Marwo Somali Tv

Marwo Somali Tv "Stay up-to-date with the latest news on family life, with a special emphasis on women, by tuning in to Marwo Somali TV."

Marwo Somali Tv waxuu kuu soo gudbin doonaa wararka la xariira Nolasha Qoyska gaar ahaan haweenka.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO QAABILAY XUBIN SARE OO KA TIRSAN QOYSKA BOQORTOOYADA INGIRIISKAMuqdisho, Febaraayo 24, 202...
24/02/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO QAABILAY XUBIN SARE OO KA TIRSAN QOYSKA BOQORTOOYADA INGIRIISKA

Muqdisho, Febaraayo 24, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.

Intii kulanku socday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Marwo Sophie ayaa ka wada halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda ayaa Marwo Sophie ku bogaadiyay dadaalkeeda ku aaddan u qareemidda arrimaha haweenka iyo carruurta, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gooni ah siinayso xoojinta iskaashiga labada dal ee arrimahaas ku qotoma.

Dhankeeda, Marwo Sophie ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad celisay qaabilaadda uu u fidiyay iyada iyo wafdigeeda, iyada oo adkaysay sida Boqortooyada Ingiriiska ay uga goโ€™antahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ง๐ฌ๐š๐ซ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.Muqdisho 4, February 2026; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ca...
04/02/2026

๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ง๐ฌ๐š๐ซ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.

Muqdisho 4, February 2026; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa maanta ka qeyb gashey munaasabad ballaaran oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Kansarka, taas oo sanad walba dunida looga xuso wacyigelinta cudurka Kansarka, ka hortaggiisa iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu daweynayo.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay masโ€™uuliyiin ka socday heyโ€™adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Mohamud Abdullahi Abukate, xildhibaanada labada aqal, NCD Alliance, UICC, agaasimayaal iyo madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, heyโ€™adaha ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, iyo masโ€™uuliyiin kale oo kala duwan.

Intii ay socotay munaasabadda, masโ€™uuliyiinta ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada lagu wacyigeliyo halista cudurka Kansarka, calaamadaha lagu garto, iyo doorka ay leedahay baaritaanka h**e ee cudurka si loo yareeyo saameynta uu ku yeesho bulshada.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay inay ka goโ€™an tahay xoojinta adeegyada la xiriira ka hortagga iyo daaweynta Kansarka, iyada oo la kaashaneysa heyโ€™adaha caafimaadka ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Wasiir Maryan Maxamed Xuseen iyo ka qeybgalayaasha munaasabadda ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay kordhiyaan wacyigelinta caafimaad, ayna ka qeyb qaataan dadaallada lagu yareynayo cudurrada halista ah, gaar ahaan Kansarka.

MADAXWEYNE XASAN OO HAY'ADAHA DOWLADDA FARAY IN SHAQADOODA UGU BADAN AY U WEECIYAAN GURMADKA ABAARAHAMuqdisho, Febaraayo...
04/02/2026

MADAXWEYNE XASAN OO HAY'ADAHA DOWLADDA FARAY IN SHAQADOODA UGU BADAN AY U WEECIYAAN GURMADKA ABAARAHA

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka degdeg ah ee Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, halkaasi oo uu ugu kuur galay hawlaha gurmadka degdega ah ayaa faray dhammaan hayโ€™adaha dowladda in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta dalka ka dhageystay howl-wadeenada Hayโ€™adda, kuwaasi oo soo bandhigay deegaanada ugu daran ee abaartu saamaysay, barakaca, nabaad guurka deeegaanka iyo qasaaraha nafeed ee ka dhashay, iyaga oo tilmaamay in abaartu gaartay heer halis ah oo laga cabsi qabo in ay isku beddesho macluul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan mas'uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay'adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta Beni-aadannimo ee ka dhalankarta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hayโ€™adaha Maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo, deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka baniโ€™aadannimo shacabka tabaalaysan.

