Sahan Media tv

war-saxaafadeedka madaxdii h**e ee qaranka maxay uga hadleen?
19/08/2025

war-saxaafadeedka madaxdii h**e ee qaranka maxay uga hadleen?

Dagaal Saaka ka qarxay duleedka beledxaawo, ayaa la sheegayaa in ciidanka Jubaland laga saaray magaalada.Warar aan la hu...
11/08/2025

Dagaal Saaka ka qarxay duleedka beledxaawo, ayaa la sheegayaa in ciidanka Jubaland laga saaray magaalada.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Xuseen Gif oo ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland uu ku dhintay dagaalkii ka dhacay banaanka magaalada Baladxaawo.

Maxaa ka soo baxay shirka Madaxda Qaranka iyo xubnaha mucaaridka dowladda oo ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada?Waa sugay...
10/08/2025

Maxaa ka soo baxay shirka Madaxda Qaranka iyo xubnaha mucaaridka dowladda oo ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada?
Waa sugaynaa war-murtiyeedka.

Goor dhaw ciidamada Dowladda ee ku sugan xerada UK ee magaalada Beled Xaawo ayaa rasaas xooggan ku furay diyaarad nooca ...
06/08/2025

Goor dhaw ciidamada Dowladda ee ku sugan xerada UK ee magaalada Beled Xaawo ayaa rasaas xooggan ku furay diyaarad nooca helicopter-ka oo ay leeyihiin ciidanka Itoobiya taas oo dul maraysay xerada UK.

Ujeedada ciidankan ay ku kormeerayeen xerada lama hubo laakin waxaa la qiyaasayaa in ay qiimeynayeen xerada iyo farriisimaha ku dhex yaalla.

Puntland oo sii daysay markabkii Mv Sea World.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maa...
04/08/2025

Puntland oo sii daysay markabkii Mv Sea World.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Boosaaso ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Turkiga, oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

Wafdig ka socday Dowladda Turkiga ayaa u tagay Puntland si ay u dhammeystiraan wada-xaajood muddo socday oo la xiriira markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran, taasoo markii h**e muran iyo tuhun amni dhalisay.

Puntland ayaa shaacisay inay markabka iyo hubka saarna ku wareejisay Dowladda Turkiga, kaddib markii ay heshay caddeymo rasmi ah oo muujinaya in dhammaan hantida saaran markabka ay leedahay Dowladda Turkiga. Arrintan ayaa ka dambeysay baaritaan ay sameeyeen hay’adaha ammaanka Puntland iyo is-dhaafsi warqado rasmi ah oo ay Turkiga u gudbiyeen maamulka Puntland.

Markabkan oo wata calanka dalka Comoros ayaa la qabtay 18-kii July, xilli uu marayey xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raas Caseyr, isagoo ka soo ambabaxay dekedda Izmir ee Turkiga kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Puntland ayaa markii h**e sheegtay in hubka iyo gaadiidka saaran ay sheegteen dad ganacsato ah oo kasoo jeeda Muqdisho iyo sidoo kale safiirka Turkiga, taasoo dhalisay su’aalo la xiriira sharciyadda iyo cidda loogu talagalay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shixnadda loo waday xarunta tababarka milatari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho (Turkeysom), balse ma aysan soo bandhigin dukumenti rasmi ah oo arrintaasi caddaynaya.

03/08/2025
Waxaa caawa si rasmi ah loogu soo gabogabeeyay magaalada Laascaanood Shirweynihii Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Kha...
30/07/2025

Waxaa caawa si rasmi ah loogu soo gabogabeeyay magaalada Laascaanood Shirweynihii Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo,

koonfur Afrika oo soo bandhigtay Shariciyo socdaal oo cusub.Maamulka Xuduudaha (BMA) oo kaashanaya Waaxda Arrimaha Gudah...
26/07/2025

koonfur Afrika oo soo bandhigtay Shariciyo socdaal oo cusub.
Maamulka Xuduudaha (BMA) oo kaashanaya Waaxda Arrimaha Gudaha iyo Waaxda Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga, ayaa ku dhawaaqay hirgelinta shaabado cusub oo amniga socdaalka ah oo laga isticmaalayo dhammaan dekedaha laga soo galo Koonfur Afrika.
Tiimbaraha cusub ayaa ka dhigi doona mid aan suurtagal ahayn in saraakiisha xuduudaha ay beddelaan shaambadahooda.
Shaabada imaatinka cusub iyo dhoofitaanka ayaa dhaqan gashay 1dii Agoosto 2025, taasoo calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo lagu wanaajinayo xakameynta xuduudaha iyo dukumeentiyada amniga dalka oo dhan.

