Bustaale channel

Bustaale channel Page Kala Soco Warar Iyo Sheekooyin Xiiso Gaara Xambaarsan Guud Ahaan Dhulka Somalida Oo nugu soobir

23/07/2025

10 qof ayaa gaajo ugu geeriyootay marinka Qasa ee go’doonka ku jira 24-kii saac ee la soo dhaafay,taasoo kor u qaadday tirada guud ee dadka gaajada u dhintay oo gaartay 111 qof, sida uu maanta shaaca ka qaaday xafiiska caafimaadka ee marinka Qasa.

23/07/2025

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaan ka laba-labayn inuu si cad u sheego Iiraan inay sii wadayso taageerrada ururrada ay taageerto ee bariga dhexe , inta uu ku jiray waraysi uu siiyay telefishinka Mareykanka ka soo baxa ee Fox News , isagoo yiri ; “ Iiraan waxay sii wadi doontaa taageerada ay siiso Xisbiga, Xams iyo Xuutiga..Inta ay u taagan yihiin dalabkooda xaqa ah, waan garab taaganahay—Waa halgameyaal xorriyad doon ah. Waxay u dagaallamayaan dalkooda hooyo. Waxay u taagan yihiin arrin si buuxda sharci u ah."

22/07/2025

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa maanta sheegay iskuday kasta oo lagu kala qeybinayo Suuriya , inay u arkaan khatar ka dhan ah Turkiga ,wuxuuna xusay in haddii ay sidaas dhacdo ay si toos ah u faragelin doonaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

22/07/2025

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan,Abbas Araghchi ayaa wareysi gaar ah oo maanta uu siiyay Fox News ku sheegay in dalkiisu marnaba ka tanaasuli doonin barnaamijkiisa bacriminta nukliyeerka, xitaa kaddib weerarradii Maraykanka iyo IsrIl ay ku qaadeen xarumaha nukliyeerka Iiraan bishii June 2025.

Araghchi wuxuu caddeeyay: “Bacriminta uranium-ku waa guul uu dalkaygu gaaray. Ma aha oo keliya teknoolojiyad, waa astaan qaran iyo sharaf. Marnaba k**a tanaasuli doonno.”

21/07/2025

IsrIl ayaa doonaysa inay taageerro dheeraad ah siiso kooxaha Duruuska ee ka dagaallamaya koonfurta Suuriya ,sida ay sheegtay warbaahinta rasmi ah IsrIl ee Kan news.

Hadalkan, waxaa xigay wasiirka warfaafinta Suuriya oo la hadlay Sky News ; “ Dhulkeenna gorgortan k**a galeynayo midnimadiisa , cid kasta oo iskudayda kala qeybintiisa ma daawan doono … waxaan leenahay iimaan iyo karti aan dhulkeenna ku ilaalino.”

21/07/2025

Ruushka ayaa markii u horreysay soo bandhigay warshad gaar ah oo soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Shahed‑136 oo ay Iiraan soo saarto, balse hadda gudaha Ruushka ayaa lagu sameynaya diyaaradahan oo leh nidaamyo hagid sax ah oo lagu xiray dayax-gacmeedka, taa oo awood u siinaysa inay si sax ah u garaacaan bartilmaameedka, iyagoo ka leexanaya nidaamyada difaaca. Soo bandhigista warshadan waxay ku soo aadday xilli saraakiisha Yurub ay shaaca ka qaadeen inuu Ruushka diyaarinayo weerarro ballaaran oo maalintii u adeegsanayo labo kun oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo uu ka fuliyo gudaha Ukraine, weerarro looga danleeyahay in Ukraine loo beddelo dhul aan lagu noolaan karin..!

18/07/2025

Fallanqeynta baraha bulshada ayaa xalay ku khasabtay Aqalka cad ee Mareykanka inuu qiro Trump inuu wajahayo xaalad caafimaad oo ka dhalata inaysan xididdada jirkiisa si toos ah u geyn karin wadnaha, iyagoo ku dhacaya lugaha ka hor inta aysan gaarin wadnaha, taa oo jirta dhakhtarka Aqalka cad wuxuu ku sheegay xaaladda Trump mid wanaagsan oo aan saameyn ku yeelanayn hoggaamintiisa Mareykanka.

17/07/2025

Shabakadda NBC News, ayaa maanta ku warrantay inuu Trump diiday qorshe lagu doonayay inuu Mareykanka duullaan ballaaraan oo meelmo socda ku qaado Iiraan, intii lagu jiray dagaalkii 12 maalin socday, isagoo ka fogaanayay dagaal furan oo gobolka bariga dhexe uu galo.

17/07/2025

Wadahadallo saddex-geesood ah oo ay yeesheen: Turkiga, Mareykanka iyo IsrIl ayaa lagu joojiyay dagaallada dib uga qarxay Suuriya iyo faragelinta IsrIL, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.

16/07/2025

Wasiirka qurba-joogta IsrIL, Amichai Chikli ayaa si cad ugu baaqay in la dilo Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac , isagoo ka falcelinaya dagaallada ka socda koonfurta Suuriya ee lagu burburiyay kooxaha Duruuska ay taageerto IsrIL, markaa oo madaxweynaha Suuriya uu ku tilmaamay mid xasuuqaya bulshada Duruuska!

14/07/2025

Kuuriyada Waqooyi , haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay iskudayaan inay qaadaan tallaabooyin ay ku faragelinayaan, kaddib markii Mareykanka uu billaabay inuu sare u qaado dhoolatuska nukliyeerka ee lagu sameynayo xadka Kuuriyada waqooyi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda.

14/07/2025

Mid ka mid ah taangiyada ciidanka Suuriya, ayaa maanta u gudbay dhinaca dhulka ay IsrIl heysato, taa oo keentay diyaaradaha dagaalka IsrIl in deg deg loo kiciyo , kuwaasoo gantaallo ku garaacay taangiga, sida uu ku warramay telefishinka IsrIL ka soo baxa ee Channel 12.

Ma jiro dhinaca Suuriya , hadal ka soo baxay oo looga hadlay taangigan iskudayay inuu gudaha u galo xarumaha milatari ee IsrIl — sidoo kale ma cadda haddii taangigan la doonayay inuu weerarro ka fuliyo saldhigyadaa.

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bustaale channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bustaale channel:

Share