HornVoice

HornVoice HornVoice waa warbaahin u hadasha shacabka, una heelan gudbinta codkooda si hufan oo masuuliyadi ku dheehan tahay

Afar Siyaasi Oo Ka Baxay midowga siyaasiinta ee la magac baxay Golaha Samatabixinta.Omar Abdirashiid, Shariif Hasan Shei...
23/08/2025

Afar Siyaasi Oo Ka Baxay midowga siyaasiinta ee la magac baxay Golaha Samatabixinta.

Omar Abdirashiid, Shariif Hasan Sheikh Adan, Daahir Geele iyo Mohamed Mursal ayaa caawa si rasmi ah u xaqiijieyey inay ka baxeen Golaha Samatabixinta.

Waxay ku dhawaaqeen inay xisbi cusub furan doonaan, isla markaana ay taageerayaan siyaasadda Madaxweyne Hasan Sheikh ee doorasho qof iyo cod ah.

Afartan siyaasi oo in muddo ah farta lagu fiiqayay laguna xaglinayey inay u janjeeraan dhinaca siyaasada madaxweyne Hassan Sheikh ayaa caawa si cad u shaaciyay mowqifkooda siyaasadeed.

Dowladdu Kuma Lihid Waxbarasho iyo Caafimaad – Hadal Murugo Leh oo Kasoo Yeeray Wasiir Dowladda Katirsan.Wasiirka Cadaal...
23/08/2025

Dowladdu Kuma Lihid Waxbarasho iyo Caafimaad – Hadal Murugo Leh oo Kasoo Yeeray Wasiir Dowladda Katirsan.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin, ayaa hadal muran dhaliyay ka jeediyay Muqdisho, isagoo sheegay dowladdu waxbarasho, cunto iyo caafimaad aysan ku lahayn shacabka soomaaliyeed. Hadalkaasi wuxuu kiciyay caro shacabka, maadaama uu ka hor imanayo mabaadi’da dastuurka iyo xilka dowladnimo.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli kumanaan qoys Soomaaliyeed si qasab ah looga barakiciyay deegaamo ku dhexyaalo Muqdisho, iyadoo dadkaasi aanay haysan hoy, cunto ama adeeg caafimaad, taas oo sii kordhisay niyad-jabka shacabka ee ku aaddan dowladdooda.

WAR DEG DEG AH: Warar hoose ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad, uu tagi doono m...
31/07/2025

WAR DEG DEG AH: Warar hoose ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad, uu tagi doono magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Waxaa lagu wadaa inuu halkaas kula kulmo Taliyaha Sirdoonka Ethiopia, Nuuradiin. Waxaa sidokale kulanka qayb ka ah Abdirashiid Janan, Taliyaha Nabadsugidda Jubaland ee dhawaan ay DFS magacawday.

Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro dagaalkii dhawaan ka dhacay Doolow ee u dhaxeeyey ciidamada NISA iyo kuwa milatariga Ethiopia, xiisadda ka taagan Beled-Xaawo iyo is-weydaarsiga xogaha sirdoonka ee labada dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Aqoonsatay Maamul Cusub oo magaciisa yahay Woqooyi Bari.Kadib markii uu soo dhammaaday...
30/07/2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Aqoonsatay Maamul Cusub oo magaciisa yahay Woqooyi Bari.
Kadib markii uu soo dhammaaday shirkii ka socday magaalada Laascaanood, DFS ayaa war rasmi ah ku sheegtay inay aqoonsatay maamul cusub oo loogu magac daray Maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya. Maamulkan cusub ayaa ka kooban afar gobol: Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer.
Labo ka mid ah gobolladaas oo kala ah Sanaag iyo Togdheer waxaa haatan gacanta ku haya maamullada Puntland iyo Somaliland, halka Sool iyo Cayn ay yihiin gobolladii ay ciidamada Somaliland laga qabsaday labo sano ka hor, kadibna laga aas aasay maamul kumeel gaar ah oo magiicu yahay SSC-Khaatumo.

Xarunta NISA ee magaalada Doolow ayaa lasoo warinayaa inay haatan gubanayso, kaddib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo fadh...
28/07/2025

Xarunta NISA ee magaalada Doolow ayaa lasoo warinayaa inay haatan gubanayso, kaddib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo fadhigoodu yahay Doolow ay caawa fiidkii weerar ku qaadeen xaruntaas, iyadoo dagaalku weli socdo.

