PUNT MADIA

PUNT MADIA NAGALA SOCO XOG LAHUBO OO XAQIIQ AH

13/10/2026
Trump ayaa si cad u sheegay inay ka shallaaynayaan dilka hoggaanka sare ee Iiraan, isagoo xaqiijiyay inay gaareen heer a...
13/10/2026

Trump ayaa si cad u sheegay inay ka shallaaynayaan dilka hoggaanka sare ee Iiraan, isagoo xaqiijiyay inay gaareen heer aysan garanayn cidda ay kala xaajoonayaan arrimaha Iiraan, taasoo uu sheegay inay fogeysay suurtagalnimada heshiis lala gaaro Iiraan oo dagaalka lagu joojiyo.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in haddii hoggaanka Iiraan ay noolaan lahaayeen, xaaladdu ay ka duwanaan lahayd, dagaalkana la joojin kari lahaa, lagana fogaan karay marxaladda hadda taagan ee aan la garanayn cidda leh go’aamada ugu dambeeya ee Iiraan.

Saraakiil faham fiican kahaysta aqoonta ciidanka iyo nidaamka salaan-Saarka, ayaa cadeeyey in hal sarkaal oo ragan kujir...
12/10/2026

Saraakiil faham fiican kahaysta aqoonta ciidanka iyo nidaamka salaan-Saarka, ayaa cadeeyey in hal sarkaal oo ragan kujira uu si sax ah u bixiyay salaansaarka.

Qaabka gacanta salaanta lugu saarayo, halka wajiga looga aadinayo, xusulka halka la gaynayo iyo sida loo togayo, xagasha kilkisha digriigeeda inta laga dhigayo, intuba way qaldeen marka laga reebo hal sarkaal oo kaliya.

11/10/2026

Garoowe: hal Qof ayaa ku dhintay halka dhowr qof oo kalana uu dhaawac soo gaaray, kadib markii sida dad Goob-joogayaal ah sheegeen nin hubaysan uu rasaas ku furay meel dad shacab ah joogeen,

Ilaa hadda Laamaha amniga Puntland k**a hadlin dhacdadaan iyo waxa

Maxamed Abshir Walde wuxuu 1938 ku dhashay Garacad oo hoos tagta degmada Jarriiban ee Golbolka Mudug.1968 wuxuu ka qalin...
10/10/2026

Maxamed Abshir Walde wuxuu 1938 ku dhashay Garacad oo hoos tagta degmada Jarriiban ee Golbolka Mudug.
1968 wuxuu ka qalin-jabiyey Colombia University of Journalism School (MA in Mass Media).
Wuxuu kaalin weyn ku lahaa qaabaynta iyo maamulka warbaahinta Soomaalida xorriyaddii 1960 ka dib.
Walde wuxuu shaqadiisa saxaafadeed ka bilaabay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da horraantii 1960-meeyadii. Dabadeed wuxuu noqday agaasimaha adeegga warbaahinta dawladda Soomaaliya, isaga oo masuul ka ahaa Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.
Waxaa lagu xusuustaa dadaalkiisii tayaynta idaacadaha, horumarinta barnaamijyada iyo kobcinta jiil cusub oo wariyeyaal Soomaaliyeed ah. Wuxuu aaminsanaa in raadiyuhu ahaa aalad muhiim u ah wacyigelinta bulshada iyo dhismaha qaranka.
1. Sannadihii 1960 - 1965 wuxuu ka soo shaqeeyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC.
2. 1965 ilaa 1971 wuxuu ahaa agaasimahii Radio Muqdisho.
3. 1971 wuxuu noqday agaasimihii ugu horreeyey ee madbacadda Qaranka.
4. 1973 wuxuu ka mid ahaa raggii bilaabay Wargeyskii caanka ahaa ee Xiddigta October.
5. Dhowr sano ka dib afgambigii askarta 1969, Walde wuxuu ka tagay shaqadii dowladda wuxuuna u wareegay oo uu degganaa dalka Jabuuti ka hor Ururkii SODAF.
6. Sannadkii 1979 wuxuu ka mid ahaa raggii aas aasay raadiyo Kulmis iyo ururkii mucaaradka ahaa ee SODAF ee uu madaxda ka haa weriyihii caanka ahaa Mustafe Xaaji Nuur ka hor intaan loo baddalin SSDF.
Suxufiyiintii ay wada shaqeeyeen xilliyadii uu warbaahinta dowladda iyo BBC-daba uu u shaqaynayey Maxamed Abshir Walde waxaa ka mid ahaa: Mustafe Xaaji Nuur, Axmed Cali askar, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Cabdullaahi Sheego, Maxamed Cali Shiriye iyo qaar kale.

