Sahan Media tv

09/06/2026

Shariif Xasan oo sharuudo ku xiray tartanka Koonfur Galbeed .

Laakin Guddiga Doorashooyinka ayaa Difaacay Hannaanka Doorashada Koonfur Galbeed. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ka jawaabay cabashooyin ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah musharraxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha Dawlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo faahfaahin ka bixiyay amniga, dhexdhexaadnimada iyo habraacyada codbixinta.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray Talaadadii ayuu ku sheegay in amniga goobta doorashada uu si buuxda u sugayo GMDQS, isla markaana loo diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka madaxbannaan dhammaan musharraxiinta tartanka ku jira, si waafaqsan qodobka 79-aad ee sharciga doorashooyinka.

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in goobta doorashada loo diyaariyay si dhexdhexaadnimo leh, ayna u siman tahay dhammaan musharraxiinta, isagoo xusay in arrintaasi waafaqsan tahay qodobka 74-aad, farqaddiisa labaad ee sharciga doorashooyinka.

Dhanka kale, GMDQS ayaa xildhibaannada codkooda dhiibanaya ku wargeliyay in aan la oggolayn in taleefannada gacanta ama qalab kale oo la mid ah lala galo goobta codbixinta, si loo ilaaliyo qarsoodiga codka.

Guddigu wuxuu sheegay in tallaabadaasi ku salaysan tahay qodobada 3-aad iyo 56-aad ee Sharciga Doorashooyinka Lr. 28-2024, kuwaas oo dammaanad qaadaya in codbixintu u dhacdo si qarsoodi ah.

Sahan Media Baydhabo: Madaxweynihii h**e ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo wiil uu dhalay Guddoomiyihi...
09/06/2026

Sahan Media Baydhabo: Madaxweynihii h**e ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo wiil uu dhalay Guddoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdicasiia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ka hareen tartanka madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa go’aankooda ku sababeeyay walaac ay ka muujiyeen hannaanka doorashada, iyagoo sidoo kale soo jeediyay eedeymo la xiriira musuq-maasuq iyo cadaadis siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara natiijada doorashada.

Shir jaraa’id oo ay qabteen, ayay ku sheegeen in ay muddo dheer dulqaad u muujinayeen habraacyada doorashada, balse ay ugu dambeyn u arkeen in aanay jirin dammaanad lagu heli karo doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaan rabnaa doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo. Haddii aysan jirin hannaan caddaalad ah, way adkaanaysaa in natiijada la aqbalo,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Waxa uu sidoo kale dhaliilay habraacyo la sheegay in xildhibaannada lagu farayo inay sawirro ka qaadaan codkooda iyo aqoonsiyadooda, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawaceysa qarsoodiga codbixinta iyo madaxbannaanida xildhibaannada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in cabashooyin rasmi ah loo gudbiyay guddiga doorashada, balse aysan jirin awood muuqata oo ay ku xallin karaan tabashooyinka la soo bandhigay.

Dhanka kale, warar siyaasadeed ayaa sheegaya in eedeymaha ugu culus ay mucaaradku u jeedinayaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inuu adeegsanayo saameyn siyaasadeed iyo taageero dowladda dhexe si uu u saameeyo geeddi-socodka doorashada.

Ilaa hadda, ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday Sheekh Aadan Madoobe ama guddiga doorashada oo ku saabsan eedeymahaas.

Iska hubi cutubka 5aad ee Dastuurka khaasatan maqaamka iyo matalaadda Gobolka Banaadir.
09/06/2026

Iska hubi cutubka 5aad ee Dastuurka khaasatan maqaamka iyo matalaadda Gobolka Banaadir.

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Soomaali ah ayaan ka qeyb geli doonin Koobka Adduunka ka dib markii loo diiday inu...
09/06/2026

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Soomaali ah ayaan ka qeyb geli doonin Koobka Adduunka ka dib markii loo diiday inuu galo Mareykanka, FIFA ayaa xaqiijisay Isniintii.

Markii wax laga weydiiyay kiiska Cartan, af hayeenka Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka ayaa CNN u sheegay inuu maray kormeer dheeri ah markii uu yimid Miami ka dib duulimaad ka yimid Istanbul.

