29/08/2025
Waxaa nasiib darro ah in maanta muuqaalada qaar lagu arkayo dad horay u gudbin jiray waxyaabo aan ku habboonayn edeb iyo akhlaaqda, haddana isku dayaya in ay ku labistaan dharka dadka dhowrsan oo astaan sharaf iyo xushmad u ah bulshada.
Dharka iyo dhaqanka wanaagsan waxaa loo aqoonsadaa calaamad muujinaysa edeb, diin iyo Xishoot, balse ma aha wax lagu ciyaaro ama lagu soo bandhigo si qaldan.
Gabdhaha asturan iyo dadka dhowrsanaanta lagu yaqaan waa tiir muhiim u ah ilaalinta dhaqanka iyo diinta. Iyagu waxay bulshada u yihiin tusaale wanaagsan, oo carruurta iyo dhalinyarada kale ka qaataan si ay ugu daydaan una ixtiraamaan. Marka muuqaalada lagu marin habaabinayo dharkooda iyo astaantooda, waxa ay taasi keentaa in qiimihii iyo sharaftii la duminayo si ula kac ah ama si sahal ah.
Waxaan dardaaran ahaan u leeyahay dadka dhowrsan, gaar ahaan hablaha asturan: Ha u oggolaanina cidna in ay si fudud u suurad xumeeyaan qiimaha aad leedihiin iyo astaantiina wanaagsan.
Xusuusta in dharkiinnu uu yahay astaanta karaamadiinna, kuna xiran yahay diin iyo dhaqankiina suuban ee qotoda dheer. Sidaas darteed waa in aad ku faantaan dhowrsanaanta, aadna ka feejignaataan cid kasta oo isku dayda in ay sharafkiinna u rogaan madadaalo ama muuqaallo aan munaasab ahayn.
Bulshadana waxaa waajib ku ah in ay difaacdo astaamaha dadka dhowrsan oo ay ka hortagto cid kasta oo isku dayda in ay wax u dhimto sharaftooda. Aan ogaano in dhowrsanaanta ay tahay hantida ugu qiimaha badan ee qofka Muslimka ahi leeyahay, ayna mudan tahay in la ilaalsho, la ixtiraamo, lana dhaxal siiyo jiilasha dambe