Xilliyadii Radio Kulmis waxay wada shaqeeyeen: Cabdullaahi Xaaji Cilmi, Gacayte Cabdulle Codweyn, Cabdulqadir Faarax Bootaan, Bashiir Bootaan Cilmi Guray, Hodan Jaamac Aamusane, Abdirashid Adan Seed (Qoor).
Waxaa kaloo ku soo biiray Radio Halgan oo ku hadlayey afka mucaaradka Soomaalida oo idil waxaana ka mid ahaa: Mijir Qaadi Mohamud, Mohamed Ismail, Rashid Sh. Abdullahi Rashid Garweyne, Mohamed Bashe Haji Hassan, Ali Mijir Qaadi, Cabdi Faarax Juxa iyo Qaar kale.
Oct 1985, Kolkii Khilaf dhex maray Ethiopia iyo SSDF, laguna xiray Hogamiyiihii SSDF, Cabdullahi Yuusuf, ayaa urukii SSDF si ku meel gaar ah ay 4 Bilood u doorteen Maxamed Abshir Walde oo isaguna xilkii ku wareejiyey Dr. Xasan Cali Mire oo si rasimi ah Jan. 1986 loo doortay in mudo 2 sano ah uu hoggaamiyo SSDF.
Maxamed Abshir Walde wuxuu ahaa Suxufi kaalin weyn lahaa warbaahinta Soomaalida, Ganacsade caan ah iyo siyaasi halgan dheer u soo galay in la helo dowlad Soomaaliyeed oo dimuquraadi ah.
Allah ha u naxariistee, Maxamed Abshir Walde March 2016 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

QUR'AAN-KA-ADAG: QORAAGII QARANKA. Maxamed Daahir (AFRAX), PhD.      -   W/Q.Maxamuud Cali Aadan (Hoorri).MUUNAYN Miciin...
10/10/2026

QUR'AAN-KA-ADAG: QORAAGII QARANKA. Maxamed Daahir (AFRAX), PhD.

- W/Q.Maxamuud Cali Aadan (Hoorri).

MUUNAYN

Miciinkii Af-Soomaaligiyo, maadha dhaqankeenna
Madaxweynihii loo irkaday, kaydka madhaxeenna
Mudanow Ismaaciil, hadduu, tegey marxuumkaasu
Maamuuska aad geysatiyo, midhaha aad beerto
Yaa mahadnaqaagii ka qiri, meel kasta adduunka?
Laas biyo macaan baan xunbuli, lagaga maarmayne
Mugucuu ka soo dhaamin jirey, maaxdu yey gudhine
Weli hawl ma daalow hogadu, wayska meeshiiye.
Mucda fulintu waxay daarantahay, mudanka waayeele
Yaa Taaniyow soo malkumi, shirarka meegaaran?
Taariikhda ay soo martiyo, heerarkay miratay
Yaa Xaashiyow marag u noqon, meelmar tebinteeda?

–abwaan, Prof.Mcallin, Siciid Saalax Axmed Sugulle.

HORDHAC

Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu ahaa suugaanyahan, taariikhyahan, sheeko-qore gaasabaxay, iyo cabqari Soomaaliyeed oon la illoobi doonin kasha iyo ruuxdana ku negaan doona. Wuxuu leeyahay sheeko-faneedyo la xiriira arrimaha bulshada, fan-masraxeedyo, iyo mudawanaad suugaaneed; kuwaas oo halbeeg aydoloojiyeed hindisay. Wuu hal-abuuray ilaa uu qawjad suugaaneed ka noqday, wixii laabtiisa ku jiray ayuu qoray kolkaas buu tiir suugaaneed aan liicin ahaaday.