Ilaa hadda wax war ah lagama helin taliyihii NISA ee degmada Doolow iyo ciidankiisii oo halkaas ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa dagaalkan ku tilmaamay mid argagax leh oo taabanaya madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

27/07/2025

WAR DEG-DEG AH: Dagaal xoogan ayaa ka socda magaalada Doolow ee gobolka Gedo, kadib markii ciidamo ka socda Itoobiya ay weerar ku qaadeen talis ay halkaas ku lahaayeen ciidamada NISA ee Dowladda DFS.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas culus ay is dhaafsanayaan labada dhinac, iyadoo cabsi xoogan ay ka jirto gudaha magaalada. Dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay arrintan mid nasiib darro ah oo dhaawacaya madax-bannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee JFS.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh uu jiro, inkasta oo aan la xaqiijin tirada rasmiga ah madaama ay tahay xili habeen ah.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo wafdi ka tirsan Villa Soomaaliya ay caawa ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, taasoo arrintan uga dhigaysa mid si weyn loo eegayo saameynteeda diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed.

Sidoo kale, dad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta ay ciidamo shisheeye weerar ugu qaadayaan xarun ay leedahay hay'ad ka tirsan DFS, iyadoo la ogyahay in madaxweynuhu uu h**e uga raray ciidamo ka tirsan dowladda magaaladaas, go’aan dad badan u arkaan ilduuf siyaasadeed oo aad u culus. Sikastaba ha ahaatee, waxaa isha lagu hayaa go'aanka ay ka qaadato DFS arintan.

27/07/2025

WAR DEG DEG AH: Dagaal xoogan ayaa dib uga qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan DFS iyo Jubbaland. Dagaalka oo ka socda xerada UK oo fadhi u ah ciidanka DFS ayaa la soo warinayaa inuu ka bilowday kadib markii loo diiday mid ka mid ah booyadaha biyaha qaada inay gudaha xerada gasho. Wararka ayaa intaas ku daraya in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noociisa kala duwan, iyadoo dagaalkuna wali uu socdo.

27/07/2025
Shacabka ku nool agagaarka xerada ciidanka ee UK ee degmada Beled Xaawo ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, iya...
24/07/2025

Shacabka ku nool agagaarka xerada ciidanka ee UK ee degmada Beled Xaawo ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal markale ka qarxo aagaas.

Labada ciidan ee kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Jubaland oo isku horfadhiya aaga kana wada dhaqdhaqaaq ayaa kordhiyay walaaca bulshada. Dadka deegaanka ayaa sheegay in aysan heysan dammaanad amni, ayna doorbideen inay isaga qaxaan guryahooda.

Xiisaddii siyaasadeed ee ka taagneyd Magaalada Beled Xaawo ayaan wali waxba iska badalin, iyadoo labada ciidan ee Dowlad...
24/07/2025

Xiisaddii siyaasadeed ee ka taagneyd Magaalada Beled Xaawo ayaan wali waxba iska badalin, iyadoo labada ciidan ee Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay weli is horfadhiyaan.

Dhibaatooyinka shacabka haysata ayaa kasii daraya, maadaama adeeggii isgaarsiinta iyo mobile money-ga sida EVC-ga iyo eDahab uu wali go’an yahay tan iyo markii ay xiisadan kacday. Nolol maalmeedka bulshada deegaanka ayaa si weyn ugu tiirsanaa adeegyadani, waxaana xaaladdan loo arkaa mid aad looga xumaado.


Xiisada Beled-Xaawo oo wali kacsan

Beled-Xaawo | 23 July 2025 - Inkastoo xaaladdu u muuqato hada mid yara deggan, hadana xiisadi colaada ayaa wali ka taagan magaalada Beled-Xaawo, iyadoo ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland ay weli isku horfadhiyaan aagga xerada UK.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu mar kasta kasii dari karto, maadaama labada dhinac ay ku sugan yihiin goobo isku dhow oo difaac ah.

Dhinaca kale, adeegyada isgaarsiinta ayaa maqan tan iyo xalay fiidkii, taasoo sidoo kale saameysay adeegga EVC Plus, oo dadka deegaanka u ahaa adeeg noolal maalmeed.

Bulshada deegaanka ayaa ku baaqayso in la dejiyo xiisadda, lana soo celiyo adeegyada aasaasiga ah si looga hortago saameyn bani’aadanimo.

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 22:00
Tuesday 08:00 - 22:00
Wednesday 08:00 - 22:00
Thursday 08:00 - 22:00
Saturday 08:00 - 22:00
Sunday 08:00 - 22:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HornVoice posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share