Mazin Yusuf.

Mazin Yusuf. Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mazin Yusuf., Social Media Agency, Mogadishu.

03/08/2025

Waalidku ha ogaado, marka uu ilmuhu idin fiiriyo, idiinma arko oo kaliya dad waaweyn—wuxuu idiin arkaa macnaha jacaylka, karaamada, iyo caddaaladda. Idinku waxaad tihiin tusaalaha koowaad ee uu ku fahmayo nolosha. Noqda sida uu jeclaan lahaa inuu u ekaado marka uu weynaado.

Marka hooyadu tiraahdo "Waan ka xumahay", gabadhu waxay baranaysaa qiimaha raalligelinta. Marka aabuhu dejiyo xanaaqa halkii uu qaylin lahaa, wiilka yar wuxuu baranayaa in raganimadu aysan ahayn cod weyn, balse ay ku jirto xasilloonida iyo dulqaadka.

Noqda tusaalaha uu ilmuhu jeclaan lahaa inuu ku daydo marka uu isna aabbe ama hooyo noqdo mustaqbalka. Haddii tarbiyadu tahay fariin, idinku waxaad tihiin tuducyadeeda aan marnaba la illoobin.

07/07/2025

Ilaahay wuxuu kuu diidaa masiibooyinka ama nasiib xumada isagoo kugu sababi kara arrimo ay ka mid yihiin:

baabuurkaaga oo jaba ama istaaga,kuunq shaqeyn waaya,Inaad Hurdada ku daahdo ,dib u dhacna kugu timaado,Cudur kugu dhaca,oo aad mudo ka kici wayso,Marti lama filaan ah oo kuu timaada oo kaa hor istaagta in aad guriga ka baxdo,howlo kale oo aad qabsan lahaydna sidaas u baajiso,ama uga habsaanto,Guur kaa soo daaha,Shaqo aan lagaa aqbalin,muddo dheerna shaqa la'aan tahay,Caruurta oo kaasoo raagta.

iyo waxyaabo kale oo badan oo Ilaahay kuu hayo dantooda oo aadan fahmin hadda...

Xasuuso oo keliya:

Haddii uu Ilaahay kuu furo waxa qarsoon (qorshihiisa iyo waxyaabaha uu kaa qariyay), waxaad sujuudi lahayd sujuud mahadnaq ah adigoo ogaanaya in waxa uu kaa celiyay ay ahaayeen wax shar kuu noqon lahaa.

Hadaba aynu ku kalsoonaano qadarka iyo dhacdooyiinka alle inoo dooray,waayo isaga ayaa ah qorsheeyaha dhabta ah ee nolosha.

Ninkaan ma ahan qof dariiqyada seexda ama waalan, ee waa Dr. Mahdi — dhakhtar qalliin oo u dhashay dalka Ciraaq.Sanadkii...
19/06/2025

Ninkaan ma ahan qof dariiqyada seexda ama waalan, ee waa Dr. Mahdi — dhakhtar qalliin oo u dhashay dalka Ciraaq.

Sanadkii 1995 ayuu Dr. Mahdi qalliin ku sameeyay hooyadiis, balse nasiib darro waxay ku geeriyootay gacantiisa inta uu qalliinka ku jiray .Wuu u qaadan waayay dhacdadaas oo waxaa ku dhacay niyad-jab iyo murugo weyn.

Mar walba dadka xaafadda waxay ku arkaan isagoo waddooyinka wareegaya, kuna qoraya derbiyada: (Waan ku jeclahay Hooyo, i cafi).

Hooyo waa nimco weyn oo aan la dareemin ilaa laga waayo. Ilaahay ha u naxariisto dhammaan hooyooyinkeenii naga geeriyooday, ha barakeeyo caafimaadkooda iyo cimrigooda, hana geeyo Jannatul Firdowsa Aamiin Ya Rabbal Caalamiin.

Mazin Yusuf.

18/06/2025

Ka digtoonoow Daryeel La'aanta Waayeelka!

– Waayeelku waa dad laga yaabo in ay sariirta jiiftaan laakin aysan hurdo helin, qoslaan laakin aysan farxad dareemin, kana ooyaan gudaha oo dhoola caddeyn ku qariyaan.

– Waayeelka: Waxa aad u dhaawaca marka aad ka fogaato, aad ka kacdo agtooda, ama aad mashquul ku noqoto taleefoonkaaga intaad hor fadhido.

– Waayeelka: Baahidooda k**a koobna cunto, cabitaan, dhar ama daawo – waxa ay u baahan yihiin wax ka sarreeya oo qiimo badan. Ma idinku jiraa qof garanaya?

– Waayeelka: Waa dad Ilaahay u dhow, ducadoodana waa laga aqbalaa – ka faa’iidayso inta aysan fursadu dhammaan.

– Waayeelka: Waxay waayeen waalidkood iyo saaxiibadood. Quluubtoodu way dhaawacantahay, naftoodana waxaa ku jira xasuuso badan oo murugo leh.

– Waayeelka: Ereygii aan dhibin markii ay xooga lahaayeen maanta wuu dhaawacayaa, kii dhaawacana maanta wuu dili karaa!!

– Waayeelka: Waxay la ildaran yihiin xanuuno fara badan– waxa ay u baahan yihiin dad damiir leh oo qalbi naxariis leh oo buuxin kara garabkooda.

– Waayeelka: Waxay u baahan yihiin qof dhagaysta hadalkooda, la dhoola caddeeya, farxadna u muujiya ag joogitaankooda.

– Waayeelka: Waqtigii nolosha farxadda waxay uga tageen guriga, waxayna fadhiyan hoolka sugitaanka safarka aakhiro – waxa ay sugayaan wacitaanka Rabbigooda si ay ugu hoggaansamaan.

– Waayeelka: Waxay u baahan yihiin dhoolla-caddayn wajigooda ku beeganta, hadal macaan oo dhegahooda ku dhaca, iyo gacan naxariis leh oo garab istaagta.

DARYEEL WAAYEELKA.

18/06/2025

"In la kala aragti duwanaado micnaheedu ma aha in la is aflagaadeeyo ama la is caayo."

Kala duwanaanshaha aragtida waa astaan caafimaad qabta oo muujinaysa in bulshadeennu ay cafimaad qabto, dadkuna ay leeyihiin xorriyad fikir iyo dood. Waa wax dabiici ah in aan isku raaci karin arrin kasta, balse muhiimadu waxay tahay sida aan iskula dhaqanno marka aan kala aragti nahay.

Sax ma aha, marnaba, in kala duwanaanshahaas loo beddelo nacayb, aflagaado ama meel-ka-dhac shakhsiyeed. Qofka laguma qiimeeyo fikirkiisa oo keliya, balse waxaa lagu qiimeeyaa anshaxa iyo sida uu u ixtiraamo dadka kale, xitaa kuwa u aragti duwan.

Diinteenna Islaamka waxay ina baraysaa in la ixtiraamo dadka, xataa kuwa aan ra’yiga wadaagin. Nabigeennu (NNKH) wuxuu ahaa mid dulqaad badan, af wanaagsan marka uu hadlayo, kana fog hadal gef ah, xitaa marka uu la kulmo kuwa ka soo horjeeda.

Dhaqankeennuna boos kuma lahan caayda, wuxuuna ku salaysan yahay ismaqal, isxushmayn iyo isu tanaasul.

Ha noqoto arimo siyaasad mid bulsho, ama arrin kale — aynu baranno in aan u doodno si xushmad leh, aan ku baraarugno in kala aragti duwanaanshuhu uu kobcin karo aqoonteenna iyo wada-noolaanshaheenna. Aflagaado iyo cay micno ma leh; balse doodaha furan iyo is ixtiraamku waxay horseedaan isfahan iyo horumar.

Mazin Yusuf.

01/06/2025

Isbeddelka Hoggaanka NISA: Maxaa laga Filan Karaa Mahad Salaad?

