03/02/2026
Maxay dhab ahaan Iiraan isku dayaysaa inay sameyso?
Horraantii maanta, lix doonyood oo Iiraan ay leedahay ayaa isku dayay inay fuulaan markab shidaal oo wata calanka Mareykanka, xilli uu marayay Marinka Hormuz.
Intaa kaddib, Iiraan waxay dirtay diyaarado aan duuliye lahayn oo ku dul-wareegay markab diyaaradaha qaada oo Mareykan ah oo ku sugnaa Gacanka Cumaan.
Afhayeen u hadlay taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ,Kabtan Tim Hawkins ayaa dhacdaaan kadib soo baxay, isagoo ka hadlay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay soo today diyaarad F-35 ah oo Mareykanka uu leeyahay oo ka dul kacday markabka USS Abraham Lincoln. Wuxuu intaa ku daray in markabku uu ku sugnaa qiyaastii 500 mayl (ku dhowaad 800 km) ka baxsan xeebaha Iiraan, xilliga ay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Iiraan u soo dhowaatay iyadoo leh ujeeddo aan caddayn.
Mar kale, warar ayaa soo baxay sheegaya in Iiraan ay Mareykanka u sheegtay: “Ma rabno inaan idin kula kullano Turkiga, haddii aad rabtaan wada-xaajood, aan ku kulanno Cumaan.”
Iiraan si rasmi ah ayay u qiratay dhacdadii doonyaha, balse waxay ku dooday in markabka shidaalka uu galay biyaha ay iyadu sheegato.
Arrinta diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee dul-wareegtay markabka Mareykanka ah, Iiraan wax hadal ah k**a aysan soo saarin.
Si kastaba, qof kasta oo si dhow ula socda waxa u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan wuu ogyahay in Iiraan ay tallaabooyin noocan ah marar badan sameyso. Laakiin markan, marxaladan waxay halis u tahay inay dagaal keento, taas oo khatar weyn ah.
Qodobka ugu xiisaha badan ayaa ah doorka Turkiga. Turkigu wuxuu sameeyay dadaal ballaaran si looga hortago dagaal ka dhex qarxa Iiraan iyo Mareykanka. Wuxuu Turkiga ku baaqay wada-xaajood, wuxuuna muujiyay diyaar u ahaansho in dhulkiiisa lagu qabto wadahadallada, xitaa Erdogan iyo Hakan, waxay kulamo kulamo dhowr ah la yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Iiraan.
Markii Mareykanku aqbalay in wadahadallada lagu qabto Turkiga, ayaa haddana warar soo baxeen sheegaya in Iiraan ay diidday, iyadoo tiri:
“Ma doonayno wadahadallo ka dhaca Turkiga; haddii wada-xaajood jiro, ha ka dhaco Cumaan.”
Intaas kaliya ma aha Iiraan waxay sidoo kale ku xirtay shuruud ah in wadahadalladu ku koobnaadaan keliya arrinta nukliyeerka, lagana reebo qodobo kale.
Waxay u muuqataa in Iiraan ay sameysay xeelad daqiiqaddii u dambeysay, taas oo su’aalo badan dhalisay.
Ugu dambayn, waxaa la sugayaa sida Mareykanku arrintan u arki doono. Sidaas darteed, waxaa suuragal ah in goor dhow la maqlo ama la akhriyo hadal ka soo yeera madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo la xiriira wixii dhacay iyo mowqifka Mareykanka.