Duca qabe page

Duca qabe page Halkaan waa madal lagu soo gudbiyo wixii bulshada anfacayo naguso biir oo noo like garey page

Maanta Soomaaliya waxa ay biloowday bixinta Baasaboorka Bariga Afrika oo la siinayo shacabkeenna, ardayda, ganacsatada, ...
20/02/2026

Maanta Soomaaliya waxa ay biloowday bixinta Baasaboorka Bariga Afrika oo la siinayo shacabkeenna, ardayda, ganacsatada, shaqaalaha, iyo qoysaska, tan oo fureysa albaabka gobolka iyo dunida inteeda kaleba.

Ku biirista Bulshooyinka Bariga Afrika, waa astaan lahaansho, waxa ay fududeynaysa socdaalka, abuureysana fursado wadaag ah, taasi oo ka dhigan sare u kaca aqoonsiga uu dunida ka heley baasaboorka Soomaaliga ah.

Baasaboorkeena oo sanadkii 2021-dii ku jiray kaalinta 111-aad ee dunida, ayaa hadda soo gaaray kaalinta 96-aad, sarena u kacay 15 buundo. Maanta dadkeena ma haystaan baasaboor oo kaliya, ee waxa ay haystaan baasaboor albaabo badan fura, abuura xiriiro, dunidana tusaya in Soomaaliya ay dib usoo laabatay.

Waxaa muuqata kalsooni sii kordheysa oo uu adduunka ku qabo baasaboorka Soomaaliga ah dowlad wanaag iyada oo ay kordhayso kaalinta Basabboorka Soomaaliya ee heerarka caalamka.

Maanta muwaadhiniinta Soomaaliyeed waxa ay si xor ah ugu safri karaan ku dhowaad 40 waddan si dal ku-gal la’aan ah ama dal ku-gal garoonka laga qaato, taas oo faa’iido la taaban karo u ah muwaaddiniinta, ardayda iyo ganacsatadaba.

In badan oo ka mid ah bah-wadaagteenna caalamka ayaa noo fidiyay fursadda dal-ku-gal la’aanta ah ee dadka wata baasaboorka diblumaasiga, waxaanna rajo togan ka qabnaa in fursadaasi ay helaan shacabka intiisa kale.

Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika, waxa uu xoojinayaa ganacasiga, dhaqaalaha iyo amniga gobolka, waxa uu fududeynayaa socdaalka, wuxuu balaarinayaa is-dhexgalka, isaga oo sare u qaadaya fursadaha jira sida waxbarasho, iyo isweeydaarsiga dhaqanka.

Sidoo kale waxa uu qiimo weyn u yeelayaa baasaboorka Soomaaliga ah, kaas oo hadda noqday summadda adkaysiga, hamiga dheer, iyo sare u kaca heybadda Qaranka. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Shir-madaxeedkii dalalka Bariga Afrika ee 2024 lagu ansixiyey in Soomaaliya ku biirto ururkan Bariga Afrika.

Dadka Soomaaliyeed ma ahan kuwo faro-madhnaan la tagaya ururrada dunida, ee waa dal istaraatiiji ah oo leh xeebta Afrika ugu dheer, iskuna xiraya qaaraddan iyo Gacanta Carbeed, leh raasumaal dhaqaalaha buluugga ah, Dekedo, Kalluun, iyo xeendaabyo ganacsi, kuwaas oo Badweynta Hindiya u horseedi kara fursado wanaag ah oo barwaaqo sooran lagu gaaro.

Ka go’naanshaha Soomaaliya ee ka mid ahaanshaha Ururka Bariga Afrika waa mid giijisan, Soomaaliya waxa ay door firfircoon ka qaadanaysaa horumarka waara, ganacsiga, shaqo abuurka iyo sare u qaadista tayada nolosha ee dadka Bariga Afrika.

Wllkey Abdijalil waxaan leeyahay go'aan aad qaadatay horta sidiisi hakuu ahaado.Dad badan baa leh Gabadhaan aqoonteed iy...
19/02/2026

Wllkey Abdijalil waxaan leeyahay go'aan aad qaadatay horta sidiisi hakuu ahaado.

Dad badan baa leh Gabadhaan aqoonteed iyo hormarkeed laga xun yahay cid ka xun maleh hormarkeeda Oo Abdijalil ka h**e inta taqaanay Oo soomaali ah wayba yareed intaas Oo hormar ah na way gaartay.

Kaliya Daawadayaasha ku xiran Abdijalil ayaa codsaday in bisha ramadan kowtahay gabdhaan qaabka labiskeeda uu wanagsaneen xitaa hadii ka baaqsan waayo in Barnaamijka Ramadaanta kadib uu soo fasaxo wuuna tixgaliyey codsigoodii.

Somalida waxay dhahdaa wadar iyo waaxid yaa badan isaga iyo iyadaba waxay waqti u bixiyeen dadwaynaha inay wax usoo gudbiyaan.

Marka ma'aqaan halka gabadhaan lagu dulmiyey ?

Kuwaa leh somalida dhamaanteed xumaantay daawataa hadana gabdhaas labiskeeda ku mashquuleen, waa waxaan dhici karin Bulasho wadda islaam ah inay dhammaantood xumaanta daawadan, kumanaan waxaa lasoo helayaa uu ilaahay iyaga dartood noogu naxariisto.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Duca qabe page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share