21/09/2026
Iran ayaa digniin adag ka soo saartay suurtagalnimada in Mareykanku dib u bilaabo weerarrada milatari, iyadoo sheegtay in tallaabo noocaas ah ay horseedi karto weerarro joogto ah oo lagu qaado saldhigyada iyo danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Taliska Dhexe ee Militariga Iran, oo loo yaqaan Khatam al-Anbiya Central Headquarters, ayaa sheegay in ay heleen xog muujinaysa in Washington, iyadoo taageero ka helaysa qaar ka mid ah dalalka gobolka, ay qorshaynayso in ay dib u bilowdo hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Iran.
Iran ayaa sidoo kale sheegtay in haddii weerar cusub lagu soo qaado dhulkeeda, jawaabteedu ay noqon doonto mid muddo socota oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada iyo danaha Mareykanka ee gobolka. Tehran waxay intaas ku dartay in dal kasta oo u oggolaada Mareykanka in dhulkiisa ama xarumihiisa loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran loo tixgelin doono qayb ka mid ah colaadda, isla markaana uu wajihi karo jawaab milatari.
Digniintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah dalalka Khaliijka iyo dalalka kale ee gobolka ee martigeliya ciidamada ama xarumaha milatari ee Mareykanka, oo ay ka mid yihiin Bahrain, Kuwait, Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Jordan.
Si kastaba, Iran ma aysan soo bandhigin liis rasmi ah oo ah dalalka ay si gaar ah u bartilmaameedsanayso.
Kulankii milatari ee Jarmalka
Digniinta Tehran waxay ku soo beegmaysaa kadib warbixinno sheegay in saraakiil sare oo milatari oo ka kala socday Mareykanka, Israel iyo dhowr dal oo Carbeed ay kulan qarsoodi ah ku yeesheen Jarmalka.
Axios ayaa h**e u sheegtay in kulanka, oo uu soo qabanqaabiyay taliyaha CENTCOM-ka Mareykanka Admiral Brad Cooper, ay ka qayb galeen saraakiil milatari oo ka kala socday Israel, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Bahrain, Kuwait, Qatar, Jordan iyo Masar. Inkastoo kulanka iyo ka qaybgalka dalalka Carabta aan si rasmi ah loo shaacin.
Iran ayaa u muuqata inay kulankaas la xiriirinayso xogta ay sheegtay ee ku saabsan qorshe Mareykanku ku doonayo inuu dib ugu bilaabo hawlgallada ka dhanka ah Iran.
Iran oo sheegtay inay adeegsan doonto hub iyo bartilmaameedyo cusub
Digniinta ku saabsan saldhigyada Mareykanka ayaa timid iyadoo saraakiisha Iran ay sii kordhinayaan hadallada ku saabsan awoodda ay u leeyihiin inay uga jawaabaan weerar cusub.
Saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in haddii Mareykanku weerar kale soo qaado, Iran ay adeegsan karto hub iyo xeelado ka duwan kuwii h**e. Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale soo xigatay saraakiil sheegay in jawaab cusub ay yeelan karto bartilmaameedyo iyo goobo aan h**e loo weerarin.
Dhanka kale, khilaafka nukliyeerka ayaa isna sii kordhaya. Qaar ka mid ah xildhibaannada Iran ayaa gudbiyay hindise ku saabsan in dalkaasi uu ka baxo Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT).
Tallaabadaasi weli ma ahan ka bixitaan rasmi ah, balse waxay muujinaysaa cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee gudaha Iran.
Xiisadda oo ku fidaysa gobolka
Xiisadda Iran iyo Mareykanka ayaa h**ey u yeelatay saameyn ka baxsan labada dal. Reuters ayaa sheegtay in dagaalka socda uu ku soo beegmay weerarro ay Xuutiyiintu ka fuliyeen gudaha Sacuudiga, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo in colaadda ay ku fido dalal iyo goobaha muhiimka u ah ganacsiga iyo tamarta adduunka.
Mareykanka ayaa dhankiisa soo saaray digniin amni oo ku saabsan suuragalnimada in xaaladdu si lama filaan ah uga sii darto Bariga Dhexe, iyadoo muwaadiniinta Mareykanka loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.
Haddii weerarro cusub ay dhacaan, hanjabaadda Iran ee ku wajahan saldhigyada iyo danaha Mareykanka waxay kordhin kartaa khatarta ah in dagaalku ku fido dalal kale oo gobolka ah.
Waxaase weli aan la xaqiijin in Mareykanku go'aan rasmi ah qaatay oo ku saabsan dib u bilaabidda weerarro cusub, halka dalalka gobolka ee lagu xusay warbixinnada aysan si rasmi ah u shaacin inay oggolaadeen in dhulkooda loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran.