Hibo Media Group

Hibo Media Group Warbaahin dhex-dhexaad ah Madax banaan Deg-degsiimo Daacadnimo Waa Astaanteena

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa abaalmarin gudoonsiiyay geesiyaal ka tirsan ciidamada Macawisleyda oo howlgal qorsheysan k...
25/02/2025

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa abaalmarin gudoonsiiyay geesiyaal ka tirsan ciidamada Macawisleyda oo howlgal qorsheysan ku dilay dhagar qabe ka tirsanaa Khawaarijta kaasi oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceelka-baar ee dhaca galbeedka magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa geesiyaasha fuliyay howlgalka ku wareejiyay laba qori oo AK-47 ah kuwaasi oo qeyb ka ah ballanqaadyadii maamulka gobolka Hiiraan horay u shaaciyay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxuuna ballan qaaday in abaalmarino la gudoonsiin doono cidkasta oo cadowga Khawaarijta ah naafaysa.

Waxaa maanta magalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowladda Galmudug ka furmay shirka isku xirka dowladaha hoose iyo wasaa...
25/02/2025

Waxaa maanta magalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowladda Galmudug ka furmay shirka isku xirka dowladaha hoose iyo wasaaradaha dowladda Galmudug.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha faderaalka & dib-u-hishiIsiinta dowladda Galmudug

25/02/2025

Geesiyaasha Macawiisleyda gobolka hiiraan iyo ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qaadeen aaga deegaanka Beero-yabaal oo hoostaga degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada qalabka sida nuucyadooda kala duwan iyo kuwa deegaanka oo helay xogta dhagarta weerar Khawaarijra ayaa u dhigay dabin aaysan fileyn waxaana Khawaarijrta la gaarsiiyay khasaare xoogan.

Waxaa hadda degan xaaladda deegaanka beero-yabaal goobaha lagu dagaalamay waxaa gacanta ku haaya ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, kuwaasi oo weli sii baacsanaya firxadka khawaarijta.

Ururka 87aad ee Guutada 77 oo ka mid ah Ciidamo dhawaan carbis usoo dhammaaday ayaa gaaray deegaano dhaca gobolka Shabee...
24/02/2025

Ururka 87aad ee Guutada 77 oo ka mid ah Ciidamo dhawaan carbis usoo dhammaaday ayaa gaaray deegaano dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe,Ciidankaan ayaa loo qorsheeyay in ay gacanta ku dhigaan deegaanada bariga gobolka Galgaduud gaar ahaan Degmooyinka Ceel-buur & Galhareeri.

Gulufkaan ayaa looga gol leeyahay in lagu xorreeyo deegaanada gobolada Galgaduud,Mudug & Shabeellaha dhexe,ciidankaan ayaa ah mid loo dhameeystiray hub iyo saanad,waana dhalinyaro aad u kala taqaan deegaanka oo lasoo xulay.

Dhiig cusub ayeey ku shubi doonaan howlgalada ka socda Gobolada dhexe,dhawaan ayaana la maqli doonaa warar farxad leh.

Cadaan laxey waa ok, geesiyaasha ayaana caano iyo biya qaboow ku cabaya. Dadka Deegaanka ayaana ciidanka biyaha, caanaha...
24/02/2025

Cadaan laxey waa ok, geesiyaasha ayaana caano iyo biya qaboow ku cabaya. Dadka Deegaanka ayaana ciidanka biyaha, caanaha iyo Raashinka ka daba wado.

24/02/2025

Shacabka magaalada xarardheere ayaa ka aragti dhiibtay soona dhaweeyay guulaha Geesiyaasha ciidamada qaranka iyo kuwa Deegaanka ay ka gaareen Khawaarijta Naf lacaariga Ee Shabaab

Mohamed Daljir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaal...
24/02/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdiraxmaan Macow {Cumar Faruuq} oo hogaaminayay Dhalinyarada D...
24/02/2025

Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdiraxmaan Macow {Cumar Faruuq} oo hogaaminayay Dhalinyarada Degmooyinka Xamarweyne, Shangaani, Cabdicasiis iyo Boondheere ayaa dhiig ugu deeqey Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Difaaca Deegaanka Macawiisleyda ee Dagaalka kula jira Cadawga Argagixisada ee Khawaarijta.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Cumar Faruuq ayaa u mahadceliyay Gudoomiyeyaasha Dhalinyarada Degmooyinka iyo Agaasime Kuxigeenka Bangiga Dhiiga Qaranka Ahna Ku Simaha Agaasimaha Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamuud Raage iyo Howlwadeenada kale ee Bangiga, asigoona balan qaaday in Ollolaha Dhiig ku deeqista CXD Soomaaliyeed iyo Macawiisleyda ay sii wadi doonaan isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan dhamaan Dhalinyarada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidanka Macawiisleyda degmada Raage Ceelle ee Gobalka Shabeelada dhexe ayaa ku dhowaad laba sno kadib hubkooda lasoo ba...
24/02/2025

Ciidanka Macawiisleyda degmada Raage Ceelle ee Gobalka Shabeelada dhexe ayaa ku dhowaad laba sno kadib hubkooda lasoo baxay, kadib markii ay soo laba kacleeyeen kooxda AS oo waayahaan dhaq dhaqaaq kawado gobalkaas.

