Xaali

Xaali Listen In, Learn On.

Fahanka Arrimaha SirdonkaQoraa : Mr. Daacad Mahad Cilmi_______________________________________________________CUTUBKA 1A...
29/08/2024

Fahanka Arrimaha Sirdonka
Qoraa : Mr. Daacad Mahad Cilmi

_______________________________________________________

CUTUBKA 1AAD: SIRDOONKA IYO FAHANKIISA :-

Waaa maxay Sirdoon?
 Sirdoonka waa eray loo adeegsado qeexidda xog-aruurinta nidaamsan oo ku saabsan helidda dhaqaale iyo sir siyaasadeed.

Magacyada loo yaqaano Sirdoonka?
 Sirdoone.
 Wardoone.
 Basaas.
 Riiga shanaad.
 Jaajuus.
 IWM
Waa maxay shaqada Sirdoonka?
 Raadinta xog xasaasi ah.
 Soo aruurinta xog daahsoon (qaarsoon) iyo soo gudbinta xogta ay soo heleen .
 Si loo ilaaliyo loona xaqiijiyo amniga markaas uu dalku leeyahay.
 Haddii aynu fiirino halista uu qofka Sirdoonka ah uu maraayo nafta qofka Sirdoonka waxa ay ku xirantahay hal qalad uu galo qofkaas.
Arrimaha ugu waaweyn ay qabtaan Sirdoonka?
 Ogaanshiyaha dagaalka ka dhalan kara dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.
 Ogaanshiyaha cadowga qarsoon.
 Ilaalinta xoga ama siraha gaarka ah ee waddanku leeyahay.
 Ka hor taga iyo gacan ku dhigista basaasiinta shisheeye.
 Fulinta howlaha halista ah.
Qeybaha Sirdoonka u kala baxo?
 Maamul iyo Hogaan oo ay kusoo dhacaan dhamman warbixinada Sirdoonka ay soo helaan ahna isku xirka laamaha hay’adaha iyo fududeenta iyo fulinta dhaq-dhaqaaqyada holaha Sirdonka.
 Madaxda holgalada waxay u xilsaaranyihiin kiisaska kala duwan oo mid kasta leeyahay saamayntiisa, inta badanna waxaa laga dhigaa saraakiil aqoon uleh dhinaca military-ga iyo arrimaha dibadda.
 Sirdoonka daahsoon(Qarsoon) Sirdoonkani waa xubin katirsan sirdoonka oo loogu tala galay inuu dadka oo kle u dhaqmo hadana soo gudbiyo xogta mucaaradka hubeysan iyo kuwa xag jirsan.
Qalabyada casriga ah ay adeegsadaan, si ay u ogaadaan xogo badan?
 Qalabka lagu xiro baburta, guryaha, iyo xafiisyada dadka la baarayo.
 Camera-da qarson.
 Qalabka codad ka lagu duubo.
 Jabsashada accounts-ka iyo la socoshada dhaq-dhaqaaqa accounts-ka dadka laga shakisanyahay.
 Jabsashada mobile-da iyo computer-da dadka lagu haayo daba galada, iyadoo laga haysto oggolansho dhanka sharciga dowladda.
Sidee lagu noqdaa Sirdoon?
 Waa inaad udhalatay waddanka aad wax usoo basasesid.
 Waa inaad naftaada u huri kartid dalkaaga.
 Waa inaad tahay qof dhaqaale doon ah.
 Waa inaad tahay qof dhiirranaan iyo maskax furnaanba leh.
 Waa inaad leedahay xirfado bdn aad ku shaqeesan karto.
Dadka loo qaato Sirdoonka?
 Qayb loo qaato dalka gudahiisa.
 Qayb loo qaato sida ay daboolka uga qaadi lahaayeen xogaha dalalka shisheeye ee qarsoon.
Hadafka Sirdoonka laga leeyahay maxay tahay?
 Xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gudaha iyo dibadda ee dalku leeyahay iyo lasocoshada arrimaha qatarta ah ee dibadda ka imaan karta.
Shirqoolada ay fuliyaan Sirdoonada?
 Xadida sir ama xog muhiim ah.
 Qarxinta goobo muhiim ah.
 Baajinta qorshe muhiim ah.
 Dilidda shaqsiyaad muhiim ah.
Dadka hay’adaha Sirdoonka aad u daneeyaan?
 Dadka la shaqeeya madaxda sare.
 Dadka la shaqeeya ha’adaha Sirdoonka ee dalku markaas leeyahay.
 Dadka la shaqeeyo wasaaradaha qalabka ciidamada soo saaro
 Dadka la shaqeeyo wasaaradaha dhaqaalaha badan soo saaro.
 Dadka ka shaqeeyo garoomada diyaaradaha.
 Dadka la shaqeeyo dakadaha.
 Gabdhaha aadka u qurux badan.
 Gabdaha fur-furan oo is dhax galka ku wanaagsan.
 Gabdhaha madaxda ka ag dhaw oo laga shakineen.
 Dadka leh hal-adeega : Hal adeegnimadu waa in aysan sinna uga bixin sirta wadankiisa xittaa haddii si kasta loo ciqaabo qofkaasi.
 Dadka aad ka u garaadka ama caqliga badan.
Hababka ay wax u dilaan?
 Sun cuntada in loogu daro qofka la beegsanaayo.
 Sun inee qofka jirka umariyaan.
 Inee qofka ku duraan cirbad sun ah.
 Qaab toogasho ah inee ku dilaan qofka.
 Ceeji inee ku dilaan qofka.
 Inee sun sanka u mariyaan qofka.
 Koronto iney u adeegsadaan qofka.
Tababarada la siiyo?
 Qaabka sirta loo aruuriyo.
 Qaabka sirta loo gudbiyo.
 Sida waajibaadka loo fuliyo.
 Sidoo kale waxaa lagu tababaraa qalabyada oo adegsadan oo kala ah:-
o Sida warqadaha aan waxba laga arken wax loogu qoro.
o Daawooyinka muujiya qoraallada qarsoon qaabka loo isticmalo.
o Qalabyada wax lagu duubo iyo kuwa wax lagu dhageysto.
Diin ahaan iyo Dastuur ahan maxaa laga qabaa?
 Diin ahaan iyo Dastuur ahaanba waxay ka wada simanyihiin inee Danbi weyn tahay.
 Diinteena islaamka hal mar aye banaeysay basaasnimada waa marka lasoo basaasayo cadowga kazoo horjeedo diinteena islaamka.
 Marka laga fiiriyana dhanka dastuurkana waaa danbi weyn ciqaabtiisuna waa dil ama xabsi daa’in.
 Waxaa jiro hal hab ay isku haleynayan basasinta oo ku dhiiri galisa inay howshaas halista ah galaan waana Basaas is dhaafsi.