“Intii lagu guda jiray howsha, socotada ayuu maray kormeer dheeri ah, waana qayb caadi ah oo ka mid ah nidaamka baarista CBP marka saraakiisha ay u baahan yihiin inay xaqiijiyaan macluumaadka ama go’aamiyaan ogolaanshaha,” afhayeenku wuxuu yiri. “Kadib kormeerka, socdaalka, garsooraha Koobka Adduunka ee FIFA, waxaa la go’aamiyay inaan la aqbali karin sababo la xiriira walaac dheeri ah waana loo diiday inuu galo.”

Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Aadan (Omar Artan), ayaa laga hor istaagay inuu galo Mareykanka maalmo un ka hor bilaabashada Koobka Adduunka ee 2026, inkastoo uu watay fiiso sax ah, sida ay baahiyeen warbaahinta caalamiga ah.

Artan, oo loo aqoonsaday Garsooraha Afrika ee Sanadka 2025 isla markaana ka mid ahaa toddobada garsoore ee Afrika u matali lahaa tartanka, ayaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhex dhexaadiya ciyaaraha Koobka Adduunka.

Wararku waxay sheegayaan in markii uu gaaray Mareykanka loo diiday gelitaanka dalka, kaddibna dib loogu celiyay Turkiga.
Kheyre aya ka hadlay kiiska Garsoore Cumar Cartan, kuna baaqay in xal degdeg ah la helo.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda
ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay xiriirro iyo wada-hadallo la leedahay dhinacyada ay khusayso arrintan, si loo fududeeyo ka qeybgalka Cartan ee munaasabadaha iyo tartamada caalamiga ah ee uu u xilsaaran yahay.

Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay wararka sheegaya in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan uu seegi karo ka qaybgalka Koobka Adduunka 2026 sababo la xiriira arrimo dhanka fiisaha ah.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu Kheyre ku tilmaamay Cartan inuu yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan Afrika iyo dunidaba, isagoo xusay in heerka uu gaaray uu ku yimid karti, dadaal, xirfad iyo daacadnimo uu muddo dheer soo muujinayay.

Maxaa ka jira kala Shakiga mucaaradka dhexdiisa ah? Raisul Wasaarihii h**e Xasan Cali Kheyre iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wad...
08/06/2026

Maxaa ka jira kala Shakiga mucaaradka dhexdiisa ah?

Raisul Wasaarihii h**e Xasan Cali Kheyre iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa la kulmay Taliye ku Xigeenka Sirdoonka Turkiga waxayna ka codsadeen in shirka wadahadalka doorashada lagu koobo Dowladda Federalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Wafdiga Turkiga waxey u sheegen, Farmaajo in uu yahay Madaxweynahii ugu dambeeyay ee dalka lagana reebi karin wada-hadalka.

Turkiga ayaa ku sheegay in Soomaliya lahayn xisbiyo la isku raacsan yahay , wexeyna Kheyre iyo Abdirahman u sheegen in Farmaajo shirka lagu daro ay codsaden Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Siciid Deni.

Kheyre iyo Abdirahman oo la kulmay Sheekh Shariif ayaa u sheegay in ey ka xumadeen in
Farmaajo shirka dhanka mucaaradka uu hogaamiyo iyo inuu isaga shir jara'id la qabto halka Madasha Samatabixinta uuka diiday.

Geesta kale warar aan la hubin ayaa sheegay in Xasan Sheekh go ansaday inuusan shir dambe gaar ugu casuumin Golle Mustaqbal.

Guddiyo farsamamo ayaa dhawaan wada-hadal yeelanaya, waxayna ka doodayan heshiiska doorashada iyo nooca doorashada.

Madaxweyne Xasan sheekh ma ogolaaday martiqaadkii madaxweyne Farmaajo? Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Cabdulla...
08/06/2026

Madaxweyne Xasan sheekh ma ogolaaday martiqaadkii madaxweyne Farmaajo?

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto kulan ay yeeshaan Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynayaashii h**e, si xal siyaasadeed loogu helo khilaafka sii xoogeysanaya ee dalka ka taagan.

Farmaajo ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu martiqaadayo Xasan Sheekh Maxamuud kulan ka dhaca hoygiisa, kaas oo uu sheegay in looga hadli doono arrimaha doorashooyinka, amniga iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isagoo ku dooday in murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo maamulka dalka ay saameyn ku yeesheen amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Waxa uu ku dooday in Somaliland ay sii fogaatay, halka Puntland uu sheegay in ay taagan tahay meel walaac leh iyadoo sugaysa jihada siyaasadeed ee dowladda dhexe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay weli ka taagan yihiin muranno siyaasadeed oo u baahan xal wadatashi ku dhisan.

