29/08/2024
Fahanka Arrimaha Sirdonka
Qoraa : Mr. Daacad Mahad Cilmi
_______________________________________________________
CUTUBKA 1AAD: SIRDOONKA IYO FAHANKIISA :-
Waaa maxay Sirdoon?
Sirdoonka waa eray loo adeegsado qeexidda xog-aruurinta nidaamsan oo ku saabsan helidda dhaqaale iyo sir siyaasadeed.
Magacyada loo yaqaano Sirdoonka?
Sirdoone.
Wardoone.
Basaas.
Riiga shanaad.
Jaajuus.
IWM
Waa maxay shaqada Sirdoonka?
Raadinta xog xasaasi ah.
Soo aruurinta xog daahsoon (qaarsoon) iyo soo gudbinta xogta ay soo heleen .
Si loo ilaaliyo loona xaqiijiyo amniga markaas uu dalku leeyahay.
Haddii aynu fiirino halista uu qofka Sirdoonka ah uu maraayo nafta qofka Sirdoonka waxa ay ku xirantahay hal qalad uu galo qofkaas.
Arrimaha ugu waaweyn ay qabtaan Sirdoonka?
Ogaanshiyaha dagaalka ka dhalan kara dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.
Ogaanshiyaha cadowga qarsoon.
Ilaalinta xoga ama siraha gaarka ah ee waddanku leeyahay.
Ka hor taga iyo gacan ku dhigista basaasiinta shisheeye.
Fulinta howlaha halista ah.
Qeybaha Sirdoonka u kala baxo?
Maamul iyo Hogaan oo ay kusoo dhacaan dhamman warbixinada Sirdoonka ay soo helaan ahna isku xirka laamaha hay’adaha iyo fududeenta iyo fulinta dhaq-dhaqaaqyada holaha Sirdonka.
Madaxda holgalada waxay u xilsaaranyihiin kiisaska kala duwan oo mid kasta leeyahay saamayntiisa, inta badanna waxaa laga dhigaa saraakiil aqoon uleh dhinaca military-ga iyo arrimaha dibadda.
Sirdoonka daahsoon(Qarsoon) Sirdoonkani waa xubin katirsan sirdoonka oo loogu tala galay inuu dadka oo kle u dhaqmo hadana soo gudbiyo xogta mucaaradka hubeysan iyo kuwa xag jirsan.
Qalabyada casriga ah ay adeegsadaan, si ay u ogaadaan xogo badan?
Qalabka lagu xiro baburta, guryaha, iyo xafiisyada dadka la baarayo.
Camera-da qarson.
Qalabka codad ka lagu duubo.
Jabsashada accounts-ka iyo la socoshada dhaq-dhaqaaqa accounts-ka dadka laga shakisanyahay.
Jabsashada mobile-da iyo computer-da dadka lagu haayo daba galada, iyadoo laga haysto oggolansho dhanka sharciga dowladda.
Sidee lagu noqdaa Sirdoon?
Waa inaad udhalatay waddanka aad wax usoo basasesid.
Waa inaad naftaada u huri kartid dalkaaga.
Waa inaad tahay qof dhaqaale doon ah.
Waa inaad tahay qof dhiirranaan iyo maskax furnaanba leh.
Waa inaad leedahay xirfado bdn aad ku shaqeesan karto.
Dadka loo qaato Sirdoonka?
Qayb loo qaato dalka gudahiisa.
Qayb loo qaato sida ay daboolka uga qaadi lahaayeen xogaha dalalka shisheeye ee qarsoon.
Hadafka Sirdoonka laga leeyahay maxay tahay?
Xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gudaha iyo dibadda ee dalku leeyahay iyo lasocoshada arrimaha qatarta ah ee dibadda ka imaan karta.
Shirqoolada ay fuliyaan Sirdoonada?
Xadida sir ama xog muhiim ah.
Qarxinta goobo muhiim ah.
Baajinta qorshe muhiim ah.
Dilidda shaqsiyaad muhiim ah.
Dadka hay’adaha Sirdoonka aad u daneeyaan?
Dadka la shaqeeya madaxda sare.
Dadka la shaqeeya ha’adaha Sirdoonka ee dalku markaas leeyahay.
Dadka la shaqeeyo wasaaradaha qalabka ciidamada soo saaro
Dadka la shaqeeyo wasaaradaha dhaqaalaha badan soo saaro.
Dadka ka shaqeeyo garoomada diyaaradaha.
Dadka la shaqeeyo dakadaha.
Gabdhaha aadka u qurux badan.
Gabdaha fur-furan oo is dhax galka ku wanaagsan.
Gabdhaha madaxda ka ag dhaw oo laga shakineen.
Dadka leh hal-adeega : Hal adeegnimadu waa in aysan sinna uga bixin sirta wadankiisa xittaa haddii si kasta loo ciqaabo qofkaasi.
Dadka aad ka u garaadka ama caqliga badan.
Hababka ay wax u dilaan?
Sun cuntada in loogu daro qofka la beegsanaayo.
Sun inee qofka jirka umariyaan.
Inee qofka ku duraan cirbad sun ah.
Qaab toogasho ah inee ku dilaan qofka.
Ceeji inee ku dilaan qofka.
Inee sun sanka u mariyaan qofka.
Koronto iney u adeegsadaan qofka.
Tababarada la siiyo?
Qaabka sirta loo aruuriyo.
Qaabka sirta loo gudbiyo.
Sida waajibaadka loo fuliyo.
Sidoo kale waxaa lagu tababaraa qalabyada oo adegsadan oo kala ah:-
o Sida warqadaha aan waxba laga arken wax loogu qoro.
o Daawooyinka muujiya qoraallada qarsoon qaabka loo isticmalo.
o Qalabyada wax lagu duubo iyo kuwa wax lagu dhageysto.
Diin ahaan iyo Dastuur ahan maxaa laga qabaa?
Diin ahaan iyo Dastuur ahaanba waxay ka wada simanyihiin inee Danbi weyn tahay.
Diinteena islaamka hal mar aye banaeysay basaasnimada waa marka lasoo basaasayo cadowga kazoo horjeedo diinteena islaamka.
Marka laga fiiriyana dhanka dastuurkana waaa danbi weyn ciqaabtiisuna waa dil ama xabsi daa’in.
Waxaa jiro hal hab ay isku haleynayan basasinta oo ku dhiiri galisa inay howshaas halista ah galaan waana Basaas is dhaafsi.
Qeybta 1aad : https://www.youtube.com/watch?v=mtAocwXvimE
La soco qeybta xigta I.a
MAHADSANID.
W/Q Abdirahim Ali (Xaali).