12/07/2025                                                                            
                                    
                                                                            
                                            Sheekada: Labadii Mukulaal Ee Hilibka Ku Heshiin Waayay
Waxaa jiray laba mukulaal oo saaxiibo ahaa, muddo dheer ayey si fiican u wada noolaa, waxaase dhacday in maalin maalmaha ka mid ah ay heleen hilib cad oo ay si lama filaan ah u wada heleen. Mid kastaa wuxuu rabay in uu kaligii qaato, midna midka kale ma rabin inuu wax siiyo. Markii ay murmeen, oo mid walba uu lahaa: "Anigaa helay!", ayay go’aansadeen in ay keensadaan garsoore si uu u kala xukumo.
Waxay tageen daanyeer garsoore ah. Daanyeerkii wuxuu ku yiri:
“Waxaan ahay nin caddaalad jecel. Waxaan idiin kala qaybinayaa hilibka si siman.”
Wuxuu hilibkii u jaray laba qaybood, balse si ula kac ah ayuu mid uga dhigay mid ka weyn midka kale. Markaas ayuu yidhi:
“Waa inaan labada dhinac simaa, aan wax yar ka cuno qaybta weyn.”
Wuxuu ka cunay qaybtii weyn. Laakiin markuu cunay, qaybtii yar ayaa noqotay midda weyn. Mar kale ayuu yidhi:
“Hadda tii h**e ayaan ka dhigay mid weyn, aan ka dhigo siman.”
Wuxuu cunay qaybtii kale. Sidaas ayuu mar kasta u cunayay midda “weyn” isagoo leh “waan sinnaayaa”, ilaa uu gebi ahaanba hilibkii cunay. Kadibna wuxuu u sheegay labada mukulaal:
“Hadda hilib ma jiro, ee marka xigta waa inaad si fiican u heshiisaan.”
Cibrooyinka laga dhaxlo:
1. Kalsooni la'aanta dhexdooda waxay sababtay in ay lumiyaan wixii ay haysteen.
2. Markaad is khilaafdaan, cadow ayaa kaa faa’iideysta.
3. Garsoore xun wuxuu kaa qaadi karaa wixii aad lahayd isagoo ku marmarsiyoonaya “cadaalad.”
4. Midnimada iyo kalsoonidu waa furaha guusha.
Admin