11/09/2026
Birmad Production
Dr. Shafie Sharif Mohamed, Agaasimaha Guud ee Somali Researcher Association (SRA), ayaa jeediyay khudbad ku saabsan “Building Somalia’s Researcher Community: Networks, Collaboration and Opportunities” intii uu socday Somalia Research & Innovation Forum (SRIF 2026).
Wuxuu kaga hadlay dhismaha iyo xoojinta bulshada cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed, muhiimadda ay leeyihiin shabakadaha cilmi-baarista, iskaashiga iyo isku-xirka cilmi-baarayaasha, iyo abuurista fursado cusub oo lagu horumarin karo aqoonta iyo cilmi-baarista Soomaaliya.
Dr. Shafie wuxuu madasha la wadaagay aragtiyo iyo khibrad muhiim ah oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta cilmi-baarayaasha iyo hay’adaha cilmi-baarista, loona abuuri lahaa fursado iyo xiriirro waara oo taageera jiilka cusub ee cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed.