1972kii.

3. Macalimiinta Soomaaliyeed waxay kaalin muuqata ku leeyihiin kobcinta dhaqanka iyo wacyiga bulshada.

4. Waxay qayb ka yihiin dugsiyada hoose, dhexe, sare iyo jaamacadaha, iyagoo curinaya aqoonyahanno wax ku ool ah.

𝗧𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗸𝗵𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝘄𝗮𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗶𝘀𝗯𝗲𝗱𝗱𝗲𝗹 𝗹𝗲𝗵, 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝘀𝗮𝗹𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗴𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼:

Waxay ahaayeen macalimiin diini ah oo bulshada barayey diinta Islaamka, akhriska, iyo qoraalka Carabiga.

Waxay qeyb weyn ka qaateen dhismaha qaranka iyo baridda jiilal aqoon ku saleysan.

Intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, macalimiintu waxay ahaayeen halyeeyo dadaalkooda sii watay xitaa marka ay jireen khataro badan.

Maanta macalimiinta Soomaaliyeed waxay ku hawlan yihiin inay soo saaraan aqoonyahanno caalami ah, iyagoo adeegsanaya tiknoolojiyada casriga ah iyo nidaamyo waxbarasho oo horumarsan.

Macalinka Soomaaliyeed waa halyey mudan maamuus, sharaf, iyo ixtiraam gaar ah. Maalinta Macalinka Soomaaliyeed waa fursad lagu xuso doorkooda, iyagoo ah tiirka ugu weyn ee horumarinta bulshada iyo jiritaanka aqoonta. Hambalyo dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed, waxaana rajeyneynaa inay sii wadaan dadaalkooda qiimaha leh.

Macalinkeen allow Kaal, macalinkiis allow Kaal . Cid kastabo alloow Kaal.

Kusoo biir barteyda Linkedin: https://www.linkedin.com/in/adan-mohamed-mohamud

W/Q: 𝐀𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝


Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.




𝗗𝗜𝗚𝗡𝗜𝗜𝗡 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗 – 𝗠𝗔𝗥𝗕𝗨𝗥𝗚 𝗩𝗜𝗥𝗨𝗦 𝗗𝗜𝗦𝗘𝗔𝗦𝗘 (𝗠𝗩𝗗)𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐄𝐭𝐡𝐢𝐨𝐩𝐢𝐚 ayaa xaqiijisay inuu dalkaasi ka dillaaca...
15/11/2025

𝗗𝗜𝗚𝗡𝗜𝗜𝗡 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗 – 𝗠𝗔𝗥𝗕𝗨𝗥𝗚 𝗩𝗜𝗥𝗨𝗦 𝗗𝗜𝗦𝗘𝗔𝗦𝗘 (𝗠𝗩𝗗)

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐄𝐭𝐡𝐢𝐨𝐩𝐢𝐚 ayaa xaqiijisay inuu dalkaasi ka dillaacay fayraska halista badan ee Marburg (MVD). Cudurkani wuxuu ka tirsan yahay qoyska Filovirus, oo ay ku jiraan Ebola, wuxuuna sababi karaa qandho dhiigbax ah oo dhimasho sare leh.

1️⃣ Waa Maxay Marburg Virus Disease?

MVD waa cudur halis ah oo si degdeg ah u faafa, lehna heer dhimasho oo sareeya. Waxay ku dhalataa fayras si xoog ah u weerara jidhka, gaar ahaan beerka, kelyaha, iyo nidaamka dhiigga.

2️⃣ Sida uu ku Faafo

A. Xayawaan → Bini’aadam:

Taabashada fiidmeerta qudaar-cunta ee sidda fayraska Qudaartaas oo aay dadka cunaan.

Taabashada dheecaannada ama unugyada daanyeerro ama xayawaan kale oo bukaan kadibna bini Aadamka la falgalo.

B. Bini’aadam → Bini’aadam:

Taabashada dhiig, matag, kaadi, saxaro, dhidid iyo dheecaanno kale Sidaas inuu cudurka qofkii kale ku qaado.

Qofka oo aan Isticmaalka qalab caafimaad oo aan la jeermis-dilin.

Maydka qof uu cudurku dilay inaad la falgasho sidaasna cudurka kugu soo Gudbo.

3️⃣ Calaamadaha

Calaamadaha waxay soo baxaan 2–21 maalmood gudahood:

Bilowga kowaad:

Qandho degdeg ah

Madax-xanuun xooggan

Murqo-xanuun, daal, tabar-darro

Marka uu sii daro Ahna marka labaad:

1. Shuban iyo matag

2. Calool-xanuun

3. Finan

4. Dhiig-bax gudaha/dibadda iyo

5. Shaqada kelyaha, beerka iyo wadnaha oo daciifta

4️⃣ Daaweynta

Daawo gaar ah oo fayraska disha lama hayo. Waxaa lagu tacaalaa:

1. Joojinta Dhiig-bax iyo daryeel.

2. Ogsijiinta Oo qofka la siiyo.

3. Daryeel dheecaan-celin Qofka la siiyo si Tabartiisa dib loogu soo celiyo.

5️⃣ Ka Hortagga

Ka fogaanshaha fiidmeerta qudaar-cunta iyo godadka ay ku nool yihiin

1. Ka fogaanshaha xayawaanka jiran

2. Isticmaal qalabka ilaalinta (PPE)

3. Karantiilidda dadka laga shakiyo

Fariin Muhiim ah:

Iyadoo dad badan isku dhex socdalaan Somalia iyo Ethiopia, waxaa habboon in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ( Ministry of Health- Somalia ) ay si degdeg ah u soo saarto digniin caafimaad oo bulshada lagu wargelinayo si looga hortago fiditaanka cudurka.

Linkga hoose waa wasaaradda caafimaadka ethopia shaacisay cudur dilaacaan
https: //www.facebook.com/share/p/1D3jebqvDH/












Measles can be fatal. Do you know its symptoms?🔸 Rash that starts on the face and spreads over the body🔸 Fever🔸 Runny no...
13/11/2025

Measles can be fatal.
Do you know its symptoms?

🔸 Rash that starts on the face and spreads over the body
🔸 Fever
🔸 Runny nose
🔸 Cough
🔸 Red and watery eyes
🔸 Small white spots inside the cheeks

Seek health care if you suspect you or your child has measles.












Some risk factors for diabetes are preventable.Unhealthy diets, physical inactivity, and the use of alcohol or to***co c...
13/11/2025

Some risk factors for diabetes are preventable.

Unhealthy diets, physical inactivity, and the use of alcohol or to***co can increase your risk.

Take charge of your health today. 💙












Haddii aad 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 ku soo 𝐤𝐚𝐜𝐝𝐞𝐲, salaadda subaxna tukatay, Ilaahay umahadnaq oo dheh 𝐀𝐥𝐱𝐚𝐦𝐝𝐮𝐚𝐚𝐡!Waxaa laga yaabaa ina...
08/11/2025

Haddii aad 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 ku soo 𝐤𝐚𝐜𝐝𝐞𝐲, salaadda subaxna tukatay, Ilaahay umahadnaq oo dheh 𝐀𝐥𝐱𝐚𝐦𝐝𝐮𝐚𝐚𝐡!

Waxaa laga yaabaa inaad 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 ku soo toostay, halka dad badan ay xanuun la soo tooseen, kuwo kalena ay xalay 𝐠𝐞𝐞𝐫𝐢𝐲𝐨𝐨𝐝𝐞𝐞𝐧!

𝐇𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐝 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐭𝐨𝐨𝐬𝐭𝐚𝐲, xasuuso in dad badan ay xanuun la soo kaceen.

𝐀𝐥𝐥𝐞 ha caafiyo inta xanuunsan, inta dhimatayna Ilaahay ha u naxariisto.

