18/09/2026
Kulankii lagu waday inuu galabta magaaladda Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku dhex maro Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Beesha Xasan Maxamed ee Xawaadle, oo ay abtiyaal u yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaqday, Sababta baaqashada iyo waqtiga dib loogu qabanayo kulanka weli lama shaacin
🔴 Baladweyne oo Berri marti gelinaysa kulan Xasaasi ah oo dhex mari doono Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas iyo Abtiyaasha rasmiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Beesha Xasan Maxamed ee Xawaadle
Waxaa si weyn isha loogu wada hayaa kulanka xasaasiga ah ee berri oo Jimca ah magaaladda Beledweyne ku dhex mari doona Ugaaska Beelaha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyo Beesha Xasan Maxamed oo ka mid ah beelaha Xawaadle ee shirarka muhiimka ah ee wadatashiga ah ka wada magaaladda Beledweyne, xarunta Gobolka Hiiraan.
Kulankan ayaa qayb muhiim ah ka ah kulamadda wadatashiga ah ee Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu la yeelanayo beelaha kale ee Xawaadle, xilli xaaladda siyaasadeed, amni iyo tan bulshada ee Gobolka Hiiraan si gaar ah loo hadal hayo, waxaana si weyn loo sugayaa fariimaha, mowqifyada iyo go’aannadda ka soo bixi kara Berri galab kulanka labada dhinac.
Kulanka berri ayaa si gaar ah u dhex mari doona Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Beesha Xasan Maxamed, oo ah abtiyaasha rasmiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo ka dhigaysa kulankan mid ka duwan kulamadii kale ee Ugaasku la yeeshay beelaha kale ee Xawaadle.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana ku dhow siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Xasan Maxamed, ayaa Hiiraan News Agency u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xiriir gaar ah la sameeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Xasan Maxamed ee ku sugan Magaaladda Muqdisho, Dibadda iyo Nabadoonadda, waxgaradka Beesha Xasan Maxamed ee kulanka la leh Ugaas Yuusuf, isagoo ka codsaday in xaaladda la qaboojiyo, isla markaana la dejiyo xiisadda taagan.
Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la sheegay inuu doonayo in Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif loo gudbiyo farriin gaar ah oo ku saabsan sidii looga wada shaqeyn lahaa dejinta xiisad kasta iyo xaaladaha murugsan ee haatan ka taagan guud ahaan Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, ilo-wareedyo xooggan oo xog-ogaal ah ayaa Hiiraan News Agency u sheegay in abtiyaasha rasmiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee berri galab kulanka la yeelanaya Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay sheegeen inay berri si rasmi ah uga tanaasuli doonaan xiriirka abtinimo ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo la sheegay inay Ugaaska u gudbin doonaan warqad saxiixan oo caddeynaysa mowqifkooda, isla markaana ay sheegeen in wixii ka dambeeya aysan Madaxweynaha la yeelan doonin kulan ama wada-tashi ku salaysan abtinimo.
Fiiro gaar ah:
Beesha Xasan Maxamed ayaa h**ey u soo afjartay khilaafkii adkaa ee soo jiray ee u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, xilli xiriirka labada dhinac uu gaaray heer adag, iyadoo lagu xasuusto Beesha Xasan Maxamed ee Abtiga ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalladaas ayaa qayb ka noqday in dib loo soo celiyo xiriirka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Xasan Sheekh iyo guud ahaan Beesha Xawaadle waxaana halkaasi lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Beesha Xawaadle sanadkii 2019.
Si kastaba ha ahaatee, indhaha ayaa hadda si gaar ah ugu wada jeeda kulanka berri ka dhacaya Beledweyne, iyadoo su’aasha ugu weyn ay tahay waxa kasoo bixi doona wada-hadalka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Beesha Xasan Maxamed ee Abtiga u ah Madaxweyne Xasan Sheekh fariinta ay dhinacyadu kala gudbin doonaan iyo haddii kulanku horseedi doono mowqif cusub oo ku saabsan xaaladda ka taagan Hirshabeelle iyo Hiiraan
Hiiraan News Agency