Dhabta ayuu goobay oo dhabbooyinkeeda cagta saaray dabadeena raadkiisii ayuu marjiciyad afeed u rogay. Qalinkiisa aan joogsan ayuu u diray dunida iyo waxa guudkeeda yaal ee sooyaal iyo waayo'agnimo ah; horusocod iyo dibudhac; ilbaxnimo iyo badawnimo; horumar iyo hoobad; libin iyo jab; guul iyo guuldarro; nabad iyo colaad; dabeeto wuxuu noo sameeyey raadraac taariikheed iyo falakoori.

Qoraa Afrax wuxuu ku dhashay magaalada Jarriiban ee gobolka Mudug sanadkii 1952. Wuxuuna kasoo jeedaa qoys Soomaaliyeed; Daarood, Majeerteen ah.

WAXBARASHADIISI IYO KACAAMIDDIISI (الدراسة والتكوين)

Asaga oo gaban yar oo markaas uun shan sano jirsaday ah ayuu dugsi Quraan galay. Bartaas ayey shakhsiyaddiisa foolaadka ah ka samaysantay. Sida Soomaalida u caadada ah kasbashada kasmooyin diiniya ayuu hayaankiisa waxbarasho ku billaabay, subax kasta dugsiga ayuu u kallahaa, asaga oo kalgacayl badan iyo jacayl kordhay kasha ugu haya. Inta uu loox geed laga qoray laabta gashado ayuu sii laxaadsadaa. Markii uu juskii koowaad dedaal shaqsiyeed iyo ka go'naan dhankiisa ah uu ku dhammeeyey, aabbihii oo dareemay garaad badnidiisa iyo fahmo fiicnidiisa ayaa goostay inuu geeyo dugsiga macallin Maxamed Cabdullaahi "Halaq" ee Jarriiban, lix bilood oo qura ayuuna Quraanka ku qaybay. Haa, oo qofka Soomaaligaa ee caadigaa sannado idil ayey ku qaadataa inuu Quraanka oo idil ama qaarkii uu korka ka qaybo. Balse kuraygan caadadaa soojireenka ah wuu jebiyey oo jid cusub ayuu jeexay. Dadka oo falkiisan la fajacay ayaa "Quraan-Ka-Adag" ku naanaysay.

Markii uu sagaal jirsaday ayuu Muqdisho u wareegay asaga oo ku biiray dugsi nidaami ah kaas oo uu aabbihii gacale dhowr jeer kula taliyey. Dugsisigii sare ayuu dhammeeyey dabeeto wuxuu u majeertay Yaman oo uu jaamacadaheeda guunka galay. Halkaas ayuu ka billowday socdaalkiisii suugaaneed, waa barta ay afshaxannimadiisa ku bulaashay, khayaalkiisa curineed iyo hal'abuurkiisa waaqicigaana ku ibafurtay. Isbarbardhigga Suugaanta iyo Masraxa ayuu digrii ka qaatay kahor inta uusan Ingiriiska u qaanshaysan si uu waxbarashadiisa sare ugu soo qaato ilaa uu PhD ka gaaray, daraasaadka Afrika ayuuna ku diyaariyey.

HAL-ABUURKIISA SUUGAANEED(أعماله الأدبية)

Dr. Maxamed Daahir Afrax waa qoraa, suugaanyahan iyo sheeko-qore jaad-gooni ah. Wuxuu leeyahay qoraallo Soomaali ah iyo kuwo Carabi ah. Maxadyada Masar ee Soomaaliya ku yiillay ayuu wax ka bartay, asaga oo afka Carabigu aad u saameeyey, waa hubaal inuu dar-aqooneed asal ah ka durduurtay ilaa heer uu qoraallo farshaxamaysan curiyey, asaga oo heerkii dugsidhexe iyo sare aan weli ka gudbin ayuu xiddigiisu cirka xulay. Wuxuu qaaraan qumman ku darsaday hodminta maktabadda Soomaaliyeed iyo tan Carbeed ba, wuxuuna ku caanbaxay dhiganayaashiisa suugaaneed, fan-masraxiyeed, Sheeko-faneed iyo fikireedba.
Ibafurkii mashruuciisa qoraaleed wuxuu la kowsaday wargayskii xukuumadeed ee Xiddigta Oktoobar oo uu tiir toddobaadle ah ku lahaa, asaga oo kusoo daabici jiray qoraallo ribban iyo sheekooyin gaagaaban oo ciwaankoodu ahaa "Indha gorgor aan ku fiirino Soomaaliya."
Gadaashii, qoraageennu wuxuu asaasay majaladdii ugu horraysay oo meel Muqdisho ka baxsan kasoo baxda, siiba magaalada Kismaayo sannadkii 1973 sida uu qoraaguba ku sheegay waraysi uu siiyey Dr. Ashkir Nuur. Isla waraysigaas ayuu ku xusay in judhii uu dalalka Carabta u wareegay 1980 ay baahinta qoraaladiisa suugaaneed iyo cilmiyeedba ay bateen, wuxuuna wax ku qori jiray wargaysyo carbeed oo Yamani u badan.
Waxsoosaarkii Dr. Afrax waxaa ugu mudan:

