Xogogaal media production

Xogogaal media production Xogogaal media production Personal Page

08/04/2025
26/03/2025

Magaceygu Waa.... Ahmed siciid Waxaan jiraa 27sano sanadkan ayaan 27ka geli rabaa haddii Aan nolol ku gaaro. Waxaan Kugu dhaariyay Allaah Xanuunada Keena Dadkana Ka Caafiya.

Waxaan fariinteydaan kaaga dhigaay mid Qoortaada gashan Oo Amaano Kugu ah. Saacdan ay ku soo gaartay laga bilaabo ilaa Qiyaamaha ka dhaco.😭

Markad furto fariintaan Aad aqrisato ilaah baan kugu dhaarshaye sii faafi waa maalin isniin ah

Hadda ka hor Waxaad halkaan uga duceyseen Aabaheey Siciid Oo La Xanuunsanaa

Cudurka dilaaga ah Ee Cancerka.😭 Wuuna ka caafimaaday ducadiina Uu rabbi idiinka aqbalay darteed Alxlh.

Maanta aniga ayuu Xanuunkii igu dhacay gaar ahaan Aniga Waxaa iisii dheer Cancerka maskaxda galo ayaa igu dhacay😭😭

Salaadaha si Caadi ayaan u Tukadaa inkastoo
mararka qaar aan miir beelo Daawo kasto Waa isticmaalay Aan ka aheeyn daawada ducadiina Oon maanta soo doontay.

Xaaladada Allah Hagaajiyo Towxiidkana Allaah kugu dilo jannada booskaaga allaah kaaga dhigo

Maanta Hadaad ducadiina iigu kala harin

Waana Soo sheegi doonaa Hadba Heerka uu igu gaaro Xanuunkan i haya. Haddaan dhintana Cafis iyo masaabax iyo naxariis rabbi ii soo weeydiiya Dhaamantiin Allah idiin jeclaado.

hadaad naxariis leedahay si walaalaha muslimiinta iigu wada duceeyaan sii faafi fariintayda😭😭

walaal Aduunka wax la isku yahay ii soo ducee fariintaydana sii faafi walaala😭😭

✍ Allah kaa dhigo kan codsigayga gudbiya

12/12/2024

War-saxafadeed

Dowladda Jubaland waxay si aad ah uga xuntahay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo si nasiib darro ah ay isku dileen wiilal Soomaaliyeed, Waa dhacdo laga baaqsan karay iyadoo ay ahayd in lagu xalliyo wada-hadal iyo isku tanaasul.

Sida marar badan aan Caddeeynay, dagaalkan waxaa soo abaabulay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa kuwaas oo u arkayay inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo gurracan iyadoo la adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) si ka baxsan waajibaadka sharci ee ciidanku leeyahay.

Falalkan sharci-darrada ah awgood, Xasan Sheekh iyo kooxdiisu waxay ciidamo u soo daabuleen deegaanka Raas-Kambooni halkaas oo dabka lagu shiday dhalinyaro Soomaaliyeed si loo gaaro ahdaaf siyaasadeed oo baal-marsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Waa muhiim in la xuso in deegaanka Raas-Kambooni uu ahaa deegaan nabdoon oo aysan ka jirin wax amni-darro ah 13-kii sano ee la soo dhaafay Sidoo kalana ayna qeyb ka ahayn deegaanada ay joogeen Ciidamada ATMIS ee dalka ka baxaya.

Nasiib darro halkii dowladdu u adeegsan lahayd CXD deegaannada weli ku jira gacanta Khawaariijta ayaa loo isticmaalay deegaan nabdoon oo ka xoroobay Khawaariijta sanadkii 2011ka.

Waxaa tusaale muuqda ah in deegaannada ku hareeraysan Muqdisho ay weli ka taliyaan Khawaariijta iyadoo Xasan Sheekh uu CXD diyaarad ku keenay Raas-Kambooni si uu u fuliyo dano siyaasadeed oo aan waafaqsaneyn maslaxadda guud ee dalka.

Dowladda Jubaland waxay aaminsan tahay in qorshayaasha CXD lagu dhex gelinayo arrimaha siyaasadda ay yihiin kuwo dhabar-jab ku ah dib-u-dhiska dowladnimada gaar ahaan hay’adaha amniga iyo CXD oo ah laf-dhabarta qaranimada dalkeenna.

Maanta qaar ka mid ah dhaawacyadii CXD ee ku waxyeeloobay dagaalka Raas-Kambooni ayaan u dirnay magaalada Muqdisho si ay u helaan adeegyo caafimaad oo dheeraad ah Sidoo kale dhammaan ciidamada ku jira gacanta Jubaland waa wiilal Soomaaliyeed oo dhulkoodii jooga waxaana loola dhaqmayaa si sharaf leh, dhaawacyada waxaa la siinayaa daryeel caafimaad oo dhammeystiran, waxaana markii ay bogsadaan lagu celin doonaa guryahooda iyagoo nabad qaba.

Ugu dambeyn Dowladda Jubaland waxay Caddeeynaysa mowqifkeeda ah in xalka khilaafaadka siyaasadeed uusan ku jirin xabad. Jubaland mar walba diyaar ayay u tahay wada-hadal iyo in wixii kala aragti duwanaansho ah lagu xalliyo miiska wada-tashiga iyo isku tanaasulka.



DHAMMAAD

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogogaal media production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogogaal media production:

Share