Qayrdon Media

Qayrdon Media intertainment page entertainment page

03/10/2025
03/10/2025
16/04/2024

Wacdi iyo waano ||Sheikh jabuutaawi||.

23/11/2021

Muxaadiro || Sh. Dirir.

02/07/2021
30/06/2021
26/06/2021

Fadlan iska ilaali cabitanka cocala.

15/06/2021

Madaxweynihii h**e ee Mareykanka Nixon
Wuxuu lahaa la taliye la yiraahdo Dr. Robert D. Crane ...
Dr. Robert D. Crane Wuxuu ka heystaa labo shahaadada PHD ga oo kala ah public law (sharciga bulshada) iyo international law (sharciga caalamiga).
Wuxuu sifiican ugu hadlayaa lix ka mid ah luqadaha waaweyn
Waxa uu soo noqday
1. madaxweynaha/gudoomiyaha Harvard Society of International Law,
2. La Taliyaha Madaxweynaha Mareykanka Nixon ee Arimaha Dibadda.
3. Ku-xigeenka Agaasimaha Golaha Amniga Qaranka Mareykanka (US National Security Council).
4. Waa aasaasaha Xarunta Ilbaxnimada iyo Cusbooneysiinta Mareykanka (Center for Civilization and Regeneration in America).

Waxaa lagu tiriyaa inuu yahay mid kamid ah khubarada siyaasada ee America.

Maalin maalmaha ka mid ah, madaxweynaha Mareykanka Nixon ayaa u baahday inuu wax ka ogaado diinta Islaamka, sidaa darteed wuxuu weydiistay sirdoonka Mareykanka inay u diyaariyaan cilmi baaris ku saabsan mowduucaas, runtiina way fuliyeen amarkiisa, laakiin cilmi baaristoodu waxay ahayd mid aad u dheer ...
Wuxuu ka codsaday lataliyihiisa, Dr. Robert D. Crane inuu akhriyo cilmi baarista kadibna uu soo koobo nuxurka.
Dr. Robert D. Crane wuxuu akhriyay cilmi baaristii, ka dibna wuxuu aaday ka qeyb galka aqoon isweydaarsiyo iyo muxaadarooyin Islaamka looga hadlayo si uu wax badan uga barto mowduuca ...
Maalmo yar kadib waxa Maraykanka oo dhan ku faafay inuu islaamay (Dr. Robert D. Crane).

Wuxuu la baxay magac cusb - Faruuq Cabdul Xaq...
Mar uu ka hadlayay sababta uu u islaamay waxa uu yiri: Aniga waxan ahay aqoon yahan bartay sharciga, waxaan ka helay diintabislaamka dhamaan sharciyadii aan bartay (islaamka waa nidaam/qaanuun dhameystiran) ...
Xitaa intii aan wax ku baranayay Jaamacadda Harvard k**a aanan helin sharciyadooda erayga (caddaalad) xitaa hal jeer ...
Eraygan (cadaalad) Islaamka waxaan ka helay wax badan ...

Wuxuu qaatay diinta Islaamka sanadkii 1981 miilaadiga wuxuuna isku magacaabay (Faaruuq) magaca waxa uu uga daysaday Cumar Bin khatab (Faaruuq) Allaha ka raalli noqdee kaasoo ahaa Imaamkii Caddaaladda Nabiga ka dib nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato

- Wuxuu yidhi: maalin maalmaha ka mid ah aniga oo ka qeyb qaadanaya dood dhanka sharci ah, ayaa mid ka mid ah culimada sharciga (professor of law) yahuudda ayaa nala joogay, wuxuu bilaabay inuu islaamka iyo muslimiinta wax ka sheego/caayo, si aan u aamusiyo ayaan waxan waydiiyay: Ma taqaanaa inta uu la egyahay buuga ka hadlaya sharciga dhaxalka ee dastuurka Mareykanka ..?
Wuxuu yiri: Haa, waa sideed mujalad.
- waxaan ku iri: hadaan kuu keeno sharci dhaxal ah oo dhamays tiran oo aan ka badneyn toban sadar/line, ma aaminaysaa in diinta islaamku tahay diin run ah/xaq ah ..?
- Wuxuu yidhi: Taasi ma ahan wax dhici kara.
Markaa waxaan u soo bandhigay aayadaha dhaxalka ka hadlaya ee Quraanka Kariimka ah, isaguna dhawr maalmood ka dib ayuu ii yimid oo wuxuu igu yidhi: Maskaxda aadamuhu ma koobi karto dhammaan xidhiidhada xigaalnimo ayada oo aanan cidna la iloobaynin islamarkana dhaxalka loogu qaybinayo si cadaalad ah oo aan cidna la dulminaynin ... Markaa suu professor kii Yuhuudiga ahaa Muslimay ..!

Dr. Robert D. Crane (Faaruuq), wali wuu nool yahay, waa 91 jir.

W/Q: Salman Hashi

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qayrdon Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share