Saed Dayib

Saed Dayib "If you don't know what port you sail to, no wind is favorable.

Apparently, 2026 has not started as the Somali people's best year, but it has the potential to end as the most monumenta...
02/01/2026

Apparently, 2026 has not started as the Somali people's best year, but it has the potential to end as the most monumentally advantageous year.

It is deeply unfortunate that, while we continue to emphasize Somali identity and take pride in being a people distingui...
28/12/2025

It is deeply unfortunate that, while we continue to emphasize Somali identity and take pride in being a people distinguished by a unique history and strong values recognized by the world, we now face a situation in which Israel has reportedly been conducting research activities for the past five years in parts of the country, pursuing its own interests.

Even more concerning is that during the period in which these activities were taking place, some local administrations were allegedly aware of them.

However, Somalia belongs to the Somali people, and no actions or decisions that contradict the country’s religion, sovereignty, or national interest should be tolerated.

The Federal Government of Somalia is making significant efforts to counter such misleading claims and to prevent any actions that undermine the nation’s principles, unity, and sovereignty.

“Waxaa maanta nasiib darro aad u wayn ah in anago sheganayna somali nimo iyo inaynu ahayn dad tariiqdoda taariqaha kale caalamka ka duwan tahay.

Wax manta nasiib darro ah in israel 5 sano kawaday baritaano oo ay danaheeda kaga baareyso qayb kamid ah dalka waxaa ka daran inta ay socotey baritaanadaas inay ogaayen mamuladaas qaar kood raalina oga ahayen
lakin somalia somali baa leh cid ficillo qaldan iyo talaabo ka hor imanaysa diinta iyo dalka laga dhagaysanaya ma jirto dowlada somalia waxaynu lee manahay waa in dadaallo aad u badan ku bixisa ka hor taga hadalkaas meel ka dhaca ah.”

"A man who is a master of patience is master of everything else."
28/12/2025

"A man who is a master of patience is master of everything else."

26/12/2025

Qarniga 21aad waa waqti gaar ah oo dunida ku dhacay isbeddel taariikhi ah.

Qarnigan xogta ayaa noqotay hantida ugu qiimaha badan
Qalabka la adeegsado maanta waxa uu ku shaqeeyaa in ay ururiyaan xog, kaydiyaan xog, falanqeeyaan xog, una beddelaan go’aan wax leh. Taas waxay dadka u iftiimisay in awooddu aysan ku jirin dhul badan, ama lacag muuqata, ee ay ku jirto sida aad u fahanto macluumaadka iyo sida aad u isticmaasho.

Sidoo kale, isbeddelka maanta waa mid aad u xawaare badan. Dunidu waxay ku socotaa mabda’ ah: “maanta cusub, berri waa duug”. Xirfado shalay qiimo lahaa maanta qiimahoodii wuu dhacay, halka xirfado cusub 2–3 sano gudahood noqon karaan kuwa ugu weyn suuqa. Sidaa darteed, qofka guulaysta ma aha ruux mar wax bartay waxaana markaas istaagay — ee waa qofka maalin walba isu cusbooneysiiya, wax raadiya, aqoon cusub ku daraya, fikradaha cusubna si degdeg ah u kor dhiya una fahma.

Dhinac kale, dunida maanta xuduudaha dalalku sidi wayihi h**e ahmayada loo siin jiray manta loma siiyo. Balse waxa xoga la saaray
Dhaqaale, fikir, lacag, iyo teknoolojiyad. Shir maanta ka dhaca New York wuxuu saameyn ku yeelan karaa qiimaha lacagaha africa, iyo go’aamada ganacsiga Dubai, iyo xitaa rabitaanka dhalinyarada Muqdisho.

Tani waxay micnaheedu tahay: qofka maanta guuleysanaya waa qof aragti caalami ah leh — aan ku koobnayn cilmigi hare schoolka iyo jamacada uu ka bartay iyo deegaanka uu ku dhashay, balse fahamsan nidaamka guud ee dunida oo dhan.

Deegaanta noleshigeDarantige samaantanaNinkii deenayeow taasDaw lee maraa jiraUmad yahay dargeelaaisku duubnidaajye Adig...
24/12/2025

Deegaanta noleshige
Darantige samaantana
Ninkii deenayeow taas
Daw lee maraa jira
Umad yahay dargeelaa
isku duubnidaajye
Adigiyoo dadalkaa
Dawadeedu waa taa.

