13/05/2026
Maxaa kasoo baxay shirkii Xalane?
Wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeyay beesha caalamka, Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa si weyn diiradda u saaray mustaqbalka hannaanka doorashooyinka dalka iyo sidii Soomaaliya ugu gudbi lahayd nidaamka qof iyo cod.
Sida lagu sheegay xogaha kasoo baxaya kulamadaasi, qorshaha la soo jeediyay ayaa dhigaya in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u soo doortaan masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda. Waxaa qorshaha ku jira in laga bilaabo goleyaasha deegaanka, guddoomiyeyaasha gobollada, xubnaha Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, madaxda Dowlad Goboleedyada, iyo sidoo kale Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, dhammaantood lagu soo doorto codka shacabka, halkii laga adeegsan lahaa nidaamka dadban ee ku dhisan awood qaybsiga qabiilka.
Qorshaha la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh soo bandhigay ayaa sidoo kale dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay inuu difaacayay nidaamka qof iyo cod isaga oo ku tilmaamay waddada ugu habboon ee lagu xoojin karo dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka shacabka ee siyaasadda dalka.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mucaaradka siiyay muddo hal sano ah si ay usoo bandhigaan hannaan kale oo doorasho haddii aysan ku qanacsanayn nidaamka qof iyo codka ah. Tallaabadan ayaa loo fasiranayaa isku day siyaasadeed oo lagu dejinayo xiisadaha isla markaana lagu sii ambaqaadayo qorshaha dib u habeynta doorashooyinka.
Natiijada kasoo baxday wada-hadalladan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada in dowladda hadda jirta ay sii joogto muddo hal sano dheeraad ah, inta ay dhinacyada siyaasadda ka gaarayaan heshiis rasmi ah oo ku saabsan hannaanka doorashada dalka. Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in mucaaradka uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo ku qasbaya inay mideeyaan mowqifkooda ama ay la jaanqaadaan qorshaha dowladda ee ku wajahan doorasho qof iyo cod ah.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay gudaha iyo dibaddaba ka jirto cadaadis lagu doonayo in dalka uu yeesho hannaan doorasho oo xasilloon, lagu kalsoonaan karo, islamarkaana loo dhan yahay, si looga gudbo khilaafaadka siyaasadeed iyo nidaamyadii doorashooyinka dadban ee muddooyinka badan soo jiray.