01/07/2026
Waxaa isa soo taraya taageerada loo muujinayo dhalinyarada aqoonta iyo kartida leh ee u taagan inay bulshada metelaan, iyadoo arrintan loo arko mid ka tarjumaysa baahida loo qabo hoggaan cusub oo leh aragti fog, hufnaan iyo daacadnimo.
Taageerayaasha musharraxa kursiga HOP 189, Avv. Mohamed Abdirahman Adan, ayaa ku tilmaamay inuu yahay shaqsi aqoon iyo waayo-aragnimo leh, isla markaana leh akhlaaq wanaagsan iyo dareen bulsho oo muuqda. Waxay sidoo kale sheegeen inuu mar walba muujiyo ixtiraam, wada-tashi iyo u diyaar garow uu ugu adeegayo bulshada.
Sidoo kale, taageerayaashiisu waxay aaminsan yihiin in bulshada ay maanta u baahan tahay hoggaan ka shaqeeya xoojinta midnimada, horumarinta adeegyada bulshada iyo ilaalinta danta guud, iyagoo muujiyey kalsooni ay ku qabaan in Avv. Mohamed Abdirahman Adan uu door wax ku ool ah ka qaadan karo haddii loo doorto kursiga HOP 189.