1. Nidaa Al-xorriyah (نداء الحرية): 1976 ayuu af Carbeed kusoo baxay. Buugga waxaa ku urursan sheekooyin dhaqanka Soomaaliyeed la xiriira iyo riwaayado sooyaaleed. Ma helin xog dheeraada oo dhaafsiisan inuu yahay sheeko-faneed sooyaalka Soomaalida ku saaban.

2. Nadaraat fi athaqaafa as-Soomaaliyah(نظرات في الثقافة الصومالية): 2002 ayuu kasoo baxay "Xarunta dhaqanka iyo warbaahinta ee xukuumadda Shaariqa" Af Carabi ayuuna ku qoran yahay. Tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed ee casrigaa ayuu buuggu si kooban usoo gudbinayaa. Cumar Cabdicasiis oo hordhaca buuggan qoray ayaa yiri: "Afrax mawduucan si heersare ah ayuu ugu faroyaraystay, qodobbada uu hoosta ka xarriiqay waa kuwo baaris dheeraada usii baahan. Soomaaliya waxay milgo gaar ah ku leedahay saqaafada Carbeed iyo tan Islaamkaba daraasadnina waa mid isbarbardhigga saqaafooyinka in badan ka iftiiminaysa".

3. Al-daraasaat alnaqdiyah wat-tasqiifiyah(الدراسات النقدية والتثقيفية): buuggan wax xog ah k**a helin waxaase hubaala inuu Af Carabi kusoo baxay. Waa daraasad naqdineed oo dhaxalka iyo sooyaalka ku saabsan; hal'abuurka iyo bilicda. Naqdigu waa weydiimo-aragtiyeed uu lafaguruhu soo gudbinayo, oo ku saabsan qoraalka iyo waddada uu suugaanyahanku u qaaday cabiridda aragtidiisa iyo dareenkiisa.

4. Maanafaay (1979): Waa sheeko-faneeddii ugu horraysay ee Af Soomaali lagu qoro.

5. Galti-macruuf (1980): Sheeko-faneedyada Afrax waxay diiradda saarayaan diihaalka iyo diifta danyarta sidoo kale waxay gaashaanka u daruurayaan anshax xumada iyo gardarrooyinka bulsheed ee baahay. Sheekooyinkiisa kale waxaa ka mid ah: "Durbaan been ah" ama "Guur ku sheeg". Waa tiraab suuugaaneedyo, sheekooyin xallad leh iyo casharro waaraya.

6. Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay: buuggu wuxuu soo dhaweyn iyo bogaadin ka helay aqoonyahanka Soomaalida siiba kuwooda qurbajoogta ah. Buuggan, inta aad akhrinaysid, qoraagu wuxuu ku taabsiinayaa dhacdooyin dhaba iyo xogo sooyaaleed sugan. Wuxuu werinayaa waayaha Soomaaliya; laga soo billaabo qaranjabkii. Dabadeed wuxuu sawirayaa gadaalkii sida xaal noqday, sida ay dadka Soomaaliyeed diihaalka, gaajada iyo danbaaburada saboolnimadu u daashadeen; waayo waxaa hoy u ah dhul hoggaan la'aan ah iyo duni damiir beeshay: ma suuragal baa in Soomaaliya dib loosoo nooleeyo? Dal se hoggaan la'aan ma soo doogi karaa? Duni bilaa damiir ah dadku maku baraaraan? Bal aynu ka wardoonno, laga yaabee in ka wajaabidda iyo gorfaynta arrinkan uu ku culaysiyo e. Si fudud buugga ayaad uga bogan kartaa.
Wasiir Cabdifitaax Nuur Ashkir buuggiisa "حوارات مع
‎رموز صومالية واجنبية"wuxuu ku sheegay: "Dr Afrax wuxuu ku wanaagsanyahay barigantaalidda hibooyinka soo koraya, koolkoolinta, dhiirrigelintooda iyo ka kaalmayntooda wax kasta oo qoraayada cusub ka caawiyanaya inay calanwalleeyaan. Ururka Qalinlayda Soomaaliyeed (Pen) iyo Akadeemiyad Goboleedka Afka (AGA) ayaana marag u ah waxsoosaarkiisii iyo sida uu Af Soomaaliga ugu hagar baxay una daahfuray hibada faca sookoraya si sawraca Soomaaliyeed dhalan rogga iyo milanka looga dhowro.

