02/09/2025
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday degmada Buloburte, taas oo lagu xusayay xarig-jarka iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Alrahma. Munaasabaddan ayaa ahayd mid si weyn loogu diyaar garoobay, waxaana ka soo qeybgalay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan waalidiin, macallimiin, culimaa’udiin, nabadoonno, iyo marti sharaf kale.
Intii xafladda socotay, waxaa hadallo qiimo leh oo dhiirrigelin ah ka jeediyay culimaa’udiin deegaanka, nabadoonno, iyo masuuliyiin ka socday maamulka deegaanka. Sidoo kale, ardayda iskuulka Alrahma ayaa soo bandhigay gabayo, heeso, taas oo muujisay hibadooda iyo heerka tacliimeed ee ay gaareen.
Munaasabadda ayaa ku dhammaatay jawi farxad iyo raynrayn leh, iyadoo la isla qiray doorka muhiimka ah ee iskuulka Alrahma uu ku leeyahay korinta, waxbaridda iyo horumarinta carruurta agoonka ah, kuwa naafada ah iyo kuwa nugul ee degmada Buloburte.