DHAMMAAD

GUDDOOMIYE DR. MUUNGAAB OO HOGGAAMIYAY KULAN DADWEYNE OO KA DHACAY QAYBTA BARI EE GOBOLKA BANAADIR Muqdisho, Nofeembar 1...
14/11/2025

GUDDOOMIYE DR. MUUNGAAB OO HOGGAAMIYAY KULAN DADWEYNE OO KA DHACAY QAYBTA BARI EE GOBOLKA BANAADIR

Muqdisho, Nofeembar 13, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa hoggaamiyay kulanka wacyigelinta bulshada ee degmooyinka qaybta bari ee Gobolka Banaadir, kaas oo lagu qabtay Degmada Shibis.

Kulankan ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu jiro wacyigelinta bulshada iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka muwaadiniinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah.

Munaasabadda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaal degmo iyo marti sharaf kale oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu kulanka socday , waxaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashada, gaar ahaan qaadashada kaarka codbixinta, sugidda amniga, iyo doorka bulshada ee xasillinta caasimadda. Xildhibaanada ka tirsan Xisbiga JSP ayaa mar kale muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ah murashaxa rasmiga ah ee JSP u tartamaya, iyagoo ku ammaanay hoggaankiisa hufan iyo waxqabadkiisa wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo nolasha magaalada.

Dr. Muungaab ayaa khudbaddiisa ku xusay in doorashada soo socota ay tahay fursad taariikhi ah oo lagu muujinayo rabitaanka shacabka, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta inay si nabad ah uga qaybqaataan hannaanka codbixinta.

Waxa uu sheegay in amniga guud ee magaalada uu si weyn u soo hagaagay, waddooyinkii xirnaa la furay, isla markaana la joogo waqtigii bulshada lagu dhiirrigelin lahaa inay degaan daafaha magaalada si loo yareeyo ciriiriga iyo saxmadda bartamaha Muqdisho, taasi oo uu sidoo kale, xusay inay ay yareynayso qiimaha kirada guryaha.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xusay in Maamulka iyo shacabka Muqdisho ay ku midaysan yihiin yoolka ah in la dhiso caasimad ammaan ah, mideysan, oo horumar leh, taas oo ku dhisan wada-tashi iyo wacyigelin joogto ah.

DHAMMAAD

02/09/2025

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday degmada Buloburte, taas oo lagu xusayay xarig-jarka iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Alrahma. Munaasabaddan ayaa ahayd mid si weyn loogu diyaar garoobay, waxaana ka soo qeybgalay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan waalidiin, macallimiin, culimaaโ€™udiin, nabadoonno, iyo marti sharaf kale.

Intii xafladda socotay, waxaa hadallo qiimo leh oo dhiirrigelin ah ka jeediyay culimaaโ€™udiin deegaanka, nabadoonno, iyo masuuliyiin ka socday maamulka deegaanka. Sidoo kale, ardayda iskuulka Alrahma ayaa soo bandhigay gabayo, heeso, taas oo muujisay hibadooda iyo heerka tacliimeed ee ay gaareen.

Munaasabadda ayaa ku dhammaatay jawi farxad iyo raynrayn leh, iyadoo la isla qiray doorka muhiimka ah ee iskuulka Alrahma uu ku leeyahay korinta, waxbaridda iyo horumarinta carruurta agoonka ah, kuwa naafada ah iyo kuwa nugul ee degmada Buloburte.

Shaqalaha wasarada Waxbarashada oo lagu abaalmariyey kalinta ay ka qateen tawbarka macalinminta dowlada Konfur Galbeed S...
22/08/2025

Shaqalaha wasarada Waxbarashada oo lagu abaalmariyey kalinta ay ka qateen tawbarka macalinminta dowlada Konfur Galbeed Somaliya

18/08/2025

Senator Naima oo qudbad ka jeedisay xaflada beesha gaaljecel

18/08/2025

Hussein Jeelle Raage oo qudbad ka jeediyay xaflada gaaljecel

18/08/2025

Xildhibaan Dalxa oo ka hadlay taariikhda Beesha Gaaljecel

Baydhabo โ€“ Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso ...
13/08/2025

Baydhabo โ€“ Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa ka qayb gashay kulan soo dhoweyn iyo isbarasho loogu sameynayey Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Sandra Latouf, oo booqasho shaqo ku joogta magaalada Baydhabo.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirrada Wasaaradaha Qorsheynta, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gargaarka, Biyaha iyo Deegaanka, kuwaas oo dhammaantood wada shaqeyn dhow la leh Hayโ€™adda .

