Xogsiiye Media

Xogsiiye Media XOGSIIYE MEDIA waa page ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo Arrimaha Bulshadda

13/05/2023

Maxaa kala qabsaday Shabalaala iyo Ayuub Kaarlo

Dhammaan waxaa xillibaanada laga codsanaayaa Xillibaanada inay soo xaadiraan kulanka maalinta sabtida ah ay yeelanayaan ...
28/04/2021

Dhammaan waxaa xillibaanada laga codsanaayaa Xillibaanada inay soo xaadiraan kulanka maalinta sabtida ah ay yeelanayaan Golaha shacabka.

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa dhaleeceeyay tallaabadii Golaha Shacabka ay muddo xileedka ugu kordhiye...
22/04/2021

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa dhaleeceeyay tallaabadii Golaha Shacabka ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, taasoo dib u dhigeysa doorashooyinka, ayna wiiqeyso midnimada, xasilloonida dalka, geeddi socodka dimoqraadiyadda iyo dastuurka curdunka ah.

Sidoo kale Golaha ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Midowga Afrika inuu magacaabo Ergey Sare oo dhex dhexaadiya dhinacyada isku haya siyaasadda kala shaqeeya si loo gaaro wadar ogol iyo isu tanaasul.

Golfyare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali k...
22/04/2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

22/04/2021

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u h**eysay si cad u muujisay in xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso dalka Jabuuti, iyadoo Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo goordhow la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa uga digay dowladaha Jabuuti iyo Kenya ay Midowga Afrika ka dhex wadaan olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan soo jeedin qodobo ay doonayaan in lagu daro war murtiyeedka la filayo in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ka soo saaraan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Maamulka  Puntland oo go,aan kasoo saaray  Xaaladda Doorashada Soomaaliya.
22/04/2021

Maamulka Puntland oo go,aan kasoo saaray Xaaladda Doorashada Soomaaliya.

20/04/2021

Madaxweynihii H**e ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Caawa ka soo Guuray sida ay iisheegeen ilo Muhiim ah Hooyga uu ka deganaa Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir, gaar ahaan Agagaarka Garoonka Aadan Cadde

  Deg: Ciidanka HARAMCAD ayaa lagu soo daadiyay dhammaan waddooyinka aadda ama ka baxa Garoonka Aadan Cadde, si ay u hor...
20/04/2021

Deg: Ciidanka HARAMCAD ayaa lagu soo daadiyay dhammaan waddooyinka aadda ama ka baxa Garoonka Aadan Cadde, si ay u hor istaagaan Madaxweynayaashii h**e ee dalka Shariif Sh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud oo aagga waddadaas iskaga guuray maalma kahor.

Ciidamada ilaalada u ah labadaas Madadweyne oo si aad ah u habeysan ayeyna xoguhu sheegayaan in ay rabaan in ay xoog ku jiiraan/dar daraan waddooyinkaas iyo Ciidamada lagu soo daadiyay.

20/04/2021

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa goordhow shir albaabada u xiran oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya yeelanaya, iyadoo warbixin looga dhageysanayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo maalmo ka hor gaaray New York.

Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu war murtiyeed soo saaro iyo go’aan ku aadan muddo kordhinta labada sano oo horay dalal dhowr ah oo Mareykanka, UK iyo wadamada Midowga Yurub ka horyimaadeen.

18/04/2021

Genaraal Koronto oo sheegay in jawaab cad laga bixin doono rasaastii lagu furay Generaal Tuuryare.

Sidee u Aragtaa hadalka Koronto

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda galay Air Porka, halkaasoo goordhow diyaarad ay ka qaadi doonto, isaga oo ku sii jeeda ma...
18/04/2021

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda galay Air Porka, halkaasoo goordhow diyaarad ay ka qaadi doonto, isaga oo ku sii jeeda magaalada Kinshasa ee dalka DR Congo.

Waa safarkii u horreeyay oo uu Muqdisho uga ambabixi doono tan iyo markii muddo xileedkiisa uu dhamaaday, halka todobaadkii h**ena golaha Shacabka uu muddo labo sano u kordhiyay, taasoo ka dhalatay cambaareyn iyo diidmo lagala horyimid gudaha iyo dibaddaba.

17/04/2021

Xildhibaan Warsame Joodax intee laguu raacaa mar waxaad taageeraysaa Saadaq Joon Marna dowladda Soomaaliya waqti yar gudihiisa

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogsiiye Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share