Qeybta 1aad : https://www.youtube.com/watch?v=mtAocwXvimE

La soco qeybta xigta I.a

MAHADSANID.

W/Q Abdirahim Ali (Xaali).

Ummadaha JirrabanQoraa: Dr. Kariim DarwiishTurjume: Aadan-Badiic________________________________________________HORDHACB...
21/08/2024

Ummadaha Jirraban
Qoraa: Dr. Kariim Darwiish
Turjume: Aadan-Badiic

________________________________________________

HORDHAC
Buuggan Magaciisu Yahay "Ummadaha Jirraban" Wuxuu Iftiiminayaa Oo Lafagurayaa Aafo Caalami Ah Oo Ka Mid Ah Dhibaatooyinka Ugu Waaweyn Ee Soo Jireenka Ah, Maantana Ummadaha Dunida Daafaheeda Ku Kala Nool Qaarkood Ay Hafisay, Qaarna Ay Kasoo Kabanayaan Gaboodfalladdii Ay U Gaysatay, Taas Oo Ah Aafada Kelitalisnimada.

CUTUBKA 1-AAD: HAB DHAQANKA KELITALISNIMIDA :-

Waaa maxay kelitlisnimo?
Kelitalisnimo: waa ku takrifalidda awoded ee qof ama koox ay si bareer ah kula kacaan xuquuqda bulshada, Iyagoo aan wax baqdin ah ka qabin cid kale oo daba gasha ama ka sarraysa.

Saameynta kelitalisnimada ay bulshada ku leedahay?
- Soo bixitaanka dabaqadda yar.
- Kororka saboolnimida iyo jahli bulshada ku baaha.
- Hoos udhac joogto ah oo ku yimaadda tayada hay’adaha dowladda.
- Ugu dambayn dalkaasi wuxuu noqdaa mid dowladiisu fashilanta.

