Ayaa media

Ayaa media welcome to my page like io follow iyo sherta waa dhiirigalin wararlahubo oola is kuhaleynkaro

09/08/2026

Sida ay sheegayaan xogaha aan helayno, Taliye Cali Salaad (Cali Gaab), oo ahaa afhayeenkii ciidamadii xag u dirirkii degmada Berdaale, fadhiisinkooduna ahaa Dhajiile, ayaa la sheegay inuu ka baxay degmada Berdaale, isaga oo wata ciidamo tiradooda lagu qiyaasay 5 askari iyo hubkooda.

Cali Gaab ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku biiray ciidamada daacadda u ah Lafta Gareen ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.

Ilaa hadda, faahfaahin rasmi ah lagama hayo sababta bixitaankiisa iyo xaaladda ciidamada uu watay.

👀

09/08/2026

Ma ogtahay in Content Creator wanaagsan uusan ku filnayn inuu muuqaal qurux badan sameeyo, balse uu sidoo kale leeyahay anshax xirfadeed?

Waxaan ka qayb galay cashar qiimo badan oo ku saabsanaa Anshaxa Warbaahinta (Media Ethics), kaas oo ay noo qabteen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) annaga oo ah ardayda koorsada Mobile Content Creation ee SODEMY.

Casharkani wuxuu i baray in content-ku uusan ahayn oo keliya muuqaal soo jiidasho leh, balse uu ku dhisan yahay:
✅ Runta iyo saxnaanta xogta.
✅ Mas'uuliyadda bulshada.
✅ Ixtiraamka anshaxa mihnadda warbaahinta.
Waxaan rumeysanahay in aqoontan ay iga caawin doonto inaan noqdo Content Creator soo saara nuxur tayo leh oo bulshada faa'iido u leh.

Barashadu ma joogsato. Maalin kasta waxaan qaadayaa tallaabo cusub oo aan ku horumarinayo xirfadahayga digital-ka.

09/08/2026

Ardeyda kaalinta gashey gobolka banaadir waxaan leeyaxay hambalyo

01/08/2026

Hambalyo Dadkaygow.

28-sano iyo dowladnimo ku dhisan amni horumar iyo kala dambayn.

Address

Mogadishu
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ayaa media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share