Saaka waxaa la filayaa in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyadoo xilka laga qaadayo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), lana filayo in dib loogu magacaabo Mahad Maxamed Salaad. Tani waxay ka dhigan tahay dib-u-habeyn amni iyo mid siyaasadeed oo laga wado gudaha dowladda Federaalka, iyadoo la doonayo in la xoojiyo la dagaallanka khataraha gudaha iyo sidii hay’adda NISA looga dhigi lahaa mid si buuxda u shaqeysa.

Sanbaloolshe, oo xilkan hayay muddo kooban, ayaa lagu xusuusan karaa isku dayo lagu mideynayo hay’adaha amniga iyo in uu xoogga saaray xiriirka ciidamada iyo sirdoonka. Inkasta oo howshiisu aanay aheyn mid muddo dheer lagu miisaami karo, haddana waxqabadkiisa wuxuu qeyb ka ahaa dadaallada dowladda ee amniga.

Mahad Salaad oo xilkan horay u soo qabtay, haddana lagu wado inuu dib ula wareego, waa siyaasi aad ugu dhow Madaxweynaha, islamarkaana leh khibrad xagga sirdoonka, xiriirka caalamiga ah, iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed. Soo laabashadiisu waxay imaaneysaa xilli muhiim ah oo la doonayo in NISA laga dhigo hay’ad awood u leh in ay si wax ku ool ah ula dagaallanto argagixisada, islamarkaana sare u qaadda kalsoonida shacabka iyo wada shaqeynta hay’adaha kale ee ammaanka.

Isbeddelkan wuxuu muujinayaa in dowladdu ay sii wado dib u habeynta hay’adaha muhiimka ah si ay ula jaanqaaddo baahiyaha dhabta ah ee amni iyo dowladnimo. Waxaa la is weydiin karaa — Mahad Salaad muxuu markan kusoo kordhin doonaa, maxaase la filan karaa?



31/05/2025

Dowladnimadu waa ineey tahay mid Danta Dadweynaha U Hiilineysa.

Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye, burbur dowladeed, dhibaatooyin amni iyo dhaqaale, waxay u baahan tahay dowladnimo dhab ah oo u adeegta shacabka. Dowladnimada la rabo ma ahan mid astaan u ah siyaasiga kursiga jooga, balse waa nidaam u taagan ilaalinta danta guud, xaqsoorka, iyo horumarinta nolosha bulshada.

Dowladnimo waa nidaamka maamulka ee bulshada u oggolaanaya in la helo kala dambeyn, sharci, adeegyo dadweyne, iyo xasilooni siyaasadeed. Dowlad dhab ah waxay tahay mid ka turjumeysa rabitaanka shacabka, ilaalinaysa xuquuqda muwaadiniinta, kana shaqeysa horumarka guud ee dalka.

Mararka qaar, siyaasiyiintu waxay isku dayaan inay dowladnimada ka dhigaan adeeg gaar u ah iyaga ama kooxo gaar ah. Taasi waxay dhalisaa kalsooni darro, musuqmaasuq, iyo kala tag bulsho. Si taas looga hortago, waxaa lama huraan ah in la dhiso nidaam dowladeed oo ka madax bannaan damaca shaqsiyaadka, kana tarjumaya baahida dadweynaha.

Dowladnimadeena Waxaa ka maqan isla xisaabtan dhab ah,Adeegyada dowladeed ayaa ah kuwo xadidan ama aan jirin,Xukuumaduhu badanaa ma helaan kalsoonida shacabka,
Qabyaalad iyo dano gaar ah ayaa hadheeya hannaanka siyaasadeed.

Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan karti leh ,oo leh aragti fog, daacadnimo, iyo nafhurnimo.

Dastuur sugan, cadaalad waarta, iyo ciidan qaran oo ilaalinaya shacabka waa tiirarka dowladnimada,Dadweynaha waa in la siiyo cod iyo kaalmo toos ah oo ay ku hagaan maamulka dalkooda.

Dhallinyaradu waa laf-dhabarka dalka. Haddii ay si firfircoon uga qaybqaataan siyaasadda, wacyigelinta, iyo hal-abuurka horumarineed, waxaa suurtagal ah in la helo dowlad si dhab ah ugu adeegta dadka. Aqoon-yahanka iyo bulshada rayidka ahna waa inay noqdaan indhaha iyo codka shacabka.

