18/08/2026
Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa socdaal ku maraya deegaanno ka tirsan Galmudug, iyadoo wafdiga uu qayb ka yahay aqoonyahan iyo siyaasi Farhan Xasan Muuse.
Farhan Hassan ayaa si gaar ah uga qayb galay munaasabaddii lagu soo xirayay tababarka ciidanka ee Xananbuure.
Waxa uu h**ey ciidanka ugu deeqay neef geel ah iyo agab kale, taasoo muujinaysa taageerada uu u hayo ciidamada iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda dowladnimo.
Sidoo kale, Farhan Hassan wuxuu ka mid ahaa madaxda iyo mas’uuliyiintii si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Galkacyo, isagoo qayb ka ah wafdiga Madaxweynaha iyo socdaalka uu ku marayo deegaannada Galmudug.
Socdaalkan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta dowladda, shacabka iyo waxgaradka Galmudug, gaar ahaan taageerada ciidamada iyo dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada.