
19/06/2025
Ma ogtahay in Badda u dhaxaysa Waqooyiga Soomaaliya (Puntland & Somaliland) iyo Yaman ay si tartiib ah laakin joogto aheyn u sii ballaaranayso? Sida - Gacanka Cadmeed (ama Gacanka Berbera)!
Gacanka Cadmeed (Khaliij Cadan, ama Gacanka Berbara) - Badda u dhexayso Waqooyiga Somalia (Puntland & Somaliland) way sii ballaaranaysaa
Badda Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden) waa badda wadda inay sii ballaarato. Kala-barka badda, badda salkeed (seafloor), waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq tektoonik ah, oo jeexniin weyn ah, kaasoo ay ka soo burqanayo laafa (lava). Goorta laafada banaanka ay timaado, waxay sammaynaysaa buuro badda sal keeda ku yaal. Dhaqdhaqaaqa wuxuu kala fogaynaa Qarka Carabta (Arabian Plate) iyo Qarka Soomaalida (Somali Plate) sannad kiiba 15 mm.
Dhaqdhaqaaqa tektoonikada ah wuxuu sammeeyaa jexniino caadi ah (normal faults) iyo kuwa ah 'strike slip' oo sigsaag u jeexmayo. Dhaqdhaqaaqyadan waxay abuuraan dhul-gariir awoodooda u dhexayso 3.5 - 4.7 Richter Scale, oo labada dhinac saameeya: Waqooyiga Soomaaliya iyo Yemen.
Runtii, dhulkeena hooyo waa mid cajiib ah oo dhaqdhaqaaq joogto ah ku jira! Maxaa kula xiiso badan oo aad argaty ? Nala wadaag! π