Xiriir rasmi ah oo lala yeeshay daneeyayaasha ay khusayso, BMA waxay xaqiijisay in tiimbarada la cusboonaysiiyay hadda laga isticmaalo dhammaan xarumaha xudduudaha dhulka, garoomada diyaaradaha caalamiga ah, iyo dekedaha.

“Shaabadaha socdaalka ee la cusboonaysiiyay waxay qayb ka yihiin dadaalladayada joogtada ah ee ku aaddan casriyeynta iyo sugidda amniga xuduudaha Koonfur Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Dhammaan dadka socotada ah ee soo galaya ama ka baxaya dalka waxay hadda heli doonaan dukumeentiyadooda socdaal oo ay ku qoran yihiin shambabada cusub.”

Soo bandhigida tiimbarada la cusboonaysiiyay waxaa looga golleeyahay in lagu wanaajiyo raadraaca iyo xaqiiqnimada galitaanka iyo bixista, yaraynta khiyaanada, iyo xoojinta amniga qaranka.

Saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Gudaha ayaa dadka safarka ah u xaqiijiyay in tiimbarada cusub aysan wax dib u dhac ah ku keeni doonin waqtiyada shaqada ee goobaha xuduudka. Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha soohdinta ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan oo ay hubiyaan in kaliya tiimbarada cusub loo isticmaalo horay.

Waaxda xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga ayaa sidoo kale ogeysiisay isbeddelada dhammaan howlgallada shisheeye iyo saaxiibada diblomaasiyadeed, si loo xaqiijiyo kala-guurka fudud iyo in laga fogaado jahawareer inta lagu jiro safarka xuduudaha.

Talaabadan ayaa ka dambeysay dadaalo dheeri ah oo ay wado dowlada Koonfur Afrika si ay u xoojiso nidaamka socdaalka iyadoo ay sii kordhayaan tirada safarada gobolka iyo walaaca laga qabo dukumeentiyada been abuurka ah.

Dadka safarka ah waxa lagula talinayaa in ay hubiyaan in baasaboorkooda lagu dhuftay shaambada socdaalka ee saxda ah iyo in ay ku wargeliyaan wixii khaladaad ah masuuliyiinta ay khusayso.

Warbixin kooban oo ay dowladda soo saartay ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee XDS, Jene...
24/07/2025

Warbixin kooban oo ay dowladda soo saartay ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee XDS, Jeneraal Cabduwahaab Cumar oo ku sugan dalka Turkiga, uuu kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Turkiga, Admiral Ercüment Tatlioğlu.

Jeneraal Cabduwahaab Cumar iyo Admiral Ercüment Tatlioğlu ayaa ka wada hadlay horumarinta iyo qalabeynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee XDS.

War saxaafadeed ay soo saartay DFS kuna saabsan Markabka hubka siday ee SEA World oo maalmo ka hor ay gacanta ku dhigeen...
23/07/2025

War saxaafadeed ay soo saartay DFS kuna saabsan Markabka hubka siday ee SEA World oo maalmo ka hor ay gacanta ku dhigeen Ciidamadda Badda Puntland.

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ku bahoobay Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF) ayaa si rasmi ah u...
19/07/2025

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ku bahoobay Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.
Shirka inta uusan furmin ka hor ayaa Wasiir Fiqi wax laga waydiiyay xaaladda markabka ay qabatay Puntland, laakin Wasiirka waa ka gaansaday.
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shirka furay, ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajeynayso in la hirgeliyo himilooyinka ururka EASF, isagoo uga mahadceliyay waddamada taageera Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka caawiya dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Markab ku cilladoobay biyaha Soomaaliya ayay Ciidamada badda Puntland ka qabteen meel ku dhow Raas Caseyr, markabkan oo ...
19/07/2025

Markab ku cilladoobay biyaha Soomaaliya ayay Ciidamada badda Puntland ka qabteen meel ku dhow Raas Caseyr, markabkan oo uu ka babanayay calanka dalka Turkiga ayaa siday shixnad ciidan oo badan. Shixnadaha ayaa waxaa ka mid ahaa gawaarida gaashaaman ee loo yaqaanno (BMC Vuran)oo ah nooca loo yaqaanno Otokar Cobra II iyo BMC,iyo sidoo kale baabuurta dab damiska iyo qalab kale oo taageero ah.
Markabkan ayaa la sheegay inuu ka soo ambabaxay dalka Turkiga isagoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hubkii fududaa ee saarnaa markabka. lala dagay.

Address

Mogadishu Mall, Hamar Wayne
Mogadishu
10504

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahan Media tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sahan Media tv:

Share