Wasiir Shamso oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa ammaantey kaalinta muhiimka ah ee UNICEF ka qaadato horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ay siiso Wasaaradda Haweenka ee Dowladda Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ku saleysan danaha bulshada.

โ€ŽDanjiraha Soomaaliya ee Uganda oo ku qaabishay Xarunta Safaaradda, Safiirka Uganda ee Soomaaliya.โ€Žโ€Ž5 Agoosto 2025, Kamp...
05/08/2025

โ€ŽDanjiraha Soomaaliya ee Uganda oo ku qaabishay Xarunta Safaaradda, Safiirka Uganda ee Soomaaliya.
โ€Ž
โ€Ž5 Agoosto 2025, Kampala โ€“ Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ku qaabishay wafdi diblumaasiyiin ah oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Uganda ee Soomaaliya, Danjire Prof. Sam Turyamuhika.
โ€Ž
โ€ŽKulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen diblumaasiyiin ka kala socday Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Safaaradda Uganda ee Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta heshiisyadii h**ey ay u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo qaar ka mid ah durba dhaqangalay halka kuwo kalena ay weli ku jiraan marxaladaha ugu dambeeya ee hirgelintooda.
โ€Ž
โ€ŽDiblumaasiyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda dib-u-eegista iyo dhameystirka qodobadii wali aan la dhameystirin ee ku jira heshiisyada, iyadoo la xusay doorka guddiga wadajirka ah ee joogtada ah ( Joint Permannat Commission ) ee u xilsaaran dabagalka heshiisyada Soomaaliya iyo Uganda oo h**ey loo dhisay
โ€Ž
โ€ŽSafiir Fardowsa Maxamed Qanyare iyo Prof. Sam Turyamuhika ayaa isla qiray muhiimadda qabashada shirkii sannadlaha ahaa ee xiriirka labada dal.
โ€Ž
โ€ŽSoomaaliya iyo Uganda waxaa ka dhaxeeya xiriir diblumaasiyadeed oo qoto dheer, kana tarjumaya iskaashi dhow oo muddo soo jiray.

Wasiirka Haweenka Koonfur Galbeed soo Xirtey Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Gudniinka Fircooniga ah (FGM)Baydhabo, Wasii...
23/07/2025

Wasiirka Haweenka Koonfur Galbeed soo Xirtey Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Gudniinka Fircooniga ah (FGM)

Baydhabo, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa maanta si rasmi ah uga Soo xirtey magaalada Baydhabo tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayay sharciga iyo siyaasadaha ka hortagga gudniinka fircooniga ah (FGM).

Tababarkan oo socday muddo maalmood ah, ayaa loogu talagalay wacyigelinta iyo tayeynta xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed si ay door muuqda uga qaataan dadaallada lagu ciribtirayo dhaqanka gudniinka fircooniga ah, una hormariyaan sharciyeynta iyo ilaalinta xuquuqda hablaha Soomaaliyeed.

Xiritaanka tababarka, Wasiir Shamso Maxamed Yarow ayaa jeedisay khudbad muhiim ah oo ay ku iftiimisay halista iyo dhibaatada uu gudniinka fircooniga ah ku hayo gabdhaha, iyadoo ku baaqday in laga gudbo dhaqamada waxyeellada leh ee caqabad ku ah nolosha iyo horumarka hablaha Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay in xildhibaanadu noqdaan hormuudka isbeddelka, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha xuquuqda haweenka iyo ilaalinta badbaadadooda.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay oo si joogto ah u taageera Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed, iyaga oo bogaadiyey dadaallada socda iyo sida loo wajahayo arrimaha la xiriira xuquuqul insaanka.

Ugu dambayn, qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa la hadlay warbaahinta, iyaga oo muujiyey sida ay uga goโ€™an tahay inay ka shaqeeyaan sidii loo soo saarilahaa sharciyo cad oo ka hortagaya FGM, ayna si dhab ah uga qeyb qaadan doonaan wacyigelinta bulshada.

Address

Mogadishu
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Marwo Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Marwo Somali Tv:

Share

Category