Dr. Ashkir mar uu Dr. Afrax weydiiyey: "Ma jiraan buug cusub ood soo waddo? Nooga warran qorshahaaga qoraaleed ee marxaladda soo aaddan?" Wuxuu ugu warceliyey: "Waxan ebyey buug saddexda luuqadood ku qoran (Soomaali, Carabi iyo Ingiriisi) welina tifaftir baa ku socda waxaanna ku rajo weynahay inay dhawaan soo baxaan, Alle idankii".

Dhanka arrimaha siyaadda haddaan milicsanno, Afrax iskuma uusan wasakhayn mawjadaha siyaasadeed oo shaatigiisa ayaa u caddaa. Inkasta oo uu hal'abuur qoraaleed iyo dhaqdhaqaaqyada u gargaaridda afka iyo hiddaha uu ku hawlanaa; haddana wuxuu wasiir iyo xildhibaan kasoo noqday xukuumaddii kumeelgaarka ahayd. Sidoo kale wuxuu wax ka asaasay Akadeemiyadda Goboleedka Afka (AGA) oo guddoomiye ka ahaa.

7. Naafidatun calal Ibdaaci fii Khaliif Cadan
(نافذة على الإبداع في منطقة خليج عدن: دراسات في الثقافة والفن في الصومال وجيبوتي واليمن):
Buuggan waxaa lagu tiriyaa foolaadka daraasaadka laga qoray 'Suugaanta isbarbardhigga iyo dhaxalka'. Waa buug akhristayaasha, lafagurayaasha iyo qoraayadaba xogo ribban ku harqinaya, wax weyn ayey ka dheefayaan waayo waxaa qalinka u qaatay tiir ka mida tiirarka fikirka iyo ruugcaddaa afka, dhaqan iyo sooyaalka Soomaaliyeed iyo kan Carbeedba ku xeeldheer.

Buuggu lix cutub ayuu ka kooban yahay, cutub kasta waxaa ka milaala casharro xul ah, waayo'aragnimo, murti iyo maahmaahyo, daraasooyin taariikheed, xul suugaaneed. Buuggu ma aha mid si kusoo booddo ah kusoo baxay, bal'e waa maandaar miid ah iyo irrid saqaafadeed. Sidaas oo kale bogcad juquraafiyadeed oo waa marjac asaasiya sooyaal, suugaan iyo afba laga dhitaysan karo. EEBBE-WEYNE ha u naxariisto Afrax jannadiisana ha ku marti sooro.

GUNAANAD “Mahuraan baroordiiqdu”

Dr. Maxamed Daahir Afrax waxa uu ahaa buuni weyn oo si mug leh looga yaqaan geyiga Soomaaliyeed,waxa uu ahaa tiirdhexaad lagu soo hirto marka laga hadlayo afiyo dhqan, suugaan iyo fan, qoraal iyo farshaxan, curin iyo hal-abuur. Waxa uu ifka ka xijaabtey bishii Ooktoobar, 2021-dii. Waxa uu ummadda uga tegey dhaxal iyo marax lagu dhaadan karo.Qof kasta oo Soomaali ah, adduunka ku nool, kana mid ah bahda qalinleyda Afrax waxa uu ahaa qudwo iyo hilin uu uga daydo habka qoraalka toolmoon iyo curinta casriga ah. Gabaygan waxaa tiriyay Abwaan Macallin Siciid Saalax Axmed 23/10/2021, Minnesota (USA). Wuxuu abwaanku ka tiriyay kulan ah duco, baroordiiq iyo milicsi waxqabadkii marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo lagu qabtay aaladda Zoomka (fogaan-aragga), oo ay soo qabanqaabisay Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahan iyo waxgarad kala jooga dunida daafaheeda.