Gunaanad

Dowladnimada Soomaaliya u baahan tahay maanta waa mid shacabku leeyahay, u adeegsata awoodda si ay noloshooda u wanaajiso, una gaarsiiso horumar iyo nabad waarta. Maaha in kursigu noqdo meel dano gaar ah laga fushado, balse waa in uu noqdaa goob lagu ilaaliyo danta guud. Taasi waa waddada kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto midnimo, xasillooni, iyo horumar.




25/05/2025

Khaladka ugu weyn ee uu qofku gali karo waa inuu aamino in noloshu ay tahay mid fudud ama ay jirto caddaalad. Dunidan wax dammaanad ah k**a jiro, mana jiro sharci oranaya bini’aadamku khasab ayey ku tahay inuu farxad ku jiro waligiis. Taas beddelkeeda, noloshu waxay leedahay rafaad iyo dhibaatooyin badan, waana masrax lagu tijaabiyo dulqaadka iyo adkeysiga qofka.

Qofka fahma xaqiiqdan ma niyad-jabo marka uu la kulmo dhibaatooyin, maxaa yeelay wuu ogyahay in noloshu tahay taxane imtixaan ah. Qofka caaqilka ah ma raadiyo caddaalad buuxda balse wuxuu raadiyaa xikmad uu kaga adkaado adeega nolosha...!

14/05/2025

Bani’aadamku waa akhlaaq! Haddii akhlaaqdu lunto, waxba ma hadhaan.

12/05/2025

Professor ayaa ardaydiisa u sharxayay suuq-geynta isagoo tusaalooyin ka bixinaya xaaladaha suuqa qaab kaftan ah ayaa yiri

1. Waxaad xaflad ku aragtay gabar qurux badan, waxaana ku tiri: "Anigu waxaan ahay nin maal-qabeen ah, ma is guursanaa."
Tani waa suuq-geyn toos ah (direct marketing).

2. Waxaad xaflad ku aragtay gabar qurux badan, markaasaa saaxiibkaa u tagay gabadhii oo uu ku yiri: "Kani waa nin maal-qabeen ah, guurso."
Tani waa xayeysiin (advertising).

3. Gabar qurux badan ayaa kuu timid iyadoo ku leh: "Adigu taajir ayaad tahay, ee i guurso!"
Tani waa aqoonsiga calaamadda shirkadda (brand recognition).

4. Adigaa u tagay gabar oo ku tiri: "Anigu waxaan ahay taajir,ma is guursanaa," waxay kugu dhufatay dharbaaxo .
Tani waa jawaabta macaamilka (customer feedback).

5. Waxaad aaday dhanka gabadha, intaadan hadlin nin kale ayaa ku hor yimid oo yiri: "Anigu waxaan ahay taajir, ma is guursanaa."
Tani waa tartanka suuqa (competition).

6. Adigaa u bandhigay guur gabar, markaasay ku tiri: "Waan ku faraxsanahay, laakiin waa kan seygeyga!"
Tani waa farqiga u dhexeeya dalabka iyo sahayda (supply and demand gap).

7. Waxaad aaday dhanka gabadha si aad ula hadasho, intaadan waxba dhihin waxaa yimid ninkeedii
Tani waa xannibaadaha kaa hor istaaga gelitaanka suuqyo cusub.

Shekadaan funny iyo cilmi isku dhafan waye Bisle Ruppetti madaxaaga alle haka shubo eebow😅

06/05/2025

"Ugu dambeyn adiga waad tegi doontaa ood dhiman doontaa, laakiin erayadaada iyo hadalkaada ayaa haraya
Sidaas darteed ha oran wax aan kheyr iyo wanaag ahayn."

Mazin Yusuf.

06/05/2025

"Inaad wanaajiso qof ku wanaajiyey waa wax ay dadkoo dhami awoodaan,
laakiin inaad wanaajiso qof ku xumeeyay taas waxaa samayn kara oo kaliya dadka wax galka ah."

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mazin Yusuf. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share