Xogwaran News

Xogwaran News Fadlan Nasoo Follow garee si aysan Wararkeena danbe kuu Seegin Mahad sanid. Xogwaran News Waa Warbahin madax banaan
(1)

 :πŒπ€π€πŒπ”π‹πŠπ€ π†πŽππŽπ‹πŠπ€ ππ€ππ€π€πƒπˆπ‘ 𝐎𝐎 π‚π€π’π‡πŽ 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐀𝐅 πŠπ” πŒπ€π€πŒπ”π”π’π€π˜ 𝐃𝐔𝐐𝐀 πŒπ€π†π€π€π‹π€πƒπ€ ππ‘πˆπ’π“πŽπ‹Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ah...
10/08/2026

:πŒπ€π€πŒπ”π‹πŠπ€ π†πŽππŽπ‹πŠπ€ ππ€ππ€π€πƒπˆπ‘ 𝐎𝐎 π‚π€π’π‡πŽ 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐀𝐅 πŠπ” πŒπ€π€πŒπ”π”π’π€π˜ 𝐃𝐔𝐐𝐀 πŒπ€π†π€π€π‹π€πƒπ€ ππ‘πˆπ’π“πŽπ‹
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyay Duqa Magaalada Bristol ee dalka Britian Mudane Yaasiin Maxamuud oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan-yahay kartida Soomaalida qurba-joogta ah gaar ahaan kuwa heerarka wanaagsan ka gaaray siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin, waxa uuna xusay in uu xoojin doonno xiriirka Magaalooyinka Muqdisho iyo Bristol si loogu faa’ideysto aqoonta iyo waaya-aragnimada, taasi oo wax weyn ka tari karta horumarinta maamulka magaalooyinka iyo casriyeynta adeegyada bulshada.

Duqa Magaalada Bristol Mudane Yaasiin Maxamuud ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo maamuuska uu u sameeyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), asigoona Madaxda DFS iyo kan Gobolka Banaadir ku ammaanay horumarka iyo amniga ka jira dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doonno dhisidda xiriir miro-dhal ah oo u dhexeeya Bristol iyo Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha XFS, Wasiir Kuxigeenka Howlaha Guud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka JFS, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxda Dallada Bulshada Rayidka, Odayaasha dhaqanka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir, Agaasimeyaal, Haween, Dhallinyaro iyo marti sharaf kale.

Maanta oo kale, 4 sano ka hor!Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Abshir, ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, isaga oo kamid ...
10/08/2026

Maanta oo kale, 4 sano ka hor!

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Abshir, ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, isaga oo kamid ahaa shaqsiyaadkii tiir-dhexaadka u ahaa dib ugu soo laabashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee hoggaanka dalka.

Dhuusamareeb: Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, Gaashaanle Sare Cabdiasis Xuseen Maxamed, ayaa gaaray Dhuusama...
10/08/2026

Dhuusamareeb: Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, Gaashaanle Sare Cabdiasis Xuseen Maxamed, ayaa gaaray Dhuusamareeb, halkaas oo uu u yimid hawlo shaqo iyo kormeer la xiriira howlaha ciidanka.

Taliyaha ayaa kulamo la qaatay saraakiisha iyo ciidamada Danab ee ka howlgala deegaanka, isagoo kala hadlay dardargelinta howlaha ciidanka, xoojinta isku-xirka cutubyada, ilaalinta diyaar-garowga iyo gudashada waajibaadka loo igmaday.

Booqashada Taliyaha ayaa qayb ka ah kormeerka iyo hagidda howlaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo diyaar-garowga ciidamada iyo fulinta waajibaadka amni.

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay ...
10/08/2026

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood, iyo doontooda Maanya Mooya oo ka shaqeysa dhoofinta kalluunka Soomaaliya ayago gaarsiiya suuqyada caalamka.

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa bogaadiyay shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday maalgashiga iyo dhoofinta khayraadka dalka, isagoo sheegay inay ka go’antahay dhiirrigelinta iyo fududeynta ganacsiga, iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo ganacsatada wax dhoofisa, si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha dalkeenna.

Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe oo Gaadiidka Xamuulka usamaysay Qorshe Cusub.Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe o...
10/08/2026

Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe oo Gaadiidka Xamuulka usamaysay Qorshe Cusub.

Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe oo kaa shanaysa Tarafikada Gobolka Nugaal iyo Shirkada Necsom ayaa Gaadiidka Xamuulka qaada gaar ahaan kuwa aan rarka dajinayn u astaysay in maraan Wadooyin Goonis ah si loo yareeyo Jaamka Fardaha badan iyo Shilalka Gaadiidka ee Magaalada

Gaadiidka ayaa loo qorsheeyay kuwa kasoo galaya Dhinaca Galbeed inay ka Leexdaan Wadada Shacabka ilaa Sodonka kana baxaan Laamiga Necsom ee Dhinaca Bari uga Dhaca Laamiga weyn ee Caasimadda.

Gaadiidka kasoo galaya Dhinaca Bari ee Magaalada ayaa iguuna loo asteeyay in ay ka leexdaan Wadad Necsom kana laabtaan Jidinka Iyagoo ka baxaya Wadada Shacabka.

Madaxa Gaadiidka iyo Taliyaha Taraafilada Gobolka Nugaal L/X/Le
Maxamed Sanwayne Cismaan ayaa Booqdey Kantroolada Iyagoo Ku dhajiyay Boorar tilmaamaya Wadooyinka ay marayaan.

10/08/2026

Jaamac"Waan iska Casilay Xilkasta oo aan ka haayey Dowlada Somaaliya iyo Ururka JSP”.

 :Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ...
10/08/2026

:Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sarre oo ka socda Hay'adda Refugees International oo uu hoggaaminayay Madaxa Hay'adda Mudane Jeremy Konyndyk .

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Hay'adda Refugees International oo fadhigeedu yahay magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha Bani’aadanimada , Abaaraha, Qaxootiga iyo Barakacayaasha .

Waxaa kulanka ka qeyb galay Wasiiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Xirsi Qarjab iyo Wasiiru Dowlaha Waaaaradda Qorshaynta Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

GUDDIGA MADAXA-BANNAAN EE DOORASHOOYINKA QARANKA IYO SOOHDIMAHA OO KULAN LA QAATAY BEESHA CAALAMKAGudoomiyaha Guddiga Ma...
10/08/2026

GUDDIGA MADAXA-BANNAAN EE DOORASHOOYINKA QARANKA IYO SOOHDIMAHA OO KULAN LA QAATAY BEESHA CAALAMKA

Gudoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, oo ay waheliyaaan Komishanar Cabdi Cadow, Komishanar Maxamed Amiiin Xasan iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Xuseen Nuunow Cali ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha calamka.

Kulankan xogsiinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirada wadamada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkey, Ethopia, Kenya, Sudan iyo Masar, sidoo kale Xubno ka socday hay’adaha caalamiga sida Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashi Islaamka ayaa looga hadlay ariimaha Doorashooyinka.

Gudoomiyaha Guddiga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ugu horreyn khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qobsoomay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ugu muhiimsanaayeen Doorashooyinki Golaha Deegaanka ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, iyo Doorshooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Degeenka iyo Golaha Wakiilada ee ka qabsoomay Dawlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Doorashooyinka isku-sidkan ee qorsheysan inay ka qabsoomaan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.

Gudoomiyah ayaa sheegay in Geedi-socodka Doorashada qof iyo Cod uu si wanagaasan dalka uga hirgalay islamarkaan dadka Soomaaliyeed ay fursad u heleen kudhawaad muddo kusiman 57 sano inay dootaan wakiiladooda kumatalayo siyaasada heerarkeda kala duwan.

Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka oo iyaguna dhankooda su’aalo iyo hadalo kajeediyay kulanka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaan dimuqraadi ah oo awoodda doorashada dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay Guddiga kala shaqeynayaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo.

 :-TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO ANKARA KULA KULMAY MAS’UULIYIIN SARE OO TURKI AH.Taliyaha Ciidanka Xoo...
10/08/2026

:-TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO ANKARA KULA KULMAY MAS’UULIYIIN SARE OO TURKI AH.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Ankara kulan kula qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga, Yaşar Güler, iyadoo kulanka uu sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Orgeneral Selçuk Bayraktaroğlu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo iskaashiga amniga iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan taageerada horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tababarka iyo tayeynta ciidamada, iyo xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan xasilloonida, amniga iyo horumarinta awoodaha difaaca Soomaaliya, iyadoo la adkeynayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha difaaca ee labada dal.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fe...
10/08/2026

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib doorashadii maanta dhacday, waxaana uu helay 142-codka, halka Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) oo la tartamayey uu helay 30-cod.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogwaran News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogwaran News:

Shortcuts

Share