Aqoonta joogtada ah Aqoonta joogtada ahi waxay dhalinyarada siisaa awood ay ku fahmaan sida suuqa shaqadu u shaqeeyo, wa...
21/12/2025

Aqoonta joogtada ah

Aqoonta joogtada ahi waxay dhalinyarada siisaa awood ay ku fahmaan sida suuqa shaqadu u shaqeeyo, waxa loo baahan yahay, iyo xirfadaha ay tahay in qofka casriga ahi yeesho. Dhalinyaro badan waxay rumaysan yihiin in jaamacad keliya ay ku filan tahay mustaqbalka, balse xaqiiqdu waa in jaamacadu ay bixin karto saldhig, laakiin nolosha dhabta ah waxay rabtaa qof si joogto ah isu cusboonaysiin kara, xog cusub baran kara, tababar dheeri ah samayn kara, fahmi kara sida loo isticmaalo aaladaha casriga ah, oo u diyaar ah in uu tartamo. Qofka intaas sameeya wuxuu helayaa kalsooni dheeri ah oo uu kula macaamilo dunida xirfadaha, wuxuu fahmayaa qiimaha naftiisa ugu jira suuqa, wuxuuna helayaa awood uu ku doorto fursadaha u fiican halkii uu ka heli lahaa waxa soo hadha.

In badan oo dhalinyaro ah waxay ku fikiraan in aqoontu ay ku eg tahay meel lagu helo shahaado, laakiin aqoonta ugu qiimaha badan mararka qaar waxaa la helaa marka qofku uu naftiisa ka shaqeeyo, uu akhriyo buugaag, uu ka qayb galo koorsooyin online ah, uu barto hal xirfad si qoto dheer. Aqoonta joogtada ahi waxay dhalinyarada baraysaa mabda’a ah in qofku uu naftiisa maalgashado ka hor intaan uu lacag raadin. Tani waa mabda’a dhaqaale oo weyn. Qofka aqoonta leh wuxuu fahmayaa in lacagta ugu weyn ay tahay maskaxda furan, aragtida qoto dheer, iyo fahamka xiriirka sabab iyo natiijo ee nolosha. Marka qof dhalinyaro ah uu fahmo in aqoonta ay ka dhigayso mid qiimo leh, wuxuu arkaa in lacagtu ay tahay natiijo, ee aysan ahayn ujeedada ugu weyn.

Dhinaca kale, aqoonta joogtada ahi waxay dhalinyarada ka caawisaa inay noqon karaan dad aan ku degdegin talooyinka dadka kale, balse ay iyagu sameeyaan qiimeyn iyo falanqayn. Qof aan aqoon lahayn waxaa sahlan in la marin habaabiyo, maxaa yeelay wuxuu u fiirsadaa kaliya muuqaalka sare, balse qofka wax barta wuxuu og yahay in xogta hoose ee qarsoon ay tahay muhiimadda ugu weyn. Tusaale ahaan, dhalinyarada ku jirta ganacsiga ama maalgelinta waxay bartaan in war kasta ama dhacdo kasta aysan yeelan saameyn isku mid ah, balse ay tahay in la fahmo context-ka, sababta, xogta ka dambeysa, falcelinta suuqa, iyo sida ay natiijadu isu beddeli karto. Tani waxay dhalisaa maskax adag oo degan.

Aqoonta joogtada ahi waxay ka caawisaa dhalinyarada inay noqdaan dad miyir leh oo aan ku noolayn ra’yi dad kale oo keliya, balse ay naftooda u arkaan matoor wax beddelo. Qofka si joogto ah u barta wuxuu leeyahay tamar gudaha ah. Wuxuu leeyahay sabab uu subax walba toos ugu fekero mustaqbalkiisa. Wuxuuna leeyahay hab uu isaga ilaaliyo niyadjabka iyo jahwareerka, maxaa yeelay aqoonta waxay qofka u sheegtaa in noloshu ay tahay nidaam, in horumarku uu qaato waqti, in natiijooyinka wanaagsan ay ka yimaadaan dadaal joogto ah, in guuluhu aysan ka dhalan fursad kaliya, balse ay ka dhalato diyaar garow.

Kaliya dhibaatooyinka xalli.Marka h**e xalli dhibaatooyinkaaga. Kadibna kuwa dadka kale.Wa sida aad wax ku baran karto, ...
21/12/2025

Kaliya dhibaatooyinka xalli.
Marka h**e xalli dhibaatooyinkaaga. Kadibna kuwa dadka kale.