Nooluhu majaruhuu togaa, marinka saadaasha
Marna waa bilaw ama dhammaad, moosinkaa taxane
Waa labada maalmood dhexdood, wuxu mudaystaaye
Mugga uu dhashaba waa lidkeed, waxa u meel yaale,
Ma dhammaato geeridu ilaa, maalin sarajooge,
Hadduu meleggu ruux dayn lahaa, Mawle amarkiisa
Nebi Maxamed baa joogi laa, dunida maamuuse,
Qofna mowdku huri maayo oo, waa makalayaaye
Marxuumkaa god galay iyo xuskaa, maqalku diidaayo
Waa Maxamed Daahir Afraxii, mawliga ahaaye.
Bulshada magaca Soomaaliyeed, marin kastay joogto
Alleyle mitaalkuu ahaa, kaalin baa madhane
Geedkii mankiyo ubaxa iyo, midhaha saaraayey
Alleyle waxaa maanta jabay, damal magoognaaye
Malkaduu fadhiyey iyo intuu, kala mildhaabaayey
Waa meel banaanaatay iyo, ceelka maax dumaye
Qalin baa madaadkii ka go`ay, shalay mug weynaaye
Murtidii qoraal curin tiraab, dhawr bog baa maqane.
Haddii uu masuulkii god galay, Maxamed Aw Daahir
Inta meerisaan tabanayaa, maaha tirakoobe
Waxa aan la murugoonayaa, maaha keligaye
Dareenkaan ku maansoonayaa, ma aha kaygiiye
Waxa aad maqlaysaanna waa, idinka maankiine
Maqaawiirta Qalinleyda iyo, AGA mataanoobey
Mahuraanka wadartaa dadnimo, muxubbadii saaqday
Qofba meeriskuu gocanayaan, muhindisoodaaye
Marley waxan is weydiinayaa, muhashadiinniiye
Inta mudan tixraac iyo intaa, wada maruuryaysan
Haddii aan martabadaa dhammaan, meerin kari waayo
Tusaaloyinkaan marinayaa, waa matala guude.
Maahmaahda Soomaaliyeed, ma aha been sheege
Meeshaad martaba waxa la yidhi, waa nin magaciiye
Wax la yidhi wixii muuqda baa, kuu mahiib gala e’
Mahuraanna waa ceel wiyeer, milayga jiilaale.


II

Miciinkii Af-Soomaaligiyo, maadha dhaqankeenna
Madaxweynihii loo irkaday, kaydka madhaxeenna
Mudanow Ismaaciil, hadduu, tegey marxuumkaasu
Maamuuska aad geysatiyo, midhaha aad beerto
Yaa mahadnaqaagii ka qiri, meel kasta adduunka?
Laas biyo macaan baan xunbuli, lagaga maarmayne
Mugucuu ka soo dhaamin jirey, maaxdu yey gudhine
Weli hawl ma daalow hogadu, wayska meeshiiye.
Mucda fulintu waxay daarantahay, mudanka waayeele
Yaa Taaniyow soo malkumi, shirarka meegaaran?
Taariikhda ay soo martiyo, heerarkay miratay
Yaa Xaashiyow marag u noqon, meelmar tebinteeda?
Hibo Muuminey yaa hirgelin, minanka joogtaynta
Yaa mala-awaalkii qorshaha, kala mudaynaaya?
Dhalinyarada miiggani haddey, curiso maankeeda
Qofba miiladuu geli lahaa, yaa u kala meerin?
Yaa Cabdirashiid mihindiskii, hubin midhkii toosan
Nimcaan, yaa mareegaha farsamo, kala macnayn doona?
Mid kaloo la tebi doono oo, maanku gocanaayo
Mufti iyo afshaxan iyo qoraa, iyo masuulkeeda
Murti dhaadhigeediyo wax garad, maansayahankeeda
Yaa mudanka Soomaaliyeed, meel isugu keeni?
Kartidii maqiiqnayd intuu, socod ku maasheeyo
Muqdishiyo Jabuutiba ayaa, maalin wada joogi
Oo mayrac galabeed ku tegi, saddex kaloo meela?
Oo yaa muraad guud ka fulin, madax is weydaarsan?
Miyir-hadalka iyo tooyashada, ereyga miisaaman
Oo yaa u miidaama dayi, xaajo marareecsan?
Goosanka mintida oo dhamman, xarunta moosaaya
Inta miiska soo wada fadhida, ina kaloon muuqan
Yaa Maryan Cariifey tusmada, fuliya maaraynta?
Martisoorka yaa deeqsinnimo, guri muggii buuxin?
Yaa Mustafe Fayruus qorshaha, kula maqaam yeeli?
Yaa madasha iyo tababarrada, maanka wada doojin?
Yaa macallin Gacanow tusmada, marin abbaarteeda
Yaa maamulkeediyo aqoon, AGA marriimaaya?
Raxantaa murtida baahintiyo, wararka meeraysa
Cabdullaahi yuu maalin joog, qori madiixooda?
Yaad Saynabey macallinimo, heli mullaaxdiisa?

