Ayub Abdalla

Ayub Abdalla Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ayub Abdalla, Digital creator, Digfer Road, Mogadishu.

πŸš€ Freelance Full Stack Software Engineer | πŸ’» MERN Stack | Next.js | NestJS | πŸ“± React Native | πŸ“š Learning Data Science & Machine Learning | 🌐 WordPress & SEO Expert | πŸ“± Social Media Manager

25/09/2026

AI wuxuu maanta UI/UX Design-ka ka dhigay mid ka dhakhso badan, fudud, isla markaana creative badan. πŸš€

Figma + AI waxay kaa caawinayaan inaad hesho fikrado cusub, samayso design nadiif ah, hagaajiso User Experience-ka, isla markaana aad shaqadaada u qabato si ka dhakhso badan sidii h**e.

Ma jeclaan lahayd inaan kuu qabto seminar ku saabsan Figma UI/UX Design 2026, oo aan kaga hadlayo sida AI loogu dhex isticmaali karo design-ka Mobile Apps iyo Websites?

Fikirkaaga comment-ka ila wadaag. πŸ‘‡

20/09/2026

πŸš€ COMING SOON!

πŸŽ“ Full Course: WordPress, SEO & AI

Baro sida loo dhiso website professional ah, loo sameeyo SEO, looguna isticmaalo AI si aad shaqadaada uga dhigto mid fudud oo casri ah.

πŸ’» WordPress
πŸ” SEO
πŸ€– AI Tools
🌐 Website Development
πŸ“ˆ Practical Skills

Wax walba waxaad ku baran doontaa step-by-step, laga bilaabo beginner ilaa practical level.

πŸ”₯ Full Course Coming Soon
Stay Tuned!

🎀 Sharaf iyo Mahadnaq! πŸŽŠπŸ‘6-dii Sebtembar 2026, waxaan sharaf weyn u lahaa inaan ka qayb noqdo Madashii 4-aad ee Sahan In...
08/09/2026

🎀 Sharaf iyo Mahadnaq! πŸŽŠπŸ‘

6-dii Sebtembar 2026, waxaan sharaf weyn u lahaa inaan ka qayb noqdo Madashii 4-aad ee Sahan Initiative, oo ay soo qabanqaabiyeen Deero Institute, laguna falanqeeyay:

πŸ’» Building the Future: WordPress & AI for Everyone

Waxay ii ahayd fursad qiimo badan inaan aqoontayda iyo waayo-aragnimadayda ku saabsan WordPress, AI & Web Development la wadaago dhalinyarada Soomaaliyeed. πŸš€

Mahad weyn Deero Institute, Sahan Initiative iyo dhammaan dhalinyaradii kasoo qaybgalay. ❀️

Aqoontu waa awood, wadaagisteeduna waa horumar. πŸ’‘πŸ‡ΈπŸ‡΄

03/09/2026

A day in my work life as a Software Developer & Instructor. πŸ’»πŸ‘¨β€πŸ«

Building, coding, teaching, and sharing knowledge one day at a time.

πŸš€ Kaalay aan ku kulanno seminar-ka ku saabsan β€œBuilding the Future: WordPress & AI for Everyone.β€πŸ“… 6 September 2026⏰ 4:0...
31/08/2026

πŸš€ Kaalay aan ku kulanno seminar-ka ku saabsan β€œBuilding the Future: WordPress & AI for Everyone.”

πŸ“… 6 September 2026
⏰ 4:00 PM
πŸ“ Deero HQ Office, Digfeer, Hodan, Muqdisho

πŸ”— Isdiiwaangeli hadda:
https://forms.gle/oMXTyDC252GVMnQS8

Waan ku sugayaa! πŸ€πŸ’»

31/08/2026

Working 24/7 πŸ’»βš‘ Turning ideas into code, one line at a time.

Marka code-kaagu kuu shaqeeyo,Farxad Aad Uweyn Aya Daremeysa. Ma aha oo kaliya inaad code qorto  waa inaad dhisto xalal ...
18/08/2026

Marka code-kaagu kuu shaqeeyo,
Farxad Aad Uweyn Aya Daremeysa.

Ma aha oo kaliya inaad code qorto waa inaad dhisto xalal kuu abuura fursado, xorriyad iyo mustaqbal wanaagsan.

AI tools sida Claude AI waxay maanta naga caawinayaan inaan fikradaha si degdeg ah ugu beddelno code iyo solutions dhab ah. πŸš€

Speak. Code. Create.
Fikraddaada ka dhig wax shaqeynaya. πŸ’‘πŸ’»

15/08/2026

SEO KELIYA MA KU FILAN YAHAY?

Waxaan wada naqaan WordPress iyo SEO laakiin hadda waxaa sii muhiim noqonaya GEO (Generative Engine Optimization)πŸ”₯

GEO waa hab lagu diyaariyo content-ka iyo website-kaaga si AI search engines ay si fiican u fahmaan, u qiimeeyaan, una tixraacaan marka dadka su’aalo waydiinayaan.

Marka su’aashu ma aha oo keliya:

πŸ‘‰ β€œSideen Google uga soo muuqan karaa?”

Waxay sidoo kale noqotay:

πŸ‘‰ Sideen AI uga dhigi karaa inuu website-kayga dadka u soo bandhigo?πŸš€

Haddii aad tahay WordPress Developer, SEO Specialist, ama Website Owner GEO waa mowduuc ay tahay inaad hadda barato.

πŸ“Œ Follow gareehalkaan waxaan idinku soo gudbin doonaa sida website-kaaga loogu habeeyo GEO

Waxaan ahay Ayub. Macsalaam! πŸ‘‹πŸ”₯

14/08/2026

Keep working and keep learning β€οΈπŸ‘Œ

09/08/2026

Haddii aan maanta eber ka bilaabi lahaa Programming-ka 2026, maxaan baran lahaa?

Programming-ka maanta aad buu uga duwan yahay sidii uu ahaa 7 ama 10 sano ka hor.

AI waxay beddeshay habka aan wax u baranno iyo sida aan u dhisno projects-ka. Laakiin taasi macnaheedu ma aha in programmer-ka la beddelay.

Haddii aan maanta bilaabi lahaa, waxaan xoogga saari lahaa fundamentals-ka, kadibna waxaan si qoto dheer u baran lahaa JavaScript.

Waxaan marka h**e baran lahaa:
πŸ’» Variables
βš™οΈ Functions
πŸ”€ Conditions
πŸ” Loops
πŸ“¦ Arrays & Objects
πŸš€ Async/Await

Kadib waxaan u gudbi lahaa React, Next.js, Node.js iyo technologies kale.

Ha isku dayin inaad wax walba barato. Hal meel ka bilow, joogtee, kadibna projects dhab ah dhis.πŸ”₯

πŸŽ₯ Video-ga ka daawo, kadibna comment-ka iigu sheeg:

Haddii aad maanta Programming bilaabi lahayd, Python mise JavaScript ayaad dooran lahayd? πŸ‘‡

Address

Digfer Road
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ayub Abdalla posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share