Wa sida aad wax ku baran karto, qiimana ku yeelanaysaa, noqanaysaana qof leh go’aan iyo karti (high-agency), h**e usocod kasbanaysaa, hal-abuurkaagana ku tababaranaysaa, isla markaana ku horumarinaysaa maskaxda, jirka, ruuxa, dhaqaalaha, iyo xiriirradaada.

Laakiin marka aad mashquul ku dhacdo oo aad ka leexato, taada waxa burburaya si tartiib tartiib wixi saxda aha ee ku quseyay waxaadna la qabsanaysa xalalka adiga gaarkaga ku ah in aad xalin kari waydo.

21/12/2025

Your best ideas will never come from trying to have them.
You must let the creative process play out automatically. You must read more, do more, experience more. Then you must give yourself time to do nothing because that's when your mind will put all the pieces together and shoot out an idea that may change everything.

“Leadership is less about being impressive and more about being trustworthy. What stayed with me the most was the remind...
13/12/2025

“Leadership is less about being impressive and more about being trustworthy. What stayed with me the most was the reminder that people follow leaders they believe in, not leaders who perform for approval. Consistency, fairness, and integrity build more loyalty than charisma ever could.”
Saed Dayib

Bulshadeenna waxaa ka muuqda daciifnimo dhanka akhriska ah. Dad badan waxay ku rumaystaan wax kasta oo ay maqlaan ama ay...
12/12/2025

Bulshadeenna waxaa ka muuqda daciifnimo dhanka akhriska ah. Dad badan waxay ku rumaystaan wax kasta oo ay maqlaan ama ay arkaan, iyaga oo aan u fiirsan sida ay run u yihiin. Arrintan waxay keentay in aan si fudud u qaadanno hadal kasta—ha noqdo mid siyaasadeed, mid qof iska murugaysan ku hadlay, ama mid lagu faafinayo dareen.

Marka awoodda akhriska iyo fahamka ay yaraato, waxa yaraada awoodda lagu kala garan karo xaqiiq iyo been. Qofka akhriya laakiin uusan si miyir leh u falanqayn waxa uu akhrinayo wuxuu u ekaanayaa qof socda oo nal daciif ah wato—waxuu wax arkaa, laakiin ma kala saari karo waxa dhab ah iyo waxa muuqaal qurxoon oo lagu dhisay.

Dhibaatada ugu weyn ma aha in dadku aanay rabin xaqiiqda, ee waa in aysan haysan hab ay ku baaraan xogta hortooda taal. Waxa yaraaday waxa dunida loo yaqaan fikir qoto dheer—in qofku joojiyo deg-degga, u fiirsado, isweydiiyo su’aalo, kadibna go’aan ka gaaro xogta la hor keenay.

Sidaas awgeed, qof walba oo cod dheer leh ama muuqaal kicinaya sameeya waxaa loo arkaa mid runta sheegaya. Siyaasiga weedh kulul jeediya ayaa laga dhaxlaa kalsooni, inkasta oo aan la hubin ujeeddadiisa dhabta ah. Qof sharci aan lahayn oo ilmeynaya ayaa loo arkaa in uu leeyahay xaqiiq buuxda.

Waxaas oo dhan waxay ka imanayaan hal meel oo kaliya: hoos u dhaca awoodda akhriska, fahamka, iyo baaritaanka.

Akhrisku waa ka badan yahay in xarfo la isku arko. Waa tababar maskaxda lagu xoojinayo, si aysan u noqoneyn mid cid walba ka qaadato hadal kicinaya. Qofka akhriya oo falanqeeya wuxuu bartaa in xogta aan si deg-deg ah loo qaadan, in hadalka dadka aan lagu degin, oo la sugo ilaa lagu helo caddeyn iyo sabab macquul ah.

Bulshadeenu weli si buuxda uma gaarin heerkan. Inta aan la helin dad badan oo leh faham qoto dheer, waxa jiri doona dad si sahlan loo marin habaabiyo iyo kuwo aan isweydiin sababta wax loogu sheegay sida loogu sheegay.

Horumarka dhabta ah wuxuu bilaabmaa marka qofku barto in maskaxdiisu leedahay xuquuq: in aysan rumaysan wax aan sal lahayn, in aysan cabsan markuu run raadsho, iyo in xog kastaa ay mudan tahay in la baaro ka hor inta aan la qaadan.

Ilaa bulshada oo dhan arrintan garato, farqi weyn ayaa jiri doona—farqiga u dhexeeya dadka hadalka iska qaata iyo kuwa fahamka dhabta ah Garta markiiba oo Diida .

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saed Dayib posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share