III

Meel kalena iyo meelo kale, meel kasta adduunka!
Inta hiilka meertada wadaag, abid ka soo maagin
Qofba meesinkuu raaci jirey, waxa u meel yaalla
Yaa Maxamed Shiikhow Afgudhay, darar ka maalaaya?
Abtidoon, bal yaa xubinta maqan, heli muraadkeeda?
Marwo Saynab ina Daahirey, Maqasha yaa raaci?
oo ubad mudantuu lahaa, maanka korinaaya?
Abtirsiinaduu soo mariyo, dhaaracyada muuqda
Cabdul Cumar Mansuurow adaa, maahir ku ahaaye
Yaa magacuyaallada naxwaha, sugi muftaaxooda?
Taariikhda meertiyo tusmada, milayga sooyaalka
Yaa marin Idaajaa halkay, mudayso suugaantu?
Mullaaxdiyo jillawdaba inaan, maydhax laga diiran
Yaa ereyadaa wada maldahan, kala maljiidaaya?
Yaw maqan Saciid Jaamacow, sheeko masraxeedka?
Oo yaa Rashiidow murtida, mahadhadeed sheegi?
Yaa Maana-faay iyo faceed, magangelyaynaaya?
Meeshii bugtaba yaa bulshada, muujin hagarteeda?
Manhajkaa Af-Soomaaligiyo, macallimiintiisa
Machadkaa Jigjiga wuxu u yaal, muunad gooniya e
Maxamuud, bal yaa qaar la mida, furi mitaalkiisa?
Haddaad Macallin Guush iyo in kale, mudanki soo gaadhey
Oo aad aqoontaa mugga leh, Maxamed taabsiisay
Yaa Maartinow barasha sare, takhasuskaa muujin?
Cid waliba martabad bay tebtaa, meeris gooniya e
Kooxdii malkada bariga oo, kala muquunowdey
Xandulliyo marley waa Gucmudi, muhashadoodiiye
Cabdi Xaashiyow yaad mabda’a, marar la faalayni?
Aadanow muddaba waa muddo e, marar xusuus reeba
Dhaaxaad jidaal wada marteen, wada mushaaxdeene
Dhaaxaad mudayseen shiraac, maayad shaamiya e
Dhaaxaad majarihii badweyn, maylal socoteene
Dhaaxaad mukhuur iyo yohoon, wada majeerteene
Musareen dhacaayiyo xawaal, wada bad maaxdeene
Meexaano kaftankii wax badan, maado curinteeda
Saaxiibbo, muxubbiyo kalgacal, macallinowdeene
Bal maxaad ka tiri geeridaa, Maxamed Aw Daahir?

