XOG SHEEG MEDIA

XOG SHEEG MEDIA KALA SOCO HALKAAN XOGAHA RASMIGA AH EE CAALAMKA

"Dadka aan matalo labadii suuq ay noloshoodu ku tiirsaneyd mid waa gubtay midna waa la burburinayaa.Suuqa gubtay waxaan ...
06/08/2025

"Dadka aan matalo labadii suuq ay noloshoodu ku tiirsaneyd mid waa gubtay midna waa la burburinayaa.

Suuqa gubtay waxaan tuhun ka qabnaa inuu yahay fal dambiyeed abaabulan.

Ma aqbali doono in la baabi'iyo Suuq-bacaad iyo Siinaay, mana dhici doonto in la d**o inta aan nool nahay".

XIL. YAASIIN FAREY
XOG SHEEG MEDIA

GUBASHADA SUUQ BACAAD._______________________Mudo dhowr saacadood kaddib waxa lagu guulaystay in la damiyo dab xooggan o...
05/08/2025

GUBASHADA SUUQ BACAAD.
_______________________

Mudo dhowr saacadood kaddib waxa lagu guulaystay in la damiyo dab xooggan oo geystay khasaare dhimasho iyo burbur hantiyeed oo shalay ilaa xalay ka socday Suuq-Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

Dabka oo bilowday abaaro shantii galabnimo ayaa si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo suuqa ka mid ah, iyadoo halkaas ay ku burbureen hanti badan oo ay lahaayeen ganacsato yaryar, sida uu baahiyay telefinshanka ay dawladdu maamusho.

Ilaa hadda ma jiraan warbixinno rasmi ah oo laga soo saaray inta uu leg yahay khasaaraha hantiyeed ee soo gaaray ganacsatada suuqaas ka shaqeysta noloshooduna ay ku tiirsan tahay, balse waxaa la xaqiijiyay in ay ku naf weyday gabar yar, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Suleybaan Fargax.

Sababta dabka dhalisay ayaa lagu sheegay koronto ka kacday mid kamid ah goobaha ganacsi ee halkaas ku yaala inkasatoo aan faahfaahin laga bixin arrintaa.

Yuusuf Sheekh Maxamed oo ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa sheegay in xakamaynta dabkaasi ay ahayd mid aad u adag maaddaama ay jirtay dabayl xooggan oo qayb ka qaadatay in dabku uu ku fido qaybo kale oo ka durugsan meeshii uu ka bilowday.

Hadaba maxay kula tahay xogta rasmiga ah ee ka dambeyso musiibadaas ka dhalatay dabkaas xooggan?

XOG SHEEG MEDIA
Kala soco wararkii ugu dambeeyey caalamka

Address

30 Street
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when XOG SHEEG MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category