CUTUBKA 2-AAD: DANAHA KELITALISNIMIDA :-

Kelitaliyashu maxay awoodda io cabburinta u adeegsadaan?
Sababtu waxay tahay inuu u arko kelitaliyuhu wax ku ool inay u tahay, waxayna usuuro gelisaa gaaristiisa iyo yoolkiisa, oo ah :
- Bur-burinta heybta iyo midnimida bulshada.
- Jaahileynta bulshooyinka iyo fasahaadinta waxbarashada:
o Bulsho aan aqoon lahayn wey ku adagtahay inay kala saarto xaq iyo baadil.
o Bulsho aan aqoon lahayn wey ku adagtahay inay ogaato ama ay ka salgaarto dhibka haysto.
o Aqoon la’aanta waxay dammaanad qaad u tahay in siyaasadda iyo dhaqaalaha ay noqdaan kuwo aan is bed-beddalin oo markasta ku sugnaada hal xaalad, waana wax aan suurta gal ahayn.
- Sabooleynta bulshada.
- Fasahaadinta diinta iyo qiyamka.

CUTUBKA 3-AAD: HABABKA LOOLA DAGAALAMI KARO KELITALISNIMIDA :-

Hogaamiye-yaal toolmoon in loo sameeyo bulshada.

Isbeddalka bulshada in laga shaqeeyo :
- Mideynta bulshada.
- Diinta iyo anshaxa bulshada.
- Fidinta aqoonta iyo saqaafadda.
- La dagaalanka saboolnimida.
- Tarbiyaddii maliyadeed ee sunnadii Nabi MOHAMED (NNKH).

Hormuudka isbeddalka, In bulshada laga beddalo dhinacyo badan hadday ahaan lahayd:
- Dhinaca rumeynta shareecada.
- Dhinaca xirfadda aqooneed.
- Dhinaca maadiga ah.

Garashada waaqica iyo dabeecadda guusha :
- Muuqaalka guusha:
o In la gaaro xukunka.
o In lala wareego oo gacanta lagu dhigo xukunka.
o In xukunka lagu xidideysto.

Sababaha awoodda ukeenaayo kelitaliyaha in laga hor tago.

GEBAGABO
Buuggaan (Ummadaha Jirraban) ah Marki lasoo koobo wuxuu ka hadlayaa oo looga jawaabayaa seddax su’aalood oo keliya :-

1. Waa maxay Kelitelisnimo?
 Kelitalisnimada : Waa ku takrifalka awoodeed ee qof ama koox ay ku xad gudbaan xuquuqda bulshada si bareer ah, iyaga oo aan wax baqdin ah ka qabin cid kle oo daba gasha ama ka sarreysaa.

2. Waaa maxay ujeedooyinka Kelitaliyaha?
 Inuu bur-buriyo midnimada bulshada oo ay ku jirto haybta iyo hal doorka bulshada mideeya:
o Inuu fasahaadiyo aqoonta iyo waxbarashada.
o In dhaqaalaha dalka uu bur-buriyo.
o Inuu dadka ka jeediyo diinta iyo qiyamka.

3. Sidee ugu Takhallusi karnaa?
 Trbiyeynta iyo kor uqaadidda hogaamiyayaal ruuxi ah kuwaas oo ay bulshada kusoo hirtaan.
 Tarbiyeynta hormuud isbeddalka kuwaasoo dadka kale duwani iimaan qoto dheer, aqoon badan, xirfad, khibrad, iyo tayo maaddi ah.
 La shaqeynta bulashada si cududdooda loo mideeyo, si loogu xiro diintooda iyo qiyamtooda.
 La dagaalanka jahliga iyo saboolnimada.
 Ugu dambeyn qaadashada sababaha awoodda uu ubaahanyahay is beddalku, hadday ahaan lahayd mid maaddi, mid tiknoolajiyadeed, mid xogeed, iyo mid awood huweed.

DHAMMAAD.

Asagoo qaab muuqaal / maqal ahna kasoo daawo youtube channal keyga: https://www.youtube.com/watch?v=8C1pVCxQUPA

-MAHADSANID.-

Address

Juungal, Deg. Yaaqshiid
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xaali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share