Raage Ceelle waxay kamid aheyd degmooyinkii ugu horreeyay ee kacdoonka Macawisleyda ka curtay, iyadoo lagu guuleestay in kooxda laga saaray degmadaas iyo degaanada katirsan, waxayna labadii sano ee lasoo dhaafay u jiheesteen horumar balse hadda ayey markale hubkoodii lasoo baxeen si uga qeyb noqdaan difaaca gobalka, waxaana horkacaya Guddoomiye Masdile oo sidoo kale katirsan Saraakiisha Xoogga dalka.

Odayaasha iyo dhalinyarada hubka qaatay ayaa la filayaa in ay u baxaan goobaha xiisadda ka jirto una taageeraan Macawiisleyda kale iyo ciidanka dowladda.

Macawileyda degmada Raage Ceelle waxaa aas aasay Ibraahim Afweyne Alle ha u naxariistii waxa uuna ku dhintay 2016-kii isagoo AS la dagaalamaya waxa uuna ka saaray degmadaas ilaa Runnirgood, markale ayey sanadkii 2021-kii galeen dagaal kale oo culus, kii ugu dambeeyayna waxa uu ahaa 2022-kii kadib doorashadii dalka oo suurtageliyay in kooxda laga adkaado.

Waa kuma chancellorka Cusub ee Jarmalka?Friedrich Merz, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Christian Democratic Union (CDU), aya...
23/02/2025

Waa kuma chancellorka Cusub ee Jarmalka?

Friedrich Merz, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Christian Democratic Union (CDU), ayaa la filayaa inuu noqdo chancellorka cusub ee Jarmalka kaddib guushii xisbigiisa ee doorashadii guud ee 23-ka February. Xisbiga CDU/CSU ayaa muddo dheer ahaa kan ugu codka badan ra’yi ururinta, isagoo heystay qiyaastii 30% codadka. Merz wuxuu ahaa tartamihii ugu weynaa ee la loollamayay chancellorka hadda jooga, Olaf Scholz oo ka tirsan xisbiga Social Democrats (SPD).

Guusha Merz waxay calaamad u tahay soo noqoshadiisa siyaasadeed, kaddib markii uu muddo 12 sano ah ka maqnaa Bundestag (baarlamaanka Jarmalka), isagoo dib ugu soo laabtay 2021. Hadda, isagoo 69 jir ah, wuxuu noqonayaa chancellorkii ugu da’da weynaa tan iyo Konrad Adenauer (oo xilka qabtay 1949 isagoo 73 jir ah).

Friedrich Merz wuxuu horey u ahaan jiray siyaasi caan ah, laakiin wuxuu dib uga laabtay siyaasadda markii Angela Merkel ay hoggaanka CDU la wareegtay
Sannadii 2002. Merkel waxay ahayd siyaasi taxaddar badan, halka Merz lagu yaqaanay inuu yahay qof si cad u hadla oo aan ka baqin halista siyaasadeed.

Markii Angela Merkel ay noqotay chancellor 2005, Merz wuxuu si tartiib ah uga baxay siyaasadda, wuxuuna dib ugu laabtay shaqadiisii qareennimada iyo ganacsiga. Intii uu ka maqnaa siyaasadda, wuxuu qabtay xilal sare, waxaana la xusuustaa inuu noqday guddoomiyaha BlackRock Jarmalka (2016-2020), oo ah shirkadda maalgelinta ugu weyn dunida.

Markii Merkel shaacisay inay siyaasadda ka tageyso 2021, Merz ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay CDU, wuxuuna xilka hoggaamiyaha xisbiga ku guuleystay 2022, kaddib saddex isku day.

Friedrich Merz wuxuu wataa siyaasad midig u janjeerta, wuxuuna rabaa inuu xakameeyo soogalootiga, kobciyo dhaqaalaha xorta ah, oo uu ka laabto isbeddellada ay sameeyeen Merkel iyo xisbiyada bidixddu.

Inkasta oo guushiisa doorashada la xaqiijiyey, wali waxaa harsan caqabado ku saabsan cidda uu la sameyn karo isbahaysi si uu u noqdo chancellorka rasmiga ah ee Jarmalka. Wuxuu wajahayaa mucaarado adag, gaar ahaan xisbiyada bidixda iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Haddii uu xukuumad dhiso, waxay noqon doontaa mid ka duwan tii Angela Merkel, taasoo ahayd mid dhex-dhexaad ah, halka Merz uu la imaan doono hoggaan midig u janjeera oo leh mowqifyo adag.
.

23/02/2025

Shacabka magaalada Guriceel ayaa soo dhaweeyay iskaashiga iyo guulaha ciidamada qaranka ee jabka xooggan gaarsiiyay Khawaarijta.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hibo Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category