13/09/2025
Muqdisho, Sabti, 13 Sebteembar 2025: — Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababbar sare oo ku saabsan horumarinta adeegga guud iyo maareynta waxqabadka ku saleysan natiijo, kaasi oo loo qabtay Saraakiisha Idman ee hey’adaha dowladda.
Tababbarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya xoojinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha sare ee ka kala socda hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda, waxaanna kor loogu qaadaya kartidooda hoggaamineed iyo maareynta howlaha dowladda, si loo horumariyo tayada adeegyada la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed, loona dhiso nidaam wax-ku-ool ah oo lagu cabbiro, laguna qiimeeyo waxqabadka hay’addaha, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan iyo hufnaan.
Furitaanka tababbarka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, iyo khubaro ku takhasusay maamulka iyo hoggaaminta adeegyada dadweynaha oo ka socda dalka Tansaaniya, waxaanna si rasmi ah u furay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani.
Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda saaraysa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo waayo-aragnimada masuuliyiinta laf-dhabarta u ah hey’adaha dowladda si bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo waxtar leh, loona xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee ku saleysan isla xisaabtan iyo daah-furnaan
— Dhammaad —