17/08/2024
SHIRKA ARRIMAHA HORUMARINTA CIIDANKA XDS.
Waxaa maanta xarunta Howlgallada Wadajirka ah ee Ciidanka XDS (SNAF JOC), ka qabsoomay Shirka arrimaha horumarinta Ciidanka XDS iyo saaxiibada Soomaaliya ka teegara arrimaha Ciidamada, kulankaan ayaa noqonayaa kulankii 6-aad ee looga doodaayo sidii loo dardargelin lahaa horumarinta Ciidanka XDS iyo la dagaalanka Argagixisada si loo gaaro hadafka ah in Argagixisada laga ciribtiro Soomaaliya.
Shirka waxaa Taliska Ciidanka XDS uga qeyb galay Taliyaha Ciidanka Gaarka ee XDS, Taliyaha Taliska Tababarada XDS, Taliyaha sahanka iyo Sirdoonka XDS, Taliska Taakuleynta XDS iyo Hoggaanka Qorsheynta Ciidanka XDS.
Sidoo kale dhinaca saaxiibada Soomaliya ka taageera arrimaha ciidamada waxaa shirka uga qey-galay wakiillo ka socday AU (ATMIS), EU (EUTM-S & EUCAP), Türkiye (TURKSOM), UAE, UK (UK-MAG & UK-Op TANGHAM), UN (UN Maritime SSR, UNSOM, UNSOS & UNOPS), iyo US (US-MAG, OSC, USSOCOM).
Shirka waxaa diiradda lagusaaray:
1. Dhisidda awoodaha ciidanka XDS si cadawga looga sifeeyo guud ahaan dalka loona helo amni gacanta lagu hayn karo.
2. Horumarinta iyo xoojinta awoodaha si loo daboolo baahiyaha hadda jira iyo awoodaha mustaqbalka Ciidanka XDS u baahanayahay.
3. Dardar gelinta iyo qiimeynta sida dalka gudihiisa looga howlgalin lahaa xarun dhaxe ee bixisa Tababarada Ciidanka XDS, si sare looga qaado xaaladda diyaargarowga Ciidanka loona joogteeyo heerka tababarada Ciidanka XDS, looga maarmo Tababarada askarta dalka dibaddiisa loogu qaado.
4. Tababaridda iyo diyaarinta colalka qeybaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.
5. Dardar gelinta iyo Taageerada Howlgallada cadowga Dalka looga xureynaayo.
6. Mudnaan-siinta mashaariicda Horumarineed ee awood dhiska Ciidanka XDS uu u baahanyahay, qaasatan iyadoo la raacayo Qaraaradii kasoo baxay shirka Amniga Soomaaliya ee DEC-23 New York iyo Qorshaha Horumarinta Ciidanka XDS.
7. Taageerida isku-duwidda iyo is-waafajinta Horumarinta mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinaayo Ciidanka XDS.
Waxaa shirka soo xeray una mahadceliyay dhammaan kasoo qeybgalayaasha, Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee XDS, S/Guuto Axmed Cabdullahi Shiikh (Axmed DANAB).