18/08/2026
WAR-SAXAAFADEED
Hoggaanka Sare ee Ururka Hal-abuur & Horumar waxay ku faraxsan yihiin inay ku dhawaaqaan isku-shaandheyn iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey Golaha Fulinta, taas oo lagu xoojinayo howlaha ururka, lagu horumarinayo hoggaanka, laguna dardargelinayo qorshayaasha iyo barnaamijyada ururka.
Isku-shaandheyntan waxay qeyb ka tahay qorshaha ururka ee dib-u-habeynta, horumarinta iyo tayeynta hoggaanka, iyadoo xilalka lagu saleeyey karti, dadaal, masuuliyad iyo baahida shaqo ee ururka.
Xubnaha cusub ee Golaha Fulinta waxaa ka mid ah:
1. Mukhtaar ali Ibraahim: madaxa arimaha bulshada iyo wacyigelinta
2. Dr Hassan adan nishow : Xubin katirsan gudiga fulinta
3. Abwaan C/fitaax C/llaahi cali: xubin katirsan gudiga fulinta
Hoggaanka Sare ee Ururka Hal-abuur & Horumar wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xubnaha cusub, wuxuuna ugu baaqayaa inay si daacadnimo, xilkasnimo iyo wada-shaqeyn leh uga soo baxaan masuuliyadaha loo igmaday.
Dhamaad