Run Sheek

Run Sheek Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Run Sheek, Media, Mogadishu.

23/11/2019

Qaraxii Soobe ee maanta sidee ayuu u dhacay?

Gaariga Qarxay oo ahaa nuuca raaxada qofkii lahaa ayaa saarnaa isagoo Parking kujira isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Gaariga la qarxiyey waxaa lahaa Axmed Cumar Nimcaale oo ka shaqeeya Air port ka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo gaarigiisa dhex-fadhiya ayuu yimid nin watay qaraxa uu gaariga ku xiray, Cameradda qarsoon ayaa soo qabatay dabadeed waxaa yimid goobta Ciidanka Haramcad oo durbadiiba howlgal sameeyey isugu jira daawashada muuqaalka Camerada iyo ninkii Falkaas geystay, halkii qaraxa uu ka dhacay meel ka agdhow ayaana laga qabtay sida uu iisheegay sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Booliiska.

Waxyaabaha Xamar ku cusub waxaa kamid ah in ninka lahaa gaariga qaraxa lagu xiray uu dhe fadhiyey kana bad-baaday Qaraxaas.

23/11/2019

Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadeed qaarkood ayaa haatan kulan wuxuu uga socdaa Villa Somalia, maalma kahor madaxweyne Farmaajo wuxuu la kulmay Madaxwaynayaashii kaga h**eesay kursiga Xisbiyo ay kala hogaaminayaan, balse Xisbiyada uu madaxweynuhu la kulmay waxaan kujirin ilaa hadda Xisbiga Wadajir oo shuruudo hor dhigay in ay ka qeyb galaan kulamadaas.

 : Qarax lagu soo dhajiyay gaari ayaa ka dhacay Agagaarka isgoyska soobe ee muqdisho.
23/11/2019

: Qarax lagu soo dhajiyay gaari ayaa ka dhacay Agagaarka isgoyska soobe ee muqdisho.

20/11/2019

Go'aanno uusan ku farxi doonin Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadka soo socda kasoo bixi doona golaha shacabka kuwaasoo la xiriira nuuca doorasho ee Madaxweynuhu rabo iyo qaabka ay u rabaan golaha shacabka in doorashadu ay u dhacdo.

Guddiga doorashada ee golaha shacabka xildhibaan katirsan ayaa iisheegay in ay heleen xogo tilmaamaya in Madaxweynuhu diyaariyey ciidan laga yaabo in dadka dowladda dhaliila ee baarlamaanka ku jira iyo siyaasiyiintaba ay xir-xiraan.

Ciidankaas xoogga loogu adeegsan doono danaha qaaska ah ee Madaxweynaha ayuu iisheegay Xildhibaankan katirsan guddiga in la diyaariyey oo la isku duba riday todobaadkan.

04/11/2019

Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlu-sunna iyo ciidamo uu watay ayaa saaka Gaari Cabdibile ah kala goostay xarunta Enji ee Dhuusamareeb, iyagoona ku biiray dhinaca Dowladda.

Xarunta Enji ayaa ah fariisinka kaliya ay Ahlusunna kaga sugantahay magaalada dhuusamreeb ee Caasimada Galmudug.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa saaka ciidamo h**e leh oo laga qaaday Muqdisho geysay Dhuusamareeb.

Ahlusunna oo soo bandhigtay nuqul kamid heshiiskii h**e ay ula galeen Dowladda.
29/10/2019

Ahlusunna oo soo bandhigtay nuqul kamid heshiiskii h**e ay ula galeen Dowladda.

24/10/2019

DEG DEG:Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb Ayaa la xaqiijiyay inay rasaas ku fureen Xarunta Inji oo ay degan yihiin Madaxda Sare ee Ahlusunna Waljameeca iyo Guddigii Doorashada Galmudug ee uu Magacaabay Sheekh Shaakir.
ilaa hadda lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Rasaastaas mana jirto masuul ka Tirsan labada dhinac oo arintan ka hadlay .

kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusamareeb iyo Sh. Shaakir oo go,aan culus qaatayWaxaa Magaalada Dhuusamareeb ee...
24/10/2019

kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusamareeb iyo Sh. Shaakir oo go,aan culus qaatay

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Gudiga Doorshada iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay.
Sheekh Shaakir oo Khudbad u jeediyay Guddiga ayaa ka codsaday in ay dardargaliyaan howlaha loo xilsaaray ee ku aadan doorashada maamulka Galmudug , islamarkaana laga doonaayo in ay soo xulaan baarlamaanka Galmudug.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in Glmudug loo dhiso maamul ay dadkeeda u dhan yihiin, isla markaana laga Aas’aaso Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya garab istaagto.

Dhinaca kale waxaa xalay kulan isugu yimid Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah bulshada Dhuusamareeb, waxaana kulanka uu ahaa mid Guddiga lagu taageerayay.
Cabduqaadir Nuur Caraale oo kamid ah Xubnaha Guddiga Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono Bulshada Galmudug,isla markaana xildhibaannada ay kusoo xuli doonaan qofkii buuxiya Shuruudaha.

Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna ayaa xilligaan waxaa ka dhexeeya khilaaf xoogaan, kaasi oo ka dhashay guddiga farsamada ee dhismaha maamulka galmudug, maadaama dowladda ay gudi magacowday, halka madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir uu maalin ka hor uu ku dhawaaqay guddigga doorashada maamulka Galmudug.

23/10/2019

Ahlusuna ayaa diidan in Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ay ka soo dagto diyaard sida wafdi ka socda dowladda, xaalka garoonka ayaa ah mid cakiran.

 : Ahlusuna oo magacowday guddi doorasho oo dhisa Galmudug kale.
22/10/2019

: Ahlusuna oo magacowday guddi doorasho oo dhisa Galmudug kale.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Gaari Cabdi billa ah oo Caawa Fiidkii Mooto Fekon ku jiiray   agagaarka Sar...
21/10/2019

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Gaari Cabdi billa ah oo Caawa Fiidkii Mooto Fekon ku jiiray agagaarka Sarkuusta ee u dhaw Ex Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta ku geeriyooday Afar dhalinyaro ah oo soo saarneed Mooto Fekon-ka waxaana gabi ahaanba burburay Mootadii ay saarnayeen Dhalinyarada.

Gaarigii Cabdi bilaha ee falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday,waxaana meydka Dhalinyarada goobta ka qaaday Ehelladooda.

Halka uu falkan caawa ka dhacay ayaa waxaa ku taalla Xerada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare  Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho  kadib markii uu Washington uga qayb galay s...
21/10/2019

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu Washington uga qayb galay shirarkii sannadlaha ahaa ee bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF)

Address

Mogadishu

Telephone

+252615982458

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Run Sheek posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category