IV

Aniguna mid ii gaara baan, sii muhanayaaye!
Annagoo qoraal miranaynoo, meel fog kala joogna
Hadduu qalinku kaa yare mergadood, erey u meelweydo
Ama weedhu marareecatoo, murugto hawraartu
Yaa Maxamedow iyo Saciid, maqal is dhaafsiisan?
Haddeyse taladu meermeerto oo, seegto marinkeeda
Yaa macallinow sheeg i oran, meesha xagal daacdey?
Mahdi iyo walaalaha saddexan, maqal ogaalkooda
Waxa aabbahood ugu maqnaa, maanta way garane
Iyagana mitaalkiisii baa, looga meel deyiye.
Haddii uu marxuumkii god galay, Maxamed Aw Daahir
Ma uu dhiman Af-Soomaaligii, waa mugowyahay e
Dhaaxuu mardaadiga xarrago, miiqay weeraha e
Oo uu sarbeebaha maldahan, soohay midabayne
Oo uu murtida weel u tolay, sheeko maangada e
Madhaxuu ka tegey baa habboon, inaan milgaynaaye.
Ninba meel ku foogane haddii, laysu mara tuuro
Afku waa mid qudha ee haddii, hiil la wada muujo
Malkaduu ka foofaba hadduu, helo mudnaatiisa
Hawshii murkucan mayso oo, waa mudhbaxaysaaye.
Murugadu ma baajiso naftii, maalin loo qoray e
Waa lagu minqaadaa adduun, malaha sii raage
Maguur lagu negaadaase waa, meeha aakhiro e
Haddii uu marxuumkii godgalay, Maxamed Aw Daahir
Mahuraan baroordiiqdu waa, madal xusuuseede
Inuu meherad kheyr badan ku jiraan, muran ka taagnayne
Intaasoo muslina baa u furay, marag Ilaahay e
ku manayso Eebbow Jannadu, waa miduu geyo e
Eeebbow ku maamus ducada, waa mid loo qiraye.



- Qalinkii; Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)
- Tarjumuddi & afnaqiddii ; MADASHA HOOBAAN.
- Tixraaca asalka ah; (kuna qoran afka Carabiga).

Waa maamo Faadumo Xaashi Nuur (Faadumo Amaano) waana xaaskii Allaha janeeyee Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubadd (Jubuqtaani)...
10/10/2026

Waa maamo Faadumo Xaashi Nuur (Faadumo Amaano) waana xaaskii Allaha janeeyee Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubadd (Jubuqtaani) dhanka kale Faadumo Amaano waa gabadhii uu Abwaan Xuseen Aw-faarax u sameeyay heesta caanka ah "ee Amaano" ee uu qaadi jiray fanaanka AUN Maxamed Saleebaan Tubeec, laxanka heeskan waxaa sameeyay isla Tubeec, wuxuuna heeskani Abwaan Xuseen Aw-faarax curiyay sanadkii 1964. Dhanka kale maama Faadumo Amaano waxay iminka ku nooshahay gobolka "Ohio" ee dalka Maraykanka

SADDEX HAWEEN OO ASAL AHAAN SOOMAALI AH, SADDEX DALNA KA SOO MUUQDAY!Maanta waxaan idinla wadaagayaa sheeko ku saabsan s...
09/10/2026

SADDEX HAWEEN OO ASAL AHAAN SOOMAALI AH, SADDEX DALNA KA SOO MUUQDAY!
Maanta waxaan idinla wadaagayaa sheeko ku saabsan saddex haween ah oo asal ahaan Soomaaliyeed, kuwaas oo magac iyo saameyn ku yeeshay siyaasadda dalal shisheeye.

🇳🇴 Marian Hussein – Norway: Waa siyaasi asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda, kana tirsan Baarlamaanka Norway. Waxay ka mid tahay dadka Soomaaliyeed ee ka dhex muuqda siyaasadda dalkaas.

🇬🇧 Sagal Abdi-Wali – UK: Waa haweeney Soomaaliyeed oo ku kortay Britain, hoggaamisay Golaha Deegaanka Camden, waxaana 8 Oktoobar 2026 loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK.

🇺🇸 Ilhan Omar – USA: Waa xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka, waana mid ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ugu caansan siyaasadda Maraykanka.

Su’aashu waxay tahay: Sidee ayay kula tahay in haween Soomaaliyeed ay ka dhex muuqdaan siyaasadda dalal kala duwan, iyagoo matalaya bulshooyin kala duwan?

Aragtidaada si xushmad leh noogu reeb faallada. 👇

Kaliil Mohamed Khopey

Address

Taleh Str
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when PUNT MADIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share