12/06/2025
Dowladda ayaa soo saartay go’aamo ku aadan sida ay u dhaqmayaan qolooyinka la dhaho C6+ ama beesha caalamka.
Dowladda waxa ay qoraalkeeda ay lawadaagtay ku cadeesay in la dhaafay uuna dhamaaday mandate ay heesteen ayna qasab tahay in arrimaha gudaha ee dowladda ay faraha kala baxaan ayna dhowraan madaxbanaanida dalka iyo go’aan gaarista madxda dalka.
Sida muuqato dowladda ayaa dulqaatkii ka dhamaaday kadib markii C6+ kooxda ah ay u dhaqmeen si aa ka tarjumeen madaxbanaanida dalka oo xilliyada qaar soo saaraan go’aamo ay ku amrayaan madaxda dalka taasna ay muujisay in dowladda aysanba gaari karin go’aan aysan ogeen ama raali aysan ka aheen
Haddaba sidee kuula muuqataa muwaadin tallaabada ay dowladda qaadatay mana tahay xilli ku habboon? Mise go’aankan dowladda waxa uu u muuqdaa mid ay dowladda rabto inee isaga yareeso culeeska xiliigaan saaran ee ku aadan arrimaha cakiran ay laysku mari weesanyahay ee dooraahooyinka iyo dastuurka.