𝐀𝐧𝐧𝐚𝐠𝐚𝐧𝐚 caafimaadka Ilaahay ha inoo siyaadiyo🤲

La wadaag oo 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞 dheh wllo, fariintan micno weyn bay leedahay💯

Dr. Faris Al attas

𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗝𝗶𝗺𝗰𝗮𝗵𝗮 𝗞𝘂 𝗗𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹 𝗦𝗮𝗱𝗲𝘅 𝗔𝗿𝗶𝗺𝗼𝗼𝗱:---1_ Inaad Badiso Saliga Nabiga ﷺ : Malinta Jimcaha Iyo Habeenkeeda Oo aad Ku ...
07/11/2025

𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗝𝗶𝗺𝗰𝗮𝗵𝗮 𝗞𝘂 𝗗𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹 𝗦𝗮𝗱𝗲𝘅 𝗔𝗿𝗶𝗺𝗼𝗼𝗱:---

1_ Inaad Badiso Saliga Nabiga ﷺ : Malinta Jimcaha Iyo Habeenkeeda Oo aad Ku Salido Nabiga Way Kafadli Badantahay Malmaha kale
اللهم صل وسلم وبارك علي نبينا محمد ﷺ

2_ Aqrinta Suratul-Kahf: Rasuulka ﷺ Wuxuu Inoo Sheegay Ruuxii Akhriya Suurat Al-Kahf Maalinta Jimcaha Inuu Yeelandoono Iftiin Ilaa Laga Gaaro Jimcaha Kale Oo Soo Socda

3_ Ducada: Maalinta Jimcaha Waxaa Ku Jirta Saacad Ducada Uu Alle Ajiibo Badso Ducada Laga Yaabee Inuu Alle Saacadas Ku Waafajiyo

Jumca Mubarak.

Waxaa sharaf iyo farxad weyn ii ahayd inaan ka mid noqdo ka-qaybgalayaasha 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗛𝗮𝗯-𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗲𝘁-𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝟮...
06/11/2025

Waxaa sharaf iyo farxad weyn ii ahayd inaan ka mid noqdo ka-qaybgalayaasha 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗛𝗮𝗯-𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗲𝘁-𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝟮𝟬𝟮𝟱 (𝗦𝗜𝗚𝗙 𝟮𝟬𝟮𝟱) Somalia Internet Governance Forum, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, Hotel Jazeera.

Madashan oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA), ayaa sanadkan lagu qabtay markii saddexaad, iyadoo halku-dhiggeedu ahaa:

“Shaping Somalia’s Digital Future: Inclusive, Secure, and Resilient Internet Governance.”

(“Dhisidda Mustaqbalka Dijitaalka ah ee Soomaaliya: Maamul Internet oo Isku-dhafan, Ammaan ah, oo Adkaysi leh.”)

SIGF 2025 waxay isu keentay khubaro, daneeyayaal, iyo wakiillo ka kala socda dowladda, bulshada rayidka, ururrada caalamiga ah, jaamacadaha, iyo shirkadaha isgaarsiinta, si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

Aniga oo ah Adan Mohamed Mohamud, xirfadle caafimaad oo ku takhasusay Public Health, waxaan u arkay madashan fursad qaali ah oo aqoon-kororsi iyo is-dhaafsi fikir ah, gaar ahaan dhinacyada la xiriira sida internet-ka iyo maamulka dhijitaalka ahi uga qayb qaadan karaan horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan si gaar ah u qadarinayaa doorka madashan ay ku leedahay dhiirrigelinta iskaashi, amni dhijitaal, iyo faham wadajir ah, kuwaas oo muhiim u ah dhismaha mustaqbal dhijitaal ah oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Waxaan u mahadcelinayaa Qaban qaabiyasha Madashan quruxda oo waqtigooda qiimaha badan u huray si aay ugu soo baxdo Madal quruxbadan oo Faa'ido leh.

Waxaa kale oo Mahadcelinta ka maqnen Quburadii Aqoontoda nagu soo biiriyey, Asxaabtii qiimaha badneyd ee aan mesha iska soo baranay iyo Saaxiibadeydii qiimaha badnaa. Waxaan idin rajeynaa kulan kale oo Xiiso iyo Xamaasad leh insha allah.

Linkedin: https://www.linkedin.com/in/adan-mohamed-mohamud

04/11/2025

Address

Maka Al Mukarama
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Adam haykal page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share