12/07/2026
Qaabka Xafiiska wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada lacagaha sharci darada uga qaado shacabka iyo acoun-da ay ku dhacaan.
Waxaan weli ku guda jirnaa sidii aan akhristayaasheenna ugu soo gudbin lahayn xaqiiqooyinka iyo dukumiintiyada ay heshay Xiddigta Panorama ee la xiriira sida loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeegyada ka raadsada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Dukumiintiyada aan helnay waxaa ku qornaa lacagaha laga qaado muwaadiniinta, lambarro lagu diro lacagahaas, iyo sidoo kale khidmadaha la xiriira sameynta taargooyinka noocyada kala duwan ee gaadiidka iyo soo saarista buugaagta gaadiidka.
Markii ay Xiddigta Panorama heshay dukumiintiyadan, waxaan isku daynay inaan la xiriirno Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Waxaan u dirnay nuqullo ka mid ah dukumiintiyada iyo su'aalo la xiriira xogta ku jirta, hase yeeshee wax jawaab ah k**a aanu helin.
Halkaan waxaa ku lifaaqan qoraalkii loo diray Agaasimaha Guud, kaas oo ay heshay Xiddigta Panorama.
Warbixinta waxaa sidoo kale la socda sawir (screenshot) laga qaaday EVC Plus oo muujinaya lacag lagu sheegay in loo diray cusbooneysiinta laysanka.
Lacagaha la sheegay in laga qaado adeegyada taargooyinka
Warbixinno ay heshay Xiddigta Panorama ayaa sheegaya in adeegyada taargooyinka gaadiidka ay ka jiraan lacago dheeraad ah oo la sheegay in laga qaado muwaadiniinta, kuwaas oo ka baxsan khidmadaha rasmiga ah.
Taargooyinka Mootooyinka
Sida xogta la helay sheegeyso, taargooyinka mootooyinka waxaa loo kala saaray saddex qaybood, iyadoo nooc kasta laga qaado lacag u gaar ah.
1. Mooto Fekon (Laba Lugood)
Lacagta guud: $370
$72.5 – Wasaaradda Maaliyadda
$100 – Taraafikada
$197.5 – Sida xogtu sheegeyso, waxaa qaata shirkadda gacanta ku haysa adeegga.
2. Mooto Xamaali (Boxer)
Lacagta guud: $270
$90.5 – Wasaaradda Maaliyadda
$179.5 – Sida xogtu sheegeyso, waxaa qaata shirkadda gacanta ku haysa adeegga.
3. Mooto Bajaaj
Lacagta guud: $300
$90.5 – Wasaaradda Maaliyadda
$209.5 – Sida xogtu sheegeyso, waxaa qaata shirkadda bixisa adeegga taargooyinka Bajaajta.
Lacago kale oo la sheegay in laga qaado. Warbixintu waxay sidoo kale tilmaameysaa inay jiraan lacago kale oo la sheegay in laga qaado adeegyada taargooyinka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Beddelka taargo: $200.
Diiwaangelinta gaadiidka aan lahayn taargooyinka (kuwa yaalla gudaha ama bannaanka magaalada): $300.
Duplicate (Nuqul taargo): $80 halkii taargo.
Sidoo kale, xogta la helay waxay sheegaysaa in taargooyinka mootooyinka aan inta badan si degdeg ah loo bixin. Sida lagu sheegay warbixinta, codsiyada ayaa la isku ururiyaa ka hor inta aan hal mar la farsameyn, taasoo keenta in bixinta taargooyinka ay qaadato ugu yaraan laba toddobaad.
Sida xogtan ku xusan, waxaa la sheegay in $30 oo ka baxsan khidmadda rasmiga ah laga qaado muwaadiniinta, isla markaana lagu diro lambarka +252 61 5279792. Waxaa sidoo kale jira lambar kale oo Somnet ah oo la sheegay in lagu shubo khidmadaha dheeraadka ah, inkastoo Xiddigta Panorama aysan weli si rasmi ah u helin lambarkaas.
Waxaa kale oo la sheegay in lambarka +252 61 5734804 lagu shubo lacagaha ka baxsan khidmadaha rasmiga ah ee la xiriira adeegyada taargooyinka, sida beddelka taargada oo lagu qaado $200 iyo diiwaangelinta gaadiidka aan lahayn taargooyinka ee yaalla gudaha ama bannaanka magaalada oo lagu qaado $300.
Arrinta duplicate-ka lama helin faahfaahin dheeraad ah, hase yeeshee xogta la helay waxay sheegeysaa in uu qaabilsan yahay shaqaale lagu magacaabo Cabdirashiid, oo ka shaqeeya xafiiska Agaasimaha Guud, isla markaana halkii taargo laga qaado $80.
Sida xogtu sheegeyso, waxaa jira habab kale oo lagu ururiyo lacagahaas, inkastoo Xiddigta Panorama ay weli waddo xaqiijinta xogahaas iyo ururinta dukumiintiyo dheeraad ah.
La soco qeybta 5-aad.
W/Q: Cali Muxiyaddiin Cali