Somali Prime Media

  • Home
  • Somali Prime Media

Somali Prime Media Somali Prime Media delivers reliable and timely coverage of Somalia’s news, politics, business, and development.

We provide clear, credible reporting and thoughtful analysis to keep our audience informed and engaged.

26/09/2026

Subxannalaah ! Macalin Jaamaceed oo si arxan daro ah loogu dhacey D/ Garasbaaley, dhanka Kalkaal.

Qoryo & Toorey ayay wataan, umada halaga qabto.

HODAN SALEEBAAN ayaa laga soo tuuray dabaq ku yaalla magaalada Tripoli ee dalka Liibiya. Gabar Soomaaliyeed oo lagu maga...
26/09/2026

HODAN SALEEBAAN ayaa laga soo tuuray dabaq ku yaalla magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hodan Saleebaan, oo asal ahaan ka soo jeedda magaalada Laascaanood, ayaa lagu soo warramayaa in laga soo tuuray guri dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Al-Dhahra ee magaalada Tripoli.

Hodan ayaa xaalad aad u daran ku jirta, waxaana loola cararay isbitaal si loogu sameeyo gurmad caafimaad oo degdeg ah.

Waxx si xushmad iyo naxariis leh looga codsanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay farriintan si weyn u faafiyaan oo ay SHARE gareeyaan, si ay u gaarto ehelkeeda, qaraabadeeda iyo cid kasta oo garanaysa Hodan ama qoyskeeda, si degdeg ahna uga qayb qaadan karta sidii ehelkeeda loo heli lahaa.

“Xiritaanka Marinka Hormuz waa arrin dabiici ah marka waddooyinka laga xiro Iran.”Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ay...
26/09/2026

“Xiritaanka Marinka Hormuz waa arrin dabiici ah marka waddooyinka laga xiro Iran.”

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa ka hadlay xaaladda Marinka Hormuz, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, isla markaana ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu yareynayo xiisadda.

26/09/2026

7 jabhadood ayaa u midoobay in Xukunka ay ka tuuraan Abiy Ahmed, waxa ayna sheegeyn in goordhow gudaha u gali doonaan Addis ababa.

DEGDEG: Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee dowladda oo fuliyay qaraarkii kasoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa joo...
26/09/2026

DEGDEG: Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee dowladda oo fuliyay qaraarkii kasoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyay boosaskii la xayaysiiyay ee Agaasimeyaasha Waaxda maamulka Shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo Hay’adah Dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta isbeddel ku sameeyey hoggaanka maamulka ee laba wasaaradood oo ka tirsan ...
26/09/2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta isbeddel ku sameeyey hoggaanka maamulka ee laba wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdullaahi Ibraahim Cabdi ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, halka Axmed Yuusuf Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Magacaabistan ayaa lagu sheegay mid lagu dardargelinayo hawlaha wasaaradaha, iyadoo labada Agaasime Guud lagu adkeeyey hufnaanta shaqada iyo gudashada waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha Somaliland ayaa 21 bari ka dib gacmo maran kala soo laabtay Mareykanka, isagoo hada u safray Imaaraadka hal...
26/09/2026

Madaxweynaha Somaliland ayaa 21 bari ka dib gacmo maran kala soo laabtay Mareykanka, isagoo hada u safray Imaaraadka halka wafdigiisii inta badan ay Maraykanka ku hareen.

Madaxweyne ayaa eedda dusha u saaray Masar iyo Türkiye, isagoo sheegay in labada dal ay olole ka dhan ah aqoonsiga Somaliland ka wadeen dalal Afrikaan ah iyo dalal kale oo aqoonsa lahaa Somaliland.

Markab uu lee yahay Ganacsade u dhashay dalka Ciraaq oo lagu afduubtay Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in laga s...
26/09/2026

Markab uu lee yahay Ganacsade u dhashay dalka Ciraaq oo lagu afduubtay Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in laga soo furta Burcad Badeed oo muddo xoog ku haystay Markabkaan.

Mustaqbal Media oo heshay xogta iyo sawirrada Markabkaan ayaa muujinaya dagaal dhexmaraya maleeshiyaad ku heyb ah Ganacsada iska leh Markabka iyo ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo isku dhinac ah iyo Burcad Badeed, taas oo sababtay in la’isku adeegso hub noocyo kala duwan leh.

Markabkaan ayaa siday Saliid Cad oo laga soo qaaday Imaaraadka Carabta, taas oo loo waday dhowr dal oo Yurub ah.

Talyaaniga ayaa si rasmi ah u mamnuucay xirashada Niqaabka ama Indho-shareerka gudaha goobaha waxbaradhada.
26/09/2026

Talyaaniga ayaa si rasmi ah u mamnuucay xirashada Niqaabka ama Indho-shareerka gudaha goobaha waxbaradhada.

25/09/2026

Ergeyga Israa’iil u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa daandaansi ula tagay ergayga Iiraan, gudaha xarunta Qaramada Midoobay, isagoo ugu tagay goobtiisa wuxuu iskudayay inuu ka caraysiiyo, wuxuuna yiri ; “ Si aad nidaamka talada haya isaga beddeshaan oo xorriyad u helaan shacabka Iiraan, adeegsa intener-ka Starlink.”

Ergayga Iiraan ayaa is xakameeyay, wuxuuna iska indha-tiray daandaansiga Israa’iiliga isagoo gacanta ku wata qaladka Starlink, uu ula yimid.

Address

Mogadishu/Afgoye Street

Telephone

+252618103371

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Prime Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed media company?

Share