Xasan ma ogolaaday martiqaadka?

ila socodsii

Milateriga ayaa sheegay in ciidamada cirka ay soo afjareen "weerar ballaaran oo ka dhan ah nidaamyada difaaca istiraatii...
08/06/2026

Milateriga ayaa sheegay in ciidamada cirka ay soo afjareen "weerar ballaaran oo ka dhan ah nidaamyada difaaca istiraatiijiga ah" ee Iran.

Daraasiin diyaaradood oo kuwa dagaalka ah – oo ay hagayeen agaasinka sirdoonka – ayaa ka qeyb qaatay duqeymaha cirka, ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in la bartilmaameedsaday habab difaac oo dhawaan la geeyay meelo kala duwan oo Iran ah.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay subaxnimadii h**e ee Isniintii in ay weerarro ku qaadeen saldhigyada Nevatim iyo Tel Nof ee Israa’iil iyaga oo ka jawaabaya weerarrada cirka ee Israa’iil habeenimadii xalay lagu qaaday goobaha raadaarka ee dalka Iiraan. Wax yar ka dib, ciidamada Israa'iil waxay sheegeen inay ogaadeen gantaallo cusub oo laga soo riday Iran.

Dalka Yemen, Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa sheegay in ay rasaas ku fureen Israa'iil, waxayna ku dhawaaqeen inay mamnuuci doonaan socdaalka badda ee Israa'iil ee badda cas.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay maalintii Axadda iyadoo ciidamada Iran ay mowjado gantaallo ah ku qaadeen waqooyiga Israa’iil, weerarkaas oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii ay heshiis xabad joojin ah la galeen Maraykanka iyo Israa’iil bishii April, taasoo ay uga aargoosanayeen weerarrada Israa’iil ay ku qaadday magaalada Beyruut ee ku taalla koonfurta dalkaas.

Ciidamo katirsan Birmadka Booliska Puntland ayaa maanta xirtay Xerada 54aad iyo qaybo kamid ah waddooyinka hawlbalaha ah...
07/06/2026

Ciidamo katirsan Birmadka Booliska Puntland ayaa maanta xirtay Xerada 54aad iyo qaybo kamid ah waddooyinka hawlbalaha ah ee ku yaala bartaha Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Ciidamadaan oo dhawaan tababar ku soo qaatay kulliyadda tababarada Magaalada Carmo ee gobolka Bari ayaa saaka sheegay inay ka gedoodsan yihiin daryeel la’aan iyo mushahar kaga maqan dowladda Puntland.

Qaar kamid ah ciidanka ayaa xirtay buundada cusub, Cisbitalka Weyn iyo agagaarka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland, iyagoo ridey rasaas badan oo ay cirka u rideen.

Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Garoowe ayaa cabasho xooggan ka muujiyey ciidankaan oo ay sheegeen inay ka dheceen, Dahab, Qaad iyo agab kale, iyagoo ugu dambayn ka baxay aaggii ay joogeen subaxnimadii h**e ee saaka.

11 tekniko ah oo kabaxsaday baaritaanidii hubka ayaa goor dhaw gaaray tuulada Caddow-uul oo ka tirsan Gobolka Shabeellah...
07/06/2026

11 tekniko ah oo kabaxsaday baaritaanidii hubka ayaa goor dhaw gaaray tuulada Caddow-uul oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ujeedadoodu maxay tahay?

Fakarkaaga nala wadaag.

Maraykanka oo fiisaha u diiday cayaartoyda Iran.Mareykanka oo ka mid ah saddexda dal ee martigelinaya Koobka Adduunka 20...
06/06/2026

Maraykanka oo fiisaha u diiday cayaartoyda Iran.

Mareykanka oo ka mid ah saddexda dal ee martigelinaya Koobka Adduunka 2026, ayaa u diiday fiisaha 15 xubnood oo ka tirsan wafdiga Iran, sida uu Sabtidii sheegay TV-ga Qaranka.

“Waxaa la siiyay fiisaha xulka qaranka iyo shaqaalaha farsamada, waxaana jira 15 xubnood kale oo maamulka, kuwaas oo fiisahooda ay dhibaato ku qabaan, mana aysan bixinin Mareykanka,” ayuu yiri wariye ka tirsan Telefishinka Qaranka oo ka yimid magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasoo kooxdu ay tababar ku qaadanayso.

Address

Mogadishu Mall, Hamar Wayne
Mogadishu
10504

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